November 30, 2007
Dadkan magacyadoodu hoos ku xusanyihiin oo ka mid ah bulsho waynta reer boon ee ku dhaqan cariga Ingriiska, ayaa waxay halkan ka cadaynayaan inay taageero hiil iyo hooyaba la garab taaganyihiin mashruuca loogu dhisayo digsi sare magaalada BOON ee gobala Awdal.
1. Aamina Muuse Qoorgaab
2. Faadumo Barkhad Qayrdoon
3. Jamiila Aw Cismaan Waabari
4. Khadija Muxumed Sacad
5. Madiino Faarax Sigad
6. Maryan Muxumed Wabar
7. Nimco Axme Kaahin
8. Naciimo Yuusuf Wayrax
9. Raaxo Maxamuud Gudaal
10. Sacaada Faarax Iidle
11. Safiya Barkhad Good
12. Safiya Maxamuud Gudaal
13. Sahra Yoonis Caateeye
14. Sahra Faarax Sigad
15. Xaawo Muuse Qoorgaab
16. Xasna Suge Waal
17. Xaliimo Muxumed Sacad
…………………………………………………………………………………………………………………..
Reer BOON dareen iyo
Daljacayl an lala qabin
Dadkay kaga horeeyaan
Inkastoo ay duuraan
Dibadaha wareegaan
Goortii ay daalaan
Dalxiiskii u baahdaa
Meelkale ma deeqdee
Boonbuu u duulaa.
Reer BOON duntoodaa
Ka adkaysan dacalada
Dadkii soo xidhee horaa
Dabacsani u diidoo
Waligeedna duug iyo
Gabow soo dulmariwaa.
Dooxii aftooxeed
Biyihii durduri jiray
Dadku may aqoonine
Macdanbaa ku duubnayd
Darsi ruux dhadhamiyaa
Maskaxdiisa dunidiyo
Dadku way ka yaabaan
Doqoniimo kaba dheer.
Dadnimay ku baaseen
Dumar iyo caruur iyo
Odayaal duqoobiyo
Wiilal wali diglayn iyo
Gabdho timaha dabayoo
Tidic gooyay darifyada
Kuliba isku wada duub
Ruuxaad la doodaa
Dushaasaad ka garataa
Inuu BOON ka daalacaya.
Diracyada u kacay BOON
Daafaha aduunyada
Meshii la doodaba
Miduunbaa u diriroo
Qabyaalad darajiyo
dalac laguma gaadhee
BOONimaan u doondaa.
Duqii Aw Cismaan iyo
Da’diisii markaa jiray
Taariikhda duuga ah
Docbay kaga jireen wayn
Waatii daryahankii
dalka raadiyooyada
Su’aala isdaba yaal
halxidhaale lagu daray.
Imikana dadkaygoow
Kuwa dunida joogoow
Dib u soo baraaruga
Yaanan la’inakala dilin
Reerba tuur ayuun dagin
Daldaloolka cadaawuhu
daf ka soo galaayana
Dabool adag an saarnoo
Ha’iscaawisana dira
Dalkiibaa u baahane
Dushii buur libaaxlay
Dagsiimada ku fiicnayd
Abasaha la daawado
Xaliimaale doogii
Ubadkii durduriyoo
Dugsibay u baahdeen
Waxay soo direen sidan
Dadkaygoow maxaa dhacay?
Idinkuna dalxiis iyo
Daawashaad ku nooshiin
Dunidaa balaadhanbuu
Ruuxba daan intuu dagay
Damaashaad cawaysiin
Anaguna darxumo iyo
Duruus la’aan ha joogtee.
Waxa nagaga sii daran
Daris kuwaan ahaynoo
Dumay aqaladoodii
Dugsi noogu faanee
Gageebaad u daahdeen
Mise goor an daaloo
Cilmi la’aan duqawnoo
Dhag hadii la duubana
Daloolkaa hadhaayee
Idinkana damiir xumo
Dadku idinku wiirsado
Iyo dib u dhacbaad sugaysaan.
Soomaalinimo warkeed daa
Dawladihii horee jiray
Dugsi yar oo bildhaamoo
Aadan Isaaq (alaa yarxamhu)
Ku dadaalay barigii iyo
Dasooyinkaa yar mooyee
Cidi daab umay rogin
Imikana kuwani dumay
Calamada la kala duday
Daryeel kama sugaynee
BOONeey dadkaa aw !!!?.
Midkayaga durkaayee
Dariiqaa ka leexdoow
Dawgii isniinee
Baabuurta dabi jiray
yaanuu kula dulaamine
Dadka horay ka soo raac.
Dadaalkooda reer BOON
Dalka AWDAL oo idil
Inbadanbaa ku dayanoo
Nin waliba docdiisii
Dagmaduu lahaan jiray
Dad intii ka timidbuu
Soo hanuunin duhuroo
Horumarin ka daydayi.
BOON inay ka duwantahay
Dalka gabi ahaantii
Taa waxa daliil u ah
Car bal dib waxad u eegtaan
Solaygaa la dubayee
Dawga kii maraayina
Ku diirsanaayo uduggee
Cidi lacag ka doonayn.
(Barbecuega )gaaladu
Xafladaha isku dalabtiyo
Waxa weeyi dan waynoo
Dadku nala aqoonine
Car ayaa kudayan kara .
Ilaaahoow isku keen daa
Dad kuwa is jecelee
Waligood an kala dudin
Isku duubnidoodiyo
Danta guud ka taliyee
An dayoobin naga yeel
AAAAAAMIIIIIIIIIIIIIN
Degaanka Magaalada Boon iyo Buuraha Ku Xeeran
By. Isniino
Email: isniino2@hotmail.co.uk