Asalaamu calaykum warxma tulaahi wabarakaat.
Waxaan aad u salamyaa ciddii hirgalisay websitekani oo aan odhankaro waa webkii ha iscawiso boon oo laga dhigay arin cilmi waaqici ah oo dadkii maqli jiray ay arkaan akhristaana. Waxan marlabaad hanbalyo leeyahay reer boon,iyo raga hirgaliyay websitekan (BoonNews), ee ku deeqay labada shay ee aduunkan manta an joogno ugu qaalisan, cilmigoodaa iyo waqtigooda, huray,,,,waxan leehay ilahay ha ini garab garab galo farxada ayaan ku akhrisanaynaa kunna musharikaynaynaa.
Si aan fikirkii fayoobaa ee reer boon u fidino, inaguna aan ugu gudbino jiilka inaga yaryar ee aan soo gaadhin dhaqankaa Wanaagsan ee gaar u leeyihiin reer Boon iskaa wax u qabso ha is caawiso, ha wada noolaano, aan is taageero,aan u gargaro ka liita,,,waa dhaqanka boon ee soo jireenka ah ee dadkaa boon ciyaal iyo ciroolaaba ay caanka ku ahayeen.
Tusalayaasha aan ka hayno waxaa kamida in qof reer Boon oo wax qabsana ama guursanaya ama guri dhisanaya ayan lacagi kaga bixin ee faqiir iyo taajir ay guri wadda dhisan karaan taas oo ku salaysan fikir islaami ah oo walalnimo ku jirto iyo isku damqasho bulshadaa dhagax joog ee boon kudhaqan illahayna ku manaystay ,rag ama haween xasuus raxamadeed leh. Waana calamdaha qofka muslinka ah ama akhlaaqiyaadka muslimka uu ku beero qofka bini adamka si ka xooga wayni uu u caawiyo ka xooga yar,ka taanjirki ihi u caawiyo faqiirka. Ka aqliga lihi u hadlo ka dulman..waa akhlaqiyaad Islaami ah oo dadkaa reer Boon ay u qaateen si camali ah ama practical ah.
Aan xasuusano dadka reer Boon ee iyagu dabooshay bahiyahooda gaarka ah iyo kuwooga caamka ah , ee ay ka mid ahayeen dhismaha schoolka hoose, barkadaha biyaha,qodista ama hirgalinta qodista ceel casri oo lagag cabayo qasaab ama tuunbooyin,dhaqtar,sariibad qudrada iyo caanaha lagu gaddo,waddooyin isku xidha meelo aan lamari karin lakiin ay iyagu u baneeyeen, etc. Waa wax yaabo ay qaban lahayd dawladi ayey dad shiciba oo noloshooduba liidato ay ku kabeen naftooda si caam ahan iskaga haqab tireen wax yabahii assaasiga nolsha caamka ah u ahayd,sidaana ay ku gadheen amaanta manata aya haystaan reer Boon. Waxaa kaloo aan ku xasuusanaynaa arimaha gaarka aha ama baahiyaha shaqsi ahaneed, inn (REER BOONIMAA LA ISKAGA NAXAA) waa cibaaro reer boon u gaara kana turjumaysa,in qof waloo reer boon ihi ka naxayo walalkiisa reer boona ee bahan daciifka ah ama buka ama qariibka ah oo ah fikir ay reer boon gaar iskaga leeyihiin kuna xalisteen arimahooga gaarka ah sida agoomaha quudintooda,umusha daryeelkeeda,martidda iyo karamaynta diyaafada ama martida.
Waxaa sii dheer intaa sida ay ugu tarbiyaysanyihiin ee hagar la,aanta ah ugu hurayaan malkooda muruqooda iyo cilmigooda kuwa iyaga ka hooseeya ama kaliita si uu dadka ula mid noqn lahaa. Waxan xasuusanayaa anigu gaar ahaan, dumar reer boon ah oo naxariistu ku biyashubatay oo caano la meeraya suuqa oo siinaya kayaree agoonka ah ka ay hooyaddii kamaqantahay ee caruurta la ciyaraya.
Maxaad u malynaysaa haweenayda caano ama cunto ugu yeedhaysa ilmo ayna dhalin garnayasana in ilmahani bahanyahay iyadoo mutabacaynaysa goor walba,illahay ayaa kuwaa quraanka ku sheegay kol ay tahay garshadooda iyo kol ay tahay xikmada uu ilahay ku beeray iyo naxariistaba waa haween uu illahay siiyey xikmad ninkuu ilahay xikmad siiyana waxuu siiyey khayr farbadan. Waa taas ay ku dareemeen in qofkani bahanyahay , laga maqan yahay, ee ayna ka lexjeclabayn waxay hayso, waana kuwa uu Illaahay ku ammanay Quraankiisa, ee naxariista qalbigoodu degtay.
Raga ama odayada waa ay lamid yihiin ama ka daran yihiin,waxad arkaysaa oday masaajidka ha ladhsiso leh,mid anaa intaa bixin leh, mid dadka iska sii siinaya cunto bilaasha isagoo maqaaxi leh unna furtay ganacsi, ayuu haddana ka haysan karayn in uu lacag uun ka urursado, ee uu dareemayaa ka bahan uu leeyahay iskacunoo lacag ha isiin,,,naxariista ama isku dhibranaashaha waa waxa manta reer boon tafiir u heleen ee illaa maanta nin reer Boon ah oo nin reer boona dhaafaya ama ka waji dadbaya aan la arkayn. Inkastoo gobolka ama magaalooyinka kale qabiil la isku tix galiyo, Boon way ka duwan tahay in ay qabiil ama qabyaalad isku kaashadaan, ee cidkastoo reer boona sidda wadamada horumaray ay siinayaan xuquuqdiisa isagoo loo eegayn waa qabiil yar oo magalada oolin iyo waa nin innaladegen, ee uu kamid yahay uun bahweynta reer Boon.
Ma soo koobi karo dhaqanka iyo sifaha reer boon iska dhaxlaan, ee ay ku dhafeen ama kagaba horeeyaan shucuubta kalee klu dhaqan magaalooyin la mid ah boon,waxaan inii soo gudbini tusaalooyin iyo isku xidhnaashaha dhaqaale,iyosiyaasaded ee reer boon, waxan ku tala jiraa in aan intii boon ku noolaa waxii aan arki jirray aan ka sheego boonanoo buun buuninayn,kunna samaynaya evaluation process, dhalinyarada iyagu waa topic gaara hadduu alleh iiqadro,
Waan u DUCEEYEY BOON………
dihasho waxan lahaa
kuu soo diray booneey
ku soo raray daruuraha
inuu daayin kuu siqiro
dadkaaga dibdaha joogiyo
diracyada kuu kacayee
u duulay balado shisheeye
daayinkay kuu dabciyoo
kugu dagtay degmadiiyo
daaro la ladaawado oo
dadku wada daalacdaan
illahay kugu daa-imo dalxiis.
ka dalbaday dalaalimee
innuu darajeeyo dulucday
dayaxaa dushaa socdiyo
cadceedaa gud-gudaysa
laga daalacay amurahaa
haadka samada duuliyo
daabad dunidan ku nooliyo
kii ku dayaaba kugu nasay
ana dabuub dardaranoo
ku dabran daacad islamoo
ka durduraysa qalbi dabacsan
eebaheen diinta inagu faray
isku duceeya qaybka yidhi
duriyad diir qudhaad tihiine
idamaqdayoo anna soo diraye
ee ha ku dayactiro raxmaanku.
Wa- Billaahi Tawfiiq,
Yaasiin Siciid Cusmaan
Khartuum, Sudan.