AllBoon.com

I Daayaay Boon I Deeqdaye.!!

Archive for January, 2008

Solayga Iyo Iskaashiga Boon.

Posted by hiildan on January 29, 2008

October 18, 2006

Magaalada Boon Waxay Caan Ku Tahay Hilibka Solayga Iyo “Iskaashiga Iskaa Wax U Qabsada”.

By Abubakar Xasan Afi

Magaalada Boon waxay dadwaynaheedu ku nool yihiin miyi iyo magaalo, waxay ku taalaa badhtamaha buura dhaadheer oo ku xeeran magaalada, mid ka mid ahna loo yaqaan (Libaax lay). Waxa dhawaanahan dembe ku badanayey degaanka Boon geedka loo yaqaan tiinka oo aad ku arkaysid wadada hareeraheeda, taas oo looga cabsi qabo inuu goobahaasi ka abuurmo lama dagaan, hadana waxaa dagan xoolo dhaqato aad u tiro badan. Magaalada Boon, waxay caan ku ahaan jirtay hilibka Soloyga, iyada oo manta la odhan karo wuu ka suulay.Marka la maqlo magaca magaalada Boon, wuxuu qof kasta xusuustaa magaalo madaxda Jarmalka oo iyadana la yidhaahdo “Boon”. 

Waxay ku taallaa Boon wadada dheer ee isku xidha jabouti iyo Borama, waana hal bowlaha ganacsiga ka jira deeganadaas, waxaana ka jira shirkado badan oo ka shaqaysta malabka. Kuwaas oo xeryo ku haysta shinida samaysta malabka oo loo iibgeeyo wadanka Jabouti, Dubai iyo gobolada kale ee S/land.Boon waxay magaalada Borama ka xigta xaga Waqooyiga 60 Km, halka degmada saylacna u jirto 180km, waxayna u dhaxaysaa Qul-ujeed iyo Xariirad. Magaalada Boon waxay ka mid tahay meelaha qadiimiga ah ee la smaeeyey 1933kii, waxaana in ay  magaalo noqoto fikirkeeda lahaa Alaha u naxariistee, Sheekh Cusmaan Wabari Boon. Waa meeshii ugu horeysay ee wakhtiyadii gumaysiga laga bilaabay “iskaa wax u qabso”, dabadeedna dalka intiisa kale ayay ku baahday. Fikrada iskaa wax u qabsada waxay ka timid odayaal wax garad ah, oo hogaamin jiray deegaanka Boon oo magacyadoodu kala yihiin :-

  1. Sheekh Cusmaan Waabari
  2. Aw Cali Maasheeye Iidle
  3. Caateeye Faahiye Nuur
  4. Rooble Xoosh Waabari
  5. Ibraahim Aare Waabari
  6. Nuur Cusmaan Colow
  7. Muxumed Maygaag Xergeeye
  8. X .Cige waxays Waabari
  9. Cabdi Muuse Gadiid
  10. Cilmi Camir Barkhadle

Hadaba waxaa mashruucaa iskaa wax u qabsada ee reer Boon Isticmaali jireen lagu fuliyay waxyaabo la taaban karo oo uu ka mid yahay biyo xidheeno lagaga hortagayay nabaadguurka oo laga sameeyey dhul gaadhay 50 km, dhismayaal kale oo ay ka mid yihiin Dugsiyo, malcaamado, Masaajid iyo Saylad.  Waxaa kale  oo iskaa wax u qabso lagu sameeyey Wadooyinka, mashruuca lagu dhisay barkado, balayo iyo Ceelal. Soo galinta  biyaha waxaa maaalada Boon ka caawiyay Hay’ada UNDP 20/09/2004, hay’ada UNICEF waxay ka caawisaa magaalada Boon, biyo gaadhsiinta xaafadaha iyo kiyoosyo ka caawiyay hayada UNICEF sanadkii 2003.Iskaa wax u wax u qabsadu kuma ekayn oo kaliya wakhtiyadii hore, balse ilaa maanta way ka socotaa howlaha iscaawintu.

Magaalada Boon waxaa ka jira Urur dhalinyaro oo magaciisu yahay Daryeel, waxayna ku howlan yihiin naadaafada magaalada iyo ururinta qashinka. Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Ismail Aadan iyo badhasaabkii G/Awdal Maxamuud Sh. A/laahi Cige, ayaa ugu balan qaaday 2004 in Magaalada Boon la gaadhsiiyo heer degmo. Ilaa haddana lama oga sababta loo fulin waayey dhawaaqii ahaa in Boon degmo laga dhigo Gudoomiyaha deegaanka Boon, Raage Cusmaan Waabari, ayaa ii cadeeyay in Boon wasaarada Gudaha ka diiwaan gashan tahay, uguna jirto inay degmo tahay. Isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi  “in qoraal uu u gudbiyay Wasiirka arimaha gudaha S/land iyo Madaxtooyadaba, balse wali wax jawaab ah kama hayno madaxtooyada, waanan ka sugaynaa inuu dhawaan ku dhawaaqo” Waxuuna intaa ku daray “dhaqaale ahaan in degmada Boon is bixinayso”.

Wariye: Afi  warka_awdal@yahoo.com 

Posted in Warka (news) | Leave a Comment »

Baaq ku Socda Qurba Jooga Boon: By Idris M Saad

Posted by hiildan on January 25, 2008

Walaalayaal Magacayga waxa la yidhaahdaa Idiris Muxumad Sacad, waxaan ahay nin ku dhashay Boon, kuna koray biyihii aftoox, solaygii iyo kidaarkii Boon ay caanka ku ahayd. Waxaan dhawaan fasax ku tegay waddankii, waxaan siyaartay caasimadii Boon, aniga oo wata qolooyin carrab ah oon aabo idhi.

Waxaan arkay daaro qurxoon oo badalay dasooyinkii. Waxaan arkay laydh iftiimaya oo ardaydu kaga nasatay faanuuskii na indha tiray. Waxaan arkay dad daawanaya telefishan iyo filimo. Waxaan xasuustay mar gaadhi filim gidaarka noogu qabtay oo badankayo aan jajabnay annaga oo ka baxsanayna fardihii uu fuushanaa Clint Eastwood.

Waxaan arkay dhallin garoonka kubad ku ciyaaraysa oo gashan garamo iyo kabihii ciyaarta. Annagu waqtigaygii iska illow kabo iyo garan ee kubadda lafteeda iyaa ahayd sharabaad laga buuxshay mara boob…  Mar mar iyaa inamada Jabuuti ka yimaadaa la iman jireen kubado rabadh ah. Nasiib darro maxamad daahir oo suul dheeraa iyaa laadka u horeeyaba ku qarxin jiray. Waxaan kaloon arkay Boon oo leh biyo baambadi sido, waxaan ku farxay sida looga raystay dameerihii iyo qarbidkii oo loo dhoofshay  tuulooyinka Boon la jaarka ah.

Isbadalka Boon aan ku arkay aad iyuu u fara badnaa halkanna idinku wareerin maayo. Laakiin waxaanan marnaba isbadlin wanaagii  iyo isjacaylkii dadka magaalada  deggani isku hayay. Waxaan ka xumaaday iyada oo odayadii badankoodu(allah ha u naxariistee) hooydeen. Waxaanse ku farxay dumarkii oo wada labaatan jir ah, inkasta ood moodo inay yara wada gaabteen.

Waxaan ka xumaaday  gobalka intiisa kale oo wada leh dugsiyo sare. Ardayda ka baxda dugsiga dhexe ee Boon intooda badan suuqa iyay galaan. Waayo lama hayo awoodii Boorama lagu masruufi lahaa. Haddii xaaskiiba  labo caruur ahi  uga soo baxdo iskoolka, waxa inta badan reerkii  awoodi karaa in qof uun uu diro Borama. Bal u fiirso dhibtaa. Waa adiga  oo lagu yidhi kala dooro caruurtaada kii mustaqbal aad u samaynayso iyo kii aad suuqa ku sii daynayso. Waa arrin aad u dhib leh. Taas iyaa haysata waalidiinta reer Boon.

Waxay reer Boon i weydiisteen inaan ka caawiyo, ulana hadlo caruurtooda qurbaha joogta sidii dugsi sare loogu dhisi lahaa. Hawshaas aniga oo ilaahay la kaashanaya, kaslooni buuxdana idinku qabo dusha iyaan ku soo qaaday. Waxaan jecelahay inaan hawshaas wada qabano. 

Baahida Reer Boon iskoolka kaliya maaha ee arrimuhu way fara badan yihiin. Waxaan jecelahay inaan jimciyad samaysano aan bal marka hore isku barano. Mar labaadna aan

Kaga hadalo sidii aan dadkeena wax ugu qaban lahayn. Waxa kale oon idinku dhiiri galinayaa inaad Boon soo dhisataan. ( ha noqoto Studio)  oo fasaxyadana caruurta aad keentaan. Ha noqoto meeshii aan fasaxyada ku kulmi lahayn. Waxaan ogahay inay caruurtiinu jeclaanayaan ( ma hubo dumarkiina).

Aan Boon ka dhigno magaalo aan ku faano. Waxaanan jeclaan lahaa inaan meel iskugu nimaadno oon fikradeheena isku waydaarsano, sida http://boonhigh.blogspot.com/. Ama sitekale oon boon u samaynaba..

Alaa mahadleh.

Idiris M. Saad

Email: Idris@othmanhabib

Posted in Warka (news) | Leave a Comment »

Dugsiga H/Dhexe Boon Iyo Booqashadii Weriye Hashim

Posted by hiildan on January 25, 2008

Hashim Goth, Harowo (BOON)–16-Sep. Dugsiga H/Dhexe ee magaalada Boon ayaa waxa dhigata Arday gaadhaysa 300 Arday, sidaa waxa u sheegay weriye Hashim maamulaha Dugsiga H/Dhexe ee Boon Mr. Saleebaan Siciid Cismaan.

Maamukuhu wuxuu intaas ku daray in ay wax ka dhigaan dugsiga 10 macalin oo laba ka mid ah ay ka shaqaalaysan yihiin Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland, inta kalana waxay mishaharka ka helaan lacagta Ardayda laga qaado bisha oo ah, Aradayga dhigta D/Hoose oo laga qaado 7000Shilin iyo Ardayga dhigta D/dhexe oo laga qaado 14 kun oo shilin.

Maamule Saleebaan wuxuu intaas ku daray in 3 macalin mushaharkood ay bixin jireen Ururka Awdal Charaty, Sanadkanse aysan jirin 3 dii macalin ee ay bixin jireen musharkooda, taasina ay ku keentay dhib dhinaca macalimiinta gunadooda ah. Sababta goysay caawimada Awdal Charaty ayuu ku sheegay maamuluhu khilaaf ku yimid Ururka gudihiisa oo saameeyay Dugsigooda iyo kuo kalaba.

Shir lagu shiray isla maalintaas magaalada Boon oo lagag hadlayay Arinta Dugsiga ayaa goobtaas ka dhacay shirkaasna waxa lagu gaadhay in la raadiyo xal loo helo macalimiinta wax ka dhigta Dugsigaas, isla markaana la tego dhinaca Boorama oo Wasaarada laga raadiyo in macalimiinta ay wax siiyaan loo kordhiyo si ay caruurtoodu u hesho macalimiin.

Dhinaca Buugta wax laga dhigo ayaa iyadna aan jirin sida uu ii sheegay maamule Saleebaan, iyo Ardayda oo marka ay dhamaystaan fasalka 8 aad aan helin waxbarasho kale sababtuna tahay Dugsi Sare oo aanay lahayn Magaalada Boon.

  Dugsiga H/Dhexe ee magaalada Boon oo aan haysan macalimiin ku filan

  Maamulaha dugsiga Hoose/Dhexe ee magaalada Boon Mr. Saleebaan Siciid Cismaan

Hashim Goth hashimgoth@hotmail.com

Posted in Warka (news) | Leave a Comment »