Dhalin Yarada Boon (By. Dr Yaasiin)
February 21, 2008 1 Comment
DHALINYRADA BOON………?
Waxaan ku eegayaa qormadani soo socota, dhalinyarada BOON inkastoo bulshada boon ay ka mid yihiin een horay ku soo xusay. Wali jawaabtii ahayd bulsha boon maxay kaga duwantahay bulshooyinka kalee awdal?
Waxaa jawaabtaa ka dhex heli kartaan qoraalka hore iyo kan labaad, haddii aan guda galo qoraalkayga nuxurkiisa, waxaa la ogyahay:
-
in dhalinyaradu tahay midhaha umada,
-
in dhalinyaradu tahay jiritaanka umada
-
in dhalinyaradu tahay xooga umada
-
in dhalinyaradu tahay kuwa umadooda horumarin kara haddii ay hagagaan ,haddii ay xumadaana umadaa jiritaankeeda laga dayrinayo.
Marhaddii ay dhalinyaradu tahay awoodaa aan kor ku sheegay, maxay u baahan yihiin? maxaa lagu toosin karaa? sidee lagu gaadhsiin karaa himilada ama wanaaga umadu ka rabto in ay u fuliyaan? jawaabahaas waxaa ka jawaabay reer boon. Markay yidhadeen..children learn where they live…. oon odhan karo markay heleen degaan ay degan yihiin dad maskaxdooda maalaya ,aanan ku dhaqmayn fikrado kale oo la soo guuriyay,kunna barbaariyay ubadkooda is jecalyka is kaalmaynta isku duubnashaha,oo ay ku barbareen dhalinyarada reer BOON si dadban iyo si toosaba ayaan odhan karnaa way ka jawaabeen, al muhiim waxaa moran madoon ah.
ilmuhuna waa murayada bari umadau iska daawan doonto………
Sidaa aan kor ku xusay dhalinyarada Boon waxay ku barbareen school layidhaado iskaa wax uqabso oo abayashood u dhiseen, waxa kale oo ay ku barbareen fahan nolasha qaybaheeda ah abayshood siiyeen ilmahaa isagoo yar in uu waxna barto shaqaystana waliba waalidkiina caawiyo, kuna dhiiranaado waxii bulshadu qabsanayso, ee si isku duubniya loo musharakaynayo..waxaan tusaale inoogu filan dhalinyaradaa, iyagoo qoday ceelkaa maanta boon ka cabto,,( oo lagu qodi jiray labo groups oo lakala odhan jiray HABEEN NOOLE BOON oo looga jeeday inta jaadka cunta iyo HALYAYADA BOON… loogana jeeday kuwa aan jaadka cunin).
Taas oo ku tusinaysa in dhalinyarada boon jecelyihiin wax qabadka jamaaciga ah oo aannu rabin lacag, magac ee uu rabo sidii abayashood uu ka arki jirray ee ahaa in bulshadani wax qabsato isaguna fariintaa gudbinayo.
Mida kalee dhalinyarada boon lagu garto bulshada dhexdeeda . waa isku duubnan, iyo waddaninimo, ay ku dheehan tahay is jecayl ay ka dhaxleen degaankooda, iyadoo aan lagu soo barbaarinin fikrado laga keenay umado kale ama wadamo kale, taasina ay u horseeday dhalinyaradaa in ay ku dhaqmaan dhaqan suuban iyo wax qabsi naftiisa iyo qayrkiiba.. .. shaqsiga fayow aqli ahaan fikir ahaan iyo caafimaad ahaan, waxaa lagu sheegi karaa qof caadi ah oo sidii illaahay iyo umaddiisuba jeclaayeen ah. Taasna waa sifooyin aan la heli karin illaa qof uu illahay u naxriistay mooyee,, dhalintaa reer Boon ayaa laga hayaa sifadaa. waxayna dhaxal galisay in ay ka horumaraan dhinacyo badan oo nolosha ah ,,sidda aqoonta,balwad la’aanta iyo daboolida noloshiisa isagoo cid ku xidhnayn,,, waana marag madoon inn bulshada reer awdal arkaan wiil/gabadh dhalin yar ah oo shaqaysanaya lacagna abuuraya, waliba aad u fir fircoon,waxna baranaya oo bulshooyinka awdal ka dhex soocan.
Dhalinyaradaa boon waxaa ka ifayaa waa degaanka ay ku noolyihiin fikirkiisa iyo umaddaa maskax fayoobideeda,sida aan ognahay maanta aduunkani hubkii la isku diilayey wax ka wayn ayaa jirra oo la isku dilaa, laguna babi.iyaa umad dhan.waxaasna waxaa lagu magacaabaa,,(QAZWI FIKRI) oo ah dagaal maskaxeed,, laguna adeegsado. in dhalinyarada waqtiga ay ugu fir fircoonyihiin loogu celceliyo waxyaabo raad xun ku reebaya mudo dabadeedna qofkaasi uu ka dhacayo nolosha iyo ummada uu la noolyahay wayaheega,,,waxaa kamid ah wax yabahaa la inagula dagaalamo ama la inoo soo guuriyo,,,,,malinta jacalyka,,xuquuqda haweenka,dimuqraadiyada, aflaamta xun xun ee acterada lagu matalayo si ilmuhu isku moodo ninkaa wax laynaya kadibna budh cad ama khaayin uun ku danbaynayo,xaqiiqada noloshana ka dhici doono……waxyabahaa iyo waxyaabo badan oo ilmuhu xor ka noqon karin illaa umad iyo degaan wanaagsan oo ku dhaqmaya fikradooda ku salaysan islaamka iyo sidda ay u xalistaan mashaakilkooda nololeed, hadday tahay xukun, waxqabad,horumarka shaqsiga ah mooyee si kale looga badbadayn,…….
Dhalinyarada Boon waxay ka badbadeen fikradahaa xun ee lagu shaaciyo jiillashaa yaryar,, ee maanta ku odhanaya kalay sideen wax u qabsadaa, waar wax tar walakaa markaad tidhaahdo ku odhanaya sideen u cawiyaa, choice lahow, waa sidee choiceku? ..kolba kii mijin ii qadaan racayaa waayo mijintiisaa shaqaynaysa,,,,,,ilmo sidaa ku odhanay kunna koray qaloocaa ma matalayaa umadaa barri?….
waxaa lagaga illaalin karaa fikirkaa lagula dagalamayo waa in la racaa dhaqanka quruxda badan een leenahay, waliba degaan ku haboon ama jawi ku haboon ilmaha loo amuuraa si uuna ugu milmin mayadahaa laga keenayo waddamo shisheeye ee dhaqankeena ahayn…..loona abuuraa isku xidhnaan iyagoo laga faaiidaysanayo.
Waqtiga ilmuhu ku jirro iyo waxa uu jecelyahay,, sidda waxbarshada oo lagu dhiiri galiyo’ kubbada cagta, ciyaraha ka illalinaya dhaqana xun iyo in lagu tageero, kudayasho oo uu hellaa cid uu ku daydo kunna dhiiri galisa fikir fayoow oo lajaan qadaya shacabkiisa, jaarkiisa waalidkiisa walalihii iyo degaanka dhamaanba……
dhalinyardaa aan u fiirsaday ee reer Boon waxaan ku soo gaabin lahaa ka hadalkeeda,
soomlidu waxay ku mahmaahdaa:
Shan reerkaan lahayn shaydaankaa ka buuxa.
1-Sheekh wacdiya.(oo uga wacdiya waxa xun waxa wanagsana ku dhiiri galiya.)
2-Shaybe sheekeeya.(oo uga warama cadada sharafta umadani lahayd ama leedahay.
3-Sharka shakalayaal(dhalin yaro ku dayata nabadoonadooda oo ka dabala sharka).
4-Shabaab roora (oo hawl waxii loo diro diidin ee ku dhaqaqa isagoo is diraya.
5-Shan nin soor(haween wax garadda oo kalmeeya kii liita, gajadana kareeba.
Shantaa beesha aan lahayn shaydaankaa ka buuxa,,,,,
REER BOON ka badbaad shaydaankaa dhalinyaradooda shaybahooga sheekhooda iyo haweenkooda ayaa isku fikir aha ,, NB qoraalka haddii aan wax ka tagtagay xaga xuruufta ha laiga raali ahaado….
Wa bilaahi tawfiiq.
Yasin S. Osman (Boon News, Editor)
salaansare dhaman inta ku guulaysatay hirgalintan webkani wali qabyada ah waxan aad u jeclaan lahaa in la kordhiyo lanna qurxiyo websitekan waa inndhihii boone lagana dhigo mid iskii u shaqeeya khuruxna baddan . aad baan iniigu hanbalyaynayaa,,,boon iyo dhalinyardeedaba