Musharaxiinta Awdal ee Kulmiye (By:Xaddaari)

Faalo: Musharixiinta Reer Awdal uga sharaxan Madaxwayne ku xigeenka  xisbiga kulmiye maxaa lagu kala qiimayn doonaa sidayse  bulshada u kala kasban doonaan?? 

Sidaynu wada ognahay waxaa waaydan  loolan xoogan ka dhexjiraa  xisbiga kulmiye  dhexdiisa cidii hanan lahayd  labada kursi ee ugu sar saraysa  waa madaxwaynaha  iyo  maxwayne kuxigeenkee. Waxaa  kale oo waayadan soo badanayay  taageerayaasha  xisbiga kulmiye oo aad moodo  in aad logu soo diga roganaayo waayadan danbe oo aad ku arkayso ragbadan oo cusub oo ku soo biiray xisbiga taasna waxay  ku tosinaysaa inay dadkii rer somalilnad wax soo  yara fahmayaan  xaga asxaabta siyaasiga lana soo baranaayo waxa  ay tahay axsaab ama xisbigu. Hadii aynu  usoo noqono  G/Awdal  waxaa kajirta loolan xaga xisbiga  kulmiye  dhexdiisa oo loogu tartamaayo jagada Madaxwayne  kuxigeenka.

Waxaa  ilaa hada sharaxan  4 musharax oo dhamantood kasoo wada jeeda  G/Awdal oo mid waliba doonayo jagadaasi M/kuxigeenka. Magacyada  Musharixiinta rer Awdal uga sharaxan M/kuxigeenka Xisbiga Kulmiye waasidan. 

1.Aadan Jaamac Hoori                         Musharax jagada M/kuxigeenka X/ kulmiye

2.Ismaaciil Muumin Aare                      Musharax jagada M/kuxigeenka X/kulmiye

3.C/raxmaan Awcali Farax                   Musharax jagada M/kuxigeenka X/kulmiye

4.C/raxmaan C/laahi Ismaacil(Saylaci)  Musharax jagada M/kuxigeenka X/kulmiye 

Hadii aynu mid mid  isku dultaagno waxa aykala yihin iyo waxa ay ka kasban doonaan dadka ay karabaan  codadka. 

Hadii aynu ku horayno, Aadan Jaamac Hoori  waa siyaasi  saaxada siyaasada soogalay inta u joogo  madaxwayne  Rayaale Xafiiska Madaxwaynaha  waxa uuna  xilal kasoo qabtay  golaha wasiirada waxa uu soo kala qabtay wasiir ku xigenka howlaha  guud iyo wasiir ku xigenka  xanaanada xoolaaha oo  ugu danbayn tii uu iska casilay markii uu isku garan waayay.Wuxuu  shaaciyay in uu yahay G/xigeenka xisbiga kulmiye dhamaadkii sanadki tegay waxaynu odhan karnaa  Mr Hoori  hadii uu ku soo baxo  jagadaasi waxa uu hanan karaa marka ladhafo beesha uu ka soo jeeda dadbadan   oo rer Awdal ah waana dhicikartaa in uu ku gulaysto jagadaasi. 

Ismaaciil Muumin Aare, waa siyaasi  aqoonyahan rer Awdal ah oo aynu  odhan karno waxa uu kujiraa dadka  intabadan  aan hadal  xumaan ah lagasheegin  bulshada  rer Awdal  dhexdeeda. waxa uu wakiil u ahan jiray  hayada UNDP  Awdal   intii uu  halkaasi  joogay wax aanu  kasheegi karnaa waa iska yaryahay oo aan ahayn wanaag. Waxayse  dhibtu ka taagantahay Beesha uu ka soo jeedo ee Rer Nuur oo aan uqayb samayn labo meelood   waa mida horee waxaa Beesha  kumaran  xisbilxaakimka  Udub oo aynu odhan karno waxay katahay  Beeshu 50%. waa mida labaade  hadii uu kuguulaysto jagadaasi M/kuxigeenka  waxaa lagayaabaa  in ay arqalad ku noqoto  in uu helo taageero badan   marka laga reebo  Beesha kuu ka soo jeedo ee rer Nuur.  waloo  yahay nin aqoon yahana  hadana waxa la odhan karaa waa adag tahay sida uu taageero uga heli lahaa  Beelaha kalee  Makaahiil  maadaama  Daahir iyo Huda barkhad halkan  soo taaganyihiin oo ay rabaan  in ay Beesha  taageero  kahelaan. 

C/raxmaan Awcali Faarax waa siyaasi  somaray  marxalado siyaasi howgu horayso  ururki  SNM   oo uu sheegto  in uu mujaahid ahaa iyo  madaxwayne  kuxigeenki horee  Somaliland. Hadii uu kuguulaysto jagadaasi waxaa hortaagan C/raxman Awcali taageerada uu kaheli lahaa dadka rer awdal sadex  arimood 

waa mida horeee, waxay  dadka rer  Awdal intaban ay  uhaystaan in uu yahay C/raxmaan Awcali Faarax ninkii 1991 ku soo  hogaamiyay Xamashidi darbigii dhacay ee mingiste oo  ugaadhsanayay  kooxo kasoo  horjeeday  sida  jabhadii  onlf iyo  oromadiib oo markaa fadhiisin u ahayd  dalka somaliya iyo  jabdahii SNM labadaasi group oo  iskaashanaya ayaa siyaabo kala duwan u soo galay  waxay sobobeen  dhimasho aad ubadan  oo isaga laftiisu aanu filanayn. iyo madaxdii   ururkii  SDA  ee ka qayb galay  shirkii burca oo  bebera lagu laayay sida Cali Faarax Sayax iyo qaarkale  isaga  oo  markaa ay  isku huteel  deganaayeen arintaasi  C/raxmaan ka  muusan hadal dadka qaarkiina ay aamin sanyihiinba  in uu isagu kadanbeeyay maadama uu damacsanaa  M/kuxigeenka  jamhuuriyada  Somalilanad.

Mida labaad waxa weeyi  ee taageerada C/raxmaan Awcali iyo simcadiisa  hoos udhigtay  waxaa lasoo maray  tiraba  sadex doorasho  tii dowladaha hoose oo markaa uu ahaa  G/kuxigenka  Xisbigii Asad wax kuula kama soo howyn waxa kadanbaysay tii  madaxtinimada oo   ka ahaa  G/kuxigeen  Xisbiga  Kulmiye wax guulo kama soo howyn   waxaa  ugu danbaysay tii baarlamaanka  waxaan  odhan karnaa intii looga baahnaa  Xisbi ahaan  G/Awdal  kamay soobixin arinta. Waa arinta sadexaade  Beesha uu ka soo jeedo C/raxman Awcali oo    intabadan  taageerta Xisbiga Udub iyo   Daahir Rayaale   oo ay isku raas hoose yihin. Waxaase iswaydiin mudan  hadii uu C/raxmaan Awcali ku soo bixi waayo kala xulashada  G/kuxigeenka  Xisbiga Kulmiye  ee loobalan sanyahay malmaha   fooda inagu soo haya Beesha Jibriir Yoonis inta taageerta XS/Kulmiye masii joogi doonaan  Xisbiga Kulmiye mise  Xisbiyada kale ayay ku biiridoontaa maadaama ay  wali  u bislaan  Somaliland  Xisbinimada oo ay ka doorbidaan qabiilka. 

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (C/raxmaan saylaci) waa siyaasi  dayar oo aad u firfircoon bulshada dhexdeedana aad looga qadariyo wax qabad kiisana aan la soo koobikarin  waxa uu ku soo biiray  golaha deganka ee Boorama  2002  doorashadii   dowladaha  hoose wuxuu ka soo baxay degmada boorama  C/raxmaan waxaynu  ku tilmaami karnaa nin  kartibadan daacad ah aan dadka  caadifada badan ahayn.

Hadii uu ku soo baxo  jagadaa loo tartamaayo  ee G/kuxigeenka Xisbiga Kulmiye waxaynu odhan karnaa marka laga reebo  Beesha  uu ka soo jeedo ee degta galbeedka  G/Awdal ee Bahaber celi   wuxuu kasban karaa taageero yaal badan sida  Beelaha Maxad Case  iyo  Beelwaynta Habarcafaan oo aan ladhayalsan karin   iyo waliba  Beelaha makaahiil, Beesha Ciise  oo ay   degaan ahaan   isku   ooda yihiin. Isku wada duuboo  waxaynu halkan ku eegaynaa  Statics aanu  ka samaynay musharixiinta  G/Awdal uga sharaxan M/kuxigeenka Xisbiga kulmiye sida midka ku soo baxaa jagada uu bulshada cod uga heli doono ayaa sidan udhacday. 

 No     Magaca    Codadka uu  kaheli karo 100 kiiba   
 1    C/raxmaan Awcali  Faarax   17%  
 2  Aadan Jamaac Hoori   21%
 3  Isaaciil Muumin Aare  42%
 4  C/raxmaan C/laahi  Ismaciil (Saylaci)  63%

Xasan Maxamuud Qayaad (Xaddaari)

Edit : Edit
Comments : No Comments »

Waxay Ila Tahay (Opinion)


Dhalin Yarada Boon (By. Dr Yaasiin)

  DHALINYRADA  BOON………?               

Waxaan  ku eegayaa qormadani soo socota, dhalinyarada BOON inkastoo bulshada boon ay ka mid yihiin een horay ku soo xusay.  Wali jawaabtii ahayd bulsha boon maxay kaga duwantahay bulshooyinka kalee awdal?
Waxaa jawaabtaa ka dhex heli kartaan qoraalka hore iyo kan labaad, haddii aan guda galo qoraalkayga nuxurkiisa,   waxaa la ogyahay:
  • in dhalinyaradu tahay midhaha umada,
  • in dhalinyaradu tahay jiritaanka umada
  • in dhalinyaradu tahay xooga umada
  • in dhalinyaradu tahay kuwa umadooda horumarin kara haddii ay hagagaan ,haddii ay xumadaana umadaa jiritaankeeda laga dayrinayo.
Marhaddii ay dhalinyaradu tahay awoodaa aan kor ku sheegay, maxay u baahan yihiin? maxaa lagu toosin karaa? sidee lagu gaadhsiin karaa himilada ama wanaaga umadu ka rabto in ay u fuliyaan?   jawaabahaas waxaa ka jawaabay reer boon.  Markay yidhadeen..children learn where they live…. oon odhan karo markay heleen degaan ay degan yihiin dad maskaxdooda maalaya ,aanan ku dhaqmayn fikrado kale oo la soo guuriyay,kunna barbaariyay ubadkooda  is jecalyka is kaalmaynta isku duubnashaha,oo ay ku barbareen dhalinyarada reer BOON si dadban iyo si toosaba ayaan odhan karnaa way ka jawaabeen, al muhiim waxaa moran madoon ah.
ilmuhuna waa murayada bari umadau iska daawan doonto………
Sidaa aan kor ku xusay dhalinyarada Boon waxay ku barbareen   school layidhaado iskaa wax uqabso oo abayashood u dhiseen, waxa kale oo ay ku barbareen fahan nolasha qaybaheeda ah abayshood siiyeen ilmahaa isagoo yar in uu waxna barto shaqaystana waliba waalidkiina caawiyo, kuna dhiiranaado waxii bulshadu qabsanayso, ee si isku duubniya loo musharakaynayo..waxaan tusaale inoogu filan dhalinyaradaa, iyagoo qoday ceelkaa maanta boon ka cabto,,( oo lagu qodi jiray labo groups oo lakala odhan jiray HABEEN NOOLE BOON oo looga jeeday inta jaadka cunta iyo HALYAYADA BOON… loogana jeeday kuwa aan jaadka cunin).
Taas oo ku tusinaysa in dhalinyarada boon  jecelyihiin wax qabadka jamaaciga ah oo aannu rabin lacag, magac ee uu rabo sidii abayashood uu ka arki jirray ee ahaa in bulshadani wax qabsato isaguna fariintaa gudbinayo.
Mida kalee dhalinyarada boon lagu garto bulshada dhexdeeda . waa isku duubnan, iyo waddaninimo, ay ku dheehan tahay is jecayl ay ka dhaxleen degaankooda, iyadoo aan lagu soo barbaarinin fikrado laga keenay umado kale ama wadamo kale, taasina ay u horseeday dhalinyaradaa in ay ku dhaqmaan dhaqan suuban iyo wax qabsi naftiisa iyo qayrkiiba..  .. shaqsiga fayow aqli ahaan fikir ahaan iyo caafimaad ahaan, waxaa lagu sheegi karaa qof caadi ah oo sidii illaahay iyo umaddiisuba jeclaayeen ah. Taasna waa sifooyin aan la heli karin illaa qof uu illahay u naxriistay mooyee,, dhalintaa reer Boon ayaa laga hayaa sifadaa. waxayna dhaxal galisay in ay ka horumaraan dhinacyo badan oo nolosha ah ,,sidda aqoonta,balwad la’aanta iyo daboolida noloshiisa isagoo cid ku xidhnayn,,, waana marag madoon inn bulshada reer awdal arkaan wiil/gabadh dhalin yar ah oo shaqaysanaya lacagna abuuraya, waliba aad u fir fircoon,waxna baranaya oo bulshooyinka awdal ka dhex soocan.
Dhalinyaradaa boon  waxaa ka ifayaa waa degaanka ay ku noolyihiin fikirkiisa iyo umaddaa maskax fayoobideeda,sida aan ognahay maanta aduunkani hubkii la isku diilayey wax ka wayn ayaa jirra oo la isku dilaa, laguna babi.iyaa umad dhan.waxaasna waxaa lagu magacaabaa,,(QAZWI FIKRI)  oo ah dagaal maskaxeed,, laguna adeegsado. in dhalinyarada waqtiga ay ugu fir fircoonyihiin loogu celceliyo waxyaabo raad xun ku reebaya mudo dabadeedna qofkaasi uu ka dhacayo nolosha iyo ummada uu la noolyahay wayaheega,,,waxaa kamid ah wax yabahaa la inagula dagaalamo ama la inoo soo guuriyo,,,,,malinta jacalyka,,xuquuqda haweenka,dimuqraadiyada, aflaamta xun xun ee acterada lagu matalayo si ilmuhu isku moodo ninkaa wax laynaya kadibna budh cad ama khaayin uun ku danbaynayo,xaqiiqada noloshana ka dhici doono……waxyabahaa iyo waxyaabo badan oo ilmuhu xor ka noqon karin illaa umad iyo degaan wanaagsan oo ku dhaqmaya fikradooda ku salaysan islaamka iyo sidda ay u xalistaan mashaakilkooda nololeed, hadday tahay xukun, waxqabad,horumarka shaqsiga ah  mooyee si kale looga badbadayn,…….
Dhalinyarada Boon waxay ka badbadeen fikradahaa xun ee lagu shaaciyo jiillashaa yaryar,, ee maanta ku odhanaya kalay  sideen wax u qabsadaa, waar wax tar walakaa markaad tidhaahdo ku odhanaya  sideen u cawiyaa, choice lahow, waa sidee choiceku? ..kolba kii mijin ii qadaan racayaa waayo mijintiisaa shaqaynaysa,,,,,,ilmo sidaa ku odhanay kunna koray qaloocaa ma matalayaa umadaa barri?….
waxaa lagaga illaalin karaa fikirkaa lagula dagalamayo waa in la racaa dhaqanka quruxda badan een leenahay, waliba degaan ku haboon ama jawi ku haboon ilmaha loo amuuraa si uuna ugu milmin mayadahaa laga keenayo waddamo shisheeye ee dhaqankeena ahayn…..loona abuuraa isku xidhnaan iyagoo laga faaiidaysanayo.
Waqtiga ilmuhu ku jirro iyo waxa uu jecelyahay,, sidda waxbarshada oo lagu dhiiri galiyo’ kubbada cagta, ciyaraha ka illalinaya dhaqana xun iyo in lagu tageero, kudayasho oo uu hellaa cid uu ku daydo kunna dhiiri galisa fikir fayoow oo lajaan qadaya shacabkiisa, jaarkiisa waalidkiisa walalihii iyo degaanka dhamaanba……
dhalinyardaa aan u fiirsaday ee reer Boon waxaan ku soo gaabin lahaa ka hadalkeeda,
soomlidu waxay ku mahmaahdaa:
Shan reerkaan lahayn shaydaankaa ka buuxa.
1-Sheekh wacdiya.(oo uga wacdiya waxa xun waxa wanagsana ku dhiiri galiya.)
2-Shaybe sheekeeya.(oo uga warama cadada sharafta umadani lahayd ama leedahay.
3-Sharka shakalayaal(dhalin yaro ku dayata nabadoonadooda oo ka dabala sharka).
4-Shabaab roora (oo hawl waxii loo diro diidin ee ku dhaqaqa isagoo is diraya.
5-Shan nin soor(haween wax garadda oo kalmeeya kii liita, gajadana kareeba.
  Shantaa beesha aan lahayn shaydaankaa ka buuxa,,,,,
REER BOON ka badbaad shaydaankaa dhalinyaradooda shaybahooga sheekhooda iyo haweenkooda ayaa isku fikir aha  ,, NB qoraalka haddii aan wax ka tagtagay xaga xuruufta ha laiga raali ahaado….
Wa bilaahi tawfiiq.
               
Yasin S. Osman   (Boon News, Editor)              

Maxay Reer Boon Kaga Duwan Yihiin, Bulshada Awdal Inteeda Kale? By: Dr Yasiin Siciid

 Asalaamu calaykum warxma tulaahi wabarakaat.


Waxaan aad u salamyaa ciddii hirgalisay websitekani oo aan odhankaro waa webkii ha iscawiso boon oo laga dhigay arin cilmi waaqici ah oo dadkii maqli jiray ay arkaan akhristaana. Waxan marlabaad hanbalyo leeyahay reer boon,iyo raga hirgaliyay websitekan (BoonNews), ee ku deeqay labada shay ee aduunkan manta an joogno ugu qaalisan, cilmigoodaa iyo waqtigooda, huray,,,,waxan leehay ilahay ha ini garab garab galo farxada ayaan ku akhrisanaynaa kunna musharikaynaynaa. 

Si aan fikirkii fayoobaa ee reer boon u fidino, inaguna aan ugu gudbino jiilka inaga yaryar ee aan soo gaadhin dhaqankaa Wanaagsan ee gaar u leeyihiin reer Boon iskaa wax u qabso ha is caawiso, ha wada noolaano, aan is taageero,aan u gargaro ka liita,,,waa dhaqanka boon ee soo jireenka ah ee dadkaa boon ciyaal iyo ciroolaaba ay caanka ku ahayeen.

Tusalayaasha aan ka hayno waxaa kamida in qof reer Boon oo wax qabsana ama guursanaya ama guri dhisanaya ayan lacagi kaga bixin ee faqiir iyo taajir ay guri wadda dhisan karaan taas oo ku salaysan fikir islaami ah oo walalnimo ku jirto iyo isku damqasho bulshadaa dhagax joog ee boon kudhaqan illahayna ku manaystay ,rag ama haween xasuus raxamadeed leh. Waana calamdaha qofka muslinka ah ama akhlaaqiyaadka muslimka uu ku beero qofka bini adamka si ka xooga wayni uu u caawiyo ka xooga yar,ka taanjirki ihi u caawiyo faqiirka. Ka aqliga lihi u hadlo ka dulman..waa akhlaqiyaad Islaami ah oo dadkaa reer Boon ay u qaateen si camali ah ama practical ah.

Aan xasuusano dadka reer Boon ee iyagu dabooshay bahiyahooda gaarka ah iyo kuwooga caamka ah , ee ay ka mid ahayeen dhismaha schoolka hoose, barkadaha biyaha,qodista ama hirgalinta qodista ceel casri oo lagag cabayo qasaab ama tuunbooyin,dhaqtar,sariibad qudrada iyo caanaha lagu gaddo,waddooyin isku xidha meelo aan lamari karin lakiin ay iyagu u baneeyeen,  etc.  Waa wax yaabo ay qaban lahayd dawladi ayey dad shiciba oo noloshooduba liidato ay ku kabeen naftooda si caam ahan iskaga haqab tireen wax yabahii assaasiga nolsha caamka ah u ahayd,sidaana ay ku gadheen amaanta manata aya haystaan reer Boon.  Waxaa kaloo aan ku xasuusanaynaa arimaha gaarka aha ama baahiyaha shaqsi ahaneed, inn (REER BOONIMAA LA ISKAGA NAXAA) waa cibaaro reer boon u gaara kana turjumaysa,in qof waloo reer boon ihi ka naxayo walalkiisa reer boona ee bahan daciifka ah ama buka ama qariibka ah oo ah fikir ay reer boon gaar iskaga leeyihiin kuna xalisteen arimahooga gaarka ah sida agoomaha quudintooda,umusha daryeelkeeda,martidda iyo karamaynta diyaafada ama martida.

Waxaa sii dheer intaa sida ay ugu tarbiyaysanyihiin ee hagar la,aanta ah ugu hurayaan malkooda muruqooda iyo cilmigooda kuwa iyaga ka hooseeya ama kaliita si uu dadka ula mid noqn lahaa.  Waxan xasuusanayaa anigu gaar ahaan, dumar reer boon ah oo naxariistu ku biyashubatay oo caano la meeraya suuqa oo siinaya kayaree agoonka ah ka ay hooyaddii kamaqantahay ee caruurta la ciyaraya.

Maxaad u malynaysaa haweenayda caano ama cunto ugu yeedhaysa ilmo ayna dhalin garnayasana in ilmahani bahanyahay iyadoo mutabacaynaysa goor walba,illahay ayaa kuwaa quraanka ku sheegay kol ay tahay garshadooda iyo kol ay tahay xikmada uu ilahay ku beeray iyo naxariistaba waa haween uu illahay siiyey xikmad ninkuu ilahay xikmad siiyana waxuu siiyey khayr farbadan.  Waa taas ay ku dareemeen in qofkani bahanyahay , laga maqan yahay, ee ayna ka lexjeclabayn waxay hayso, waana kuwa uu Illaahay ku ammanay Quraankiisa, ee naxariista qalbigoodu degtay.

Raga ama odayada waa ay lamid yihiin ama ka daran yihiin,waxad arkaysaa oday masaajidka ha ladhsiso leh,mid anaa intaa bixin leh, mid dadka iska sii siinaya cunto bilaasha isagoo maqaaxi leh unna furtay ganacsi, ayuu haddana ka haysan karayn in uu lacag uun ka urursado, ee uu dareemayaa ka bahan uu leeyahay iskacunoo lacag ha isiin,,,naxariista ama isku dhibranaashaha waa waxa manta reer boon tafiir u heleen ee illaa maanta nin reer Boon ah oo nin reer boona dhaafaya ama ka waji dadbaya aan la arkayn. Inkastoo gobolka ama magaalooyinka kale qabiil la isku tix galiyo, Boon way ka duwan tahay in ay qabiil ama qabyaalad isku kaashadaan, ee cidkastoo reer boona sidda wadamada horumaray ay siinayaan xuquuqdiisa isagoo loo eegayn waa qabiil yar oo magalada oolin iyo waa nin innaladegen, ee uu kamid yahay uun bahweynta reer Boon.

Ma soo koobi karo dhaqanka iyo sifaha reer boon iska dhaxlaan, ee ay ku dhafeen ama kagaba horeeyaan shucuubta kalee klu dhaqan magaalooyin la mid ah boon,waxaan inii soo gudbini tusaalooyin iyo isku xidhnaashaha dhaqaale,iyosiyaasaded ee reer boon, waxan ku tala jiraa in aan intii boon ku noolaa waxii aan arki jirray aan ka sheego boonanoo buun buuninayn,kunna samaynaya evaluation process,  dhalinyarada iyagu waa topic gaara hadduu alleh iiqadro,
 

Waan u DUCEEYEY  BOON………
dihasho waxan lahaa
kuu soo diray booneey
ku soo raray daruuraha
inuu daayin kuu siqiro
dadkaaga dibdaha joogiyo
diracyada kuu kacayee
u duulay balado shisheeye
daayinkay kuu dabciyoo
kugu dagtay  degmadiiyo
daaro la ladaawado oo
dadku wada daalacdaan
illahay kugu daa-imo dalxiis.
ka dalbaday dalaalimee
innuu darajeeyo dulucday
dayaxaa dushaa socdiyo
cadceedaa gud-gudaysa
laga daalacay amurahaa
haadka samada duuliyo
daabad  dunidan ku nooliyo
kii ku dayaaba kugu nasay
ana dabuub dardaranoo
ku dabran daacad islamoo
ka durduraysa qalbi dabacsan
eebaheen diinta inagu faray
isku duceeya qaybka yidhi
duriyad diir qudhaad tihiine
idamaqdayoo anna soo diraye
ee ha ku dayactiro raxmaanku
.
 

Wa- Billaahi Tawfiiq,  

Yaasiin Siciid Cusmaan 

Khartuum, Sudan.

Taageero Dusiga Sare Boon: Haweenka London UK

November 30, 2007

Dadkan magacyadoodu hoos ku xusanyihiin oo ka mid ah bulsho waynta reer boon ee ku dhaqan cariga Ingriiska, ayaa waxay halkan ka cadaynayaan inay taageero hiil iyo hooyaba la garab taaganyihiin mashruuca loogu dhisayo digsi sare magaalada BOON ee gobala Awdal.

1. Aamina Muuse Qoorgaab
2. Faadumo Barkhad Qayrdoon
3. Jamiila Aw Cismaan Waabari
4. Khadija Muxumed Sacad
5. Madiino Faarax Sigad
6. Maryan Muxumed Wabar
7. Nimco Axme Kaahin
8. Naciimo Yuusuf Wayrax
9. Raaxo Maxamuud Gudaal
10. Sacaada Faarax Iidle
11. Safiya Barkhad Good
12. Safiya Maxamuud Gudaal
13. Sahra Yoonis Caateeye
14. Sahra Faarax Sigad
15. Xaawo Muuse Qoorgaab
16. Xasna Suge Waal
17. Xaliimo Muxumed Sacad

 …………………………………………………………………………………………………………………..

Reer BOON dareen iyo
Daljacayl an lala qabin
Dadkay kaga horeeyaan
Inkastoo ay duuraan
Dibadaha wareegaan
Goortii ay daalaan
Dalxiiskii u baahdaa
Meelkale ma deeqdee
Boonbuu u duulaa.

Reer BOON duntoodaa
Ka adkaysan dacalada
Dadkii soo xidhee horaa
Dabacsani u diidoo
Waligeedna duug iyo
Gabow soo dulmariwaa.

Dooxii aftooxeed
Biyihii durduri jiray
Dadku may aqoonine
Macdanbaa ku duubnayd
Darsi ruux dhadhamiyaa
Maskaxdiisa dunidiyo
Dadku way ka yaabaan
Doqoniimo kaba dheer.

Dadnimay ku baaseen
Dumar iyo caruur iyo
Odayaal duqoobiyo
Wiilal wali diglayn iyo
Gabdho timaha dabayoo
Tidic gooyay darifyada
Kuliba isku wada duub
Ruuxaad la doodaa
Dushaasaad ka garataa
Inuu BOON ka daalacaya.

Diracyada u kacay BOON
Daafaha aduunyada
Meshii la doodaba
Miduunbaa u diriroo
Qabyaalad darajiyo
dalac laguma gaadhee
BOONimaan u doondaa.

Duqii Aw Cismaan iyo
Da’diisii markaa jiray
Taariikhda duuga ah
Docbay kaga jireen wayn
Waatii daryahankii
dalka raadiyooyada
Su’aala isdaba yaal
halxidhaale lagu daray.

Imikana dadkaygoow
Kuwa dunida joogoow
Dib u soo baraaruga
Yaanan la’inakala dilin
Reerba tuur ayuun dagin
Daldaloolka cadaawuhu
daf ka soo galaayana
Dabool adag an saarnoo
Ha’iscaawisana dira
Dalkiibaa u baahane
Dushii buur libaaxlay
Dagsiimada ku fiicnayd

Abasaha la daawado
Xaliimaale doogii
Ubadkii durduriyoo
Dugsibay u baahdeen 
Waxay soo direen sidan
Dadkaygoow maxaa dhacay?

Idinkuna dalxiis iyo
Daawashaad ku nooshiin
Dunidaa balaadhanbuu
Ruuxba daan intuu dagay
Damaashaad cawaysiin
Anaguna darxumo iyo
Duruus la’aan ha joogtee.

Waxa nagaga sii daran
Daris kuwaan ahaynoo
Dumay aqaladoodii
Dugsi noogu faanee
Gageebaad u daahdeen
Mise goor an daaloo
Cilmi la’aan duqawnoo
Dhag hadii la duubana
Daloolkaa hadhaayee
Idinkana damiir xumo
Dadku idinku wiirsado
Iyo dib u dhacbaad sugaysaan.

Soomaalinimo warkeed daa
Dawladihii horee jiray
Dugsi yar oo bildhaamoo
Aadan Isaaq (alaa yarxamhu)
Ku dadaalay barigii iyo
Dasooyinkaa yar mooyee
Cidi daab umay rogin
Imikana kuwani dumay
Calamada la kala duday
Daryeel kama sugaynee
BOONeey dadkaa aw !!!?.

Midkayaga durkaayee
Dariiqaa ka leexdoow
Dawgii isniinee
Baabuurta dabi jiray
yaanuu kula dulaamine
Dadka horay ka soo raac.

Dadaalkooda reer BOON
Dalka AWDAL oo idil
Inbadanbaa ku dayanoo
Nin waliba docdiisii
Dagmaduu lahaan jiray
Dad intii ka timidbuu
Soo hanuunin duhuroo
Horumarin ka daydayi.

BOON inay ka duwantahay
Dalka gabi ahaantii
Taa waxa daliil u ah
Car bal dib waxad u eegtaan
Solaygaa la dubayee
Dawga kii maraayina
Ku diirsanaayo uduggee
Cidi lacag ka doonayn.

(Barbecuega )gaaladu
Xafladaha isku dalabtiyo
Waxa weeyi dan waynoo
Dadku nala aqoonine
Car ayaa kudayan kara .

Ilaaahoow isku keen daa
Dad kuwa is jecelee
Waligood an kala dudin
Isku duubnidoodiyo
Danta guud ka taliyee
An dayoobin naga yeel

AAAAAAMIIIIIIIIIIIIIN

                                            Degaanka Magaalada Boon iyo Buuraha Ku Xeeran

By. Isniino 

Email: isniino2@hotmail.co.uk

  

  

Xigasho (Harowo.com)

Taageero Dugsiga Sare Boon

Aad iyo aadbaan ula dhacay taageerada talo iyo tusaalaynta xambaarsan, isla mar ahaantaana ku salaysan murtida toosan, ee haweenka reer Boon UK, u tabiyeen dhismaha dugsi sare oo Boon yeelato. Waa iska xaal adduunyo, oo Aadan Isaaq Axamad Iidle (Allaha u Naxariisto) dabadii, cidi dugsi uma dhisin Boon, oo ka mid ah dhulka ugu qadiimisan xaddaaradda Awdal.

Hadaba Xaawaleeyda waxan leehay; marba hadaad idinku bisinka ku billowdeen dugsigaasi sare ee Boon, bal halloo bixiyo magac ka tarjumaya haweenka Boon ee karaamada leh. Magacaasna, anuu waxaban u dooran lahaa DUGSIGA SARE EE ISNIINO. Isla haweenka reer Boon ee UK, waxan ka codsanlahayn inay iyaga laftarkoodu noo furaan oo noo hayaanba qasnadii an qaadhaanka dugsigan ugu soo ridi lahayn.

Ragii reer Boon ahaana meel kasta oo ay adduunka joogaanba waxan iyaga ku odhan lahaa: Ragoow hawlbaa innoo taalla, oo nin murti dhiiba, iyo nin maal dhiiba, iyo nin muruq dhiiba, iyo mid maskaxdiisa dhiibaba , hurdo way inaga dheertahaye inaga dhaqaajiya meesha. Fadhi innooma yaallo.

Hadal, waxa dhammeeyay hablaha (aniga xagayga waa hablahayagiiye) Boon UK aniguna waxan ugu darayaa hambalyo iyo bogaadin iyo duco kal iyo laab ah. Taasi oo an kusoo koobayo maansada an ugu magac daray “Habloow Walaalo Huunno”, oo ah maanso xitaa durbaan iyo musigba lala raaci karo!.

Habloow walaalo huunno
Haweenka Boonoow heedhe
Hayb kuwaan wadaagnoow haye
Hambalyo iga hanta Aaddo
Hibiyo ducana iga hooya

Hadii iyo haddaadba haatan
Haantiyo sufraarka haysaan
Hawl iyo safar hayaanteen
Maansiyo hadeeshana heello
Hurdo ka haw dhaha tidhaahdeen

Haddii iyo haddaadba haatan
Hadaaqii Boon tidhi hayaayda
Hibitiqladii ilmada ka hoortay
Ku hambabariseen haybteedii
Halbawlihiyo dhiigooda huriseen

Haddii iyo haddaadba haatan
Himiladay ku horreysay Booniyo
Higsateen hays-caawisadiiba……..(iskaa wax-uqabso)
Hooy barashada heerka sariyo
Hirgalin dugsina haleesheen

Ilaahba hodanoo hanti lehe
Isagaan hadhaynoo hodmayne
Hiilbaa laga helaa iyo hooye
Inuu na habeeyo na hogaansho

Habloow ku hibeeya ducadana.

AAAAAAMIIIIIIIIIIN.

Sidaa Iyo Guul Dugsiga Boon iyo Gobsanaa Hablahayagu.

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

HiilDan

hiildan@yahoo.com