October 18, 2006
Magaalada Boon Waxay Caan Ku Tahay Hilibka Solayga Iyo “Iskaashiga Iskaa Wax U Qabsada”.
By Abubakar Xasan Afi
Magaalada Boon waxay dadwaynaheedu ku nool yihiin miyi iyo magaalo, waxay ku taalaa badhtamaha buura dhaadheer oo ku xeeran magaalada, mid ka mid ahna loo yaqaan (Libaax lay). Waxa dhawaanahan dembe ku badanayey degaanka Boon geedka loo yaqaan tiinka oo aad ku arkaysid wadada hareeraheeda, taas oo looga cabsi qabo inuu goobahaasi ka abuurmo lama dagaan, hadana waxaa dagan xoolo dhaqato aad u tiro badan. Magaalada Boon, waxay caan ku ahaan jirtay hilibka Soloyga, iyada oo manta la odhan karo wuu ka suulay.Marka la maqlo magaca magaalada Boon, wuxuu qof kasta xusuustaa magaalo madaxda Jarmalka oo iyadana la yidhaahdo “Boon”.
Waxay ku taallaa Boon wadada dheer ee isku xidha jabouti iyo Borama, waana hal bowlaha ganacsiga ka jira deeganadaas, waxaana ka jira shirkado badan oo ka shaqaysta malabka. Kuwaas oo xeryo ku haysta shinida samaysta malabka oo loo iibgeeyo wadanka Jabouti, Dubai iyo gobolada kale ee S/land.Boon waxay magaalada Borama ka xigta xaga Waqooyiga 60 Km, halka degmada saylacna u jirto 180km, waxayna u dhaxaysaa Qul-ujeed iyo Xariirad. Magaalada Boon waxay ka mid tahay meelaha qadiimiga ah ee la smaeeyey 1933kii, waxaana in ay magaalo noqoto fikirkeeda lahaa Alaha u naxariistee, Sheekh Cusmaan Wabari Boon. Waa meeshii ugu horeysay ee wakhtiyadii gumaysiga laga bilaabay “iskaa wax u qabso”, dabadeedna dalka intiisa kale ayay ku baahday. Fikrada iskaa wax u qabsada waxay ka timid odayaal wax garad ah, oo hogaamin jiray deegaanka Boon oo magacyadoodu kala yihiin :-
- Sheekh Cusmaan Waabari
- Aw Cali Maasheeye Iidle
- Caateeye Faahiye Nuur
- Rooble Xoosh Waabari
- Ibraahim Aare Waabari
- Nuur Cusmaan Colow
- Muxumed Maygaag Xergeeye
- X .Cige waxays Waabari
- Cabdi Muuse Gadiid
- Cilmi Camir Barkhadle
Hadaba waxaa mashruucaa iskaa wax u qabsada ee reer Boon Isticmaali jireen lagu fuliyay waxyaabo la taaban karo oo uu ka mid yahay biyo xidheeno lagaga hortagayay nabaadguurka oo laga sameeyey dhul gaadhay 50 km, dhismayaal kale oo ay ka mid yihiin Dugsiyo, malcaamado, Masaajid iyo Saylad. Waxaa kale oo iskaa wax u qabso lagu sameeyey Wadooyinka, mashruuca lagu dhisay barkado, balayo iyo Ceelal. Soo galinta biyaha waxaa maaalada Boon ka caawiyay Hay’ada UNDP 20/09/2004, hay’ada UNICEF waxay ka caawisaa magaalada Boon, biyo gaadhsiinta xaafadaha iyo kiyoosyo ka caawiyay hayada UNICEF sanadkii 2003.Iskaa wax u wax u qabsadu kuma ekayn oo kaliya wakhtiyadii hore, balse ilaa maanta way ka socotaa howlaha iscaawintu.
Magaalada Boon waxaa ka jira Urur dhalinyaro oo magaciisu yahay Daryeel, waxayna ku howlan yihiin naadaafada magaalada iyo ururinta qashinka. Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Ismail Aadan iyo badhasaabkii G/Awdal Maxamuud Sh. A/laahi Cige, ayaa ugu balan qaaday 2004 in Magaalada Boon la gaadhsiiyo heer degmo. Ilaa haddana lama oga sababta loo fulin waayey dhawaaqii ahaa in Boon degmo laga dhigo Gudoomiyaha deegaanka Boon, Raage Cusmaan Waabari, ayaa ii cadeeyay in Boon wasaarada Gudaha ka diiwaan gashan tahay, uguna jirto inay degmo tahay. Isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “in qoraal uu u gudbiyay Wasiirka arimaha gudaha S/land iyo Madaxtooyadaba, balse wali wax jawaab ah kama hayno madaxtooyada, waanan ka sugaynaa inuu dhawaan ku dhawaaqo” Waxuuna intaa ku daray “dhaqaale ahaan in degmada Boon is bixinayso”.
Wariye: Afi warka_awdal@yahoo.com