Af-Lagaadada Lagu Hayo, Diinta Islaamka – By: Subagle.

Waar bal eega nacaybkii diinta ISLAAMKU Meeshuu Maraayo !
Waxaan halkan ugu soo gudbinayaa aristayaasha qiimaha leh meelkasta ooy joogaanba, arrin la yaableh oy waayadan dambaba warbaahinta reer galbeedku ka hadlaysay.
Waxa dalka Holland lagu sameeyey fil ceebaynaya diinta ISLAAMKA, kaasoo uu sameeyey nin siyaasiya dalkaasi u dhashay kana tirsan xildhibaanada dalka Holland, magaciisana la yidhaahdo GEERT WILDERS. Filimkaasoo buuq aad iyo aad u badan ka dhaliyey dunada islaamka iyo wadannada yurub intaba. Filimkaasoo la yidhaahdo “FITNA”  ayaanan la filaynin in hal telefishan oo keliyana lagu soo qaadan doonin dalalka Yurub. Laakiin filimkaasi oo maanta soo baxay ayaa isla markiiba shabakadaha yurub si deg deg ah ugu faafay, gaar ahaan kuwa ururada xag jirkihi leeyihiin.
  • Filimkaasoo ah dhacdooyin la soo ururiyey sida kawa ka dhacay  Ciraaq, Afganistaan iyo weliba tii Soomaaliya ka dhacday ee askariga mareykanka meydkiisa suuqa Muqdisho.
  •  Waxa kale oo iyadna la soo ururiyey wax alla wixii suurad quraana ka hadlaysay jihaad lagu qaado gaalada iyo Yuhuudda.
  • Waxa kale oo iyagana lagu soo darey maxaadarooyin ammaba qudbado  jimce iyo waxyaabo kale oo badan oo laysku geegeeyey.
Arrinta aniga shaqsayan itaabatay kaddib markaan arkay filimkan yar oo 16 daqiiqo soconaayo, waxa weeye nabigii suubanaa nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo BOM madaxa loo saaray. Sawirkaas BOMKA ayuuna filimku ku bilaamayaa kuna dhammaanayaa. Sawirkaas wuxuu ka mid yahay 12 sawir deenishku sawireen ee nabiga lagu aflagaadeynayey nnk.
Hadal iyo dhammaan;  waxaad fililmkaas ka heli kartaan halkan: www.siad.dk
Xasan Muuse Subagle

Tuulada QULJEED, Ha Isku Dhiibto Degmada BOON.

Tuulada QULJEED, Ha Isku Dhiibto Degmada BOON. !!!

Sida qaalibka ah, degmada Boon waa degmada ugu caansan gobolada Woqooyi Soomaaliya iyo xitaa Soomaaliyeedba . Maxaa yeelay waa degmo laga heli karo qabiil kasta iyo qooys kasta oo ku dhaqan dalka Soomaaliyeed. Tusaale,  Boon waxa laga heli karaa Oromo, Canfar; Daarood, Hawiye; Samaroon; Ciise. Dad timo cad iyo dad timo cas, kuwa tima jilicsan iwm. Kuwo madoow sida sabuurada iyo kuwa cad sida nuuradda intaba Boon waa laga heli karaa.  Waa degmo mucjiso badan una qalanta inay iyadu kalideed isku taagto gobol.  Degmada Boon waxa hoos yimaadda tuulooyinka kala ah:

  • Ceel Baxay
  • Aroorseel
  • Xariirad
  • Habaas
  • Cabdulqaadir
  • Jidhi
  • Wadajir
  • Sheekh Awaare
  • Fiqi Aadan
  • Dabad-dillac
  • Dhagaxmadow
  • Xaliimaale
  • Weeraar
  • Cadaad
  • Hangari
  • Gargoorrey
  • Sac waraabis
  • Abbase
  • Iyo qaar kaloo badan, iyo qaar kaloo badan……………………..!!

Hase yeeshaa, maadaama haatan laga dhigay Boon inay noqoto caasimada labaad isla mar ahaantaana ah caasimada maamulka ee gobolka SALAL. Waxa suurto gal noqotay in Xariirad iyadna degmo la siiyo si Boon culayska badan ee tuulooyinka hoos yimaada looga yareeyo. Dhawr tuullo ayaa u wareegi doona xagga XARIIRAD, inkastooy dhammaantoodba ku xidhnaan doonaan BOON. 

Hadaba nuxurka faaladeenani wuxu yahay; inaynu is weydiinno,  maadaama ay Boon noqotay caasimad gobol, muxuu yahay waajibka ka saaran tuulada yar ee la yidhaahdo QULJEED, ee waligeedna ku hoos noolaan jirtay BOON?.   !

Sida qaalibka ah, Quljeed waa tuullo yar oo  laf yar oo ka mid ah bulsho weynta Beelaha samaroon ku nool yihiin, mana aha tuullo is barbar dhigi karta BOON, si kasta oo ay isku qaad-qaadaba.  Qooyska yar ee tuulaadaas Quljeed u badani, wuxu itaal ahaan iyo talo ahaanba ku hoos noolaan jiray bulsho weynta ballaadhan ee reer BOON. Sidaa daraadeed waxa Boon la gudboon inay soo dhaweysato Quljeed oo sidii hore uga naxariis iyo dulqaad badnaato. 

Reer Quljeedna waxa u wanaagsan inay isku soo dhiibaan BOON, oo ay noqdaan tuullo ka tirsan gobolka Salal – BOON. Maxaa yeelay Boorama iskeed ayay u nooshahay waxna uguma filna xitaa kuwa ku nool fulunfuulka. Halka ay BOONa ka tahay   caasimad waligeedba hogaamin jirtay Mabaadiida dhaqan-dhaqaale ee loo kala yaqaanno; Hawl iyo Hanti-wadaaga iyo Hays CaawisadaSidaa daraadeed tuulada yar ee Quljeed waxa guul u noqon doonta inay hoos timaado BOON. 

Hadal iyo dhammaan;  tuulada QULJEED ha isku dhiibto BOON, waxanay heli doontaa magangalyo buuxda, madaxnimo an buurnayn, iyo macdanta buuraha iyo badaha BOON oo ay nala wadaagto. 

Ha Samaado SALAL.    

BoonNews

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.

waxaan halkan tacsi tiiraanya leh uga dirayna eheladii iyo qarabadii ay ka baxay SIRAAD DAAHIR YABANE  (siraad cali) oo borama ku geeriyootay waxaan ilahay uga baryaya inuu ilahay najadii fardowsa ka waraabiyo eheladii iyo qarabadii uu ka geeriyoodayna ilaahay samir iyo iiman kasiiyo
magacyada diriya1.sharmarke xaaji xassan xadi
2.maxamuud xaaji xassan xadi
3.cabdiqaadir xassan cabdilaahi
4.maxamed cali ciye
5.hussen kaamil (buuri nacday )
6.axmed c/laahi (oday garbis)
7.ramadan c/raxman faahiye
8.axmed ibraahim farax
9.umalkhayr xaaji xassan xadi
10.muna farax wabariqayaad@hotmail.com___________________________________________________________________________________________

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Dhammaan bahda HiilDanExpress iyo BoonNews, waxay tacsi taas la mid ah gaadhsiinayaan ehelkii iyo qooyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Siraad-Celi.  Ilaahay Marxuummada haka waraabiyo Naxariis Janno, dhammaanteena haynaga siiyo sami riyo iimaan.

Waxaynu si gaar ah tacsidan u gaadhsiinaynaa SAMAROON IYO SAMATALIS, oo ah labada wiil ee ka hadhay Marxuumada.

Madaxweyne Timirti Horaba, Dab Loo Waa – By: Khadar Khayre.

madax weyne timirtii hore ayaa loo dab laaya’ay

Waa hubaal in magacaabista gobolo ayna  ahayn mid ku uguba taariikhda aduunka iyo tan soomaaliyeedba laakin la soo arkay siyaabo kala duwan oo ay ku dhafanaayeen dareemo iyo fikrado kala duwanna lagu soo kala qaabilay.

Hadaba magacaabista goboladu maaha mid fudud si fududna loogu dhaqaaqi karo laakin waa mid u baahan :

1)      Baroosin adag iyo maskax lishaan toosan iyo indho indhayn qoto dheer

2)      U kuur galid cilmiyaysan iyo daraasayn xaalada dalka  iyo duruufaha dhaqaale iyo siyaasadeedba

3)       Samayn odoros indheer garadnimo oo ku wajan xaaladaha ka aloosmi kara yaqleelida iyo magacaabista gobolo cusub

4)      Ka fikirid si xilkasnimo kaabayaasha iyo ilaha dhaqaale ee udub dhexaadka u noqondoona gobolada  iyo awooda bixinta ka bis dhaqaale ee dawlada

5)      Is barbardhigid abdada,aqiibada,waxtarka  iyo xasilooni darada iyo cawaaqib xumada ka iman karta kutalaabsashada iyo magacaabista gobolo cusub.

Runtii marka aad fiirsato xaalada  dhaqan dhaqaale iyo doorashooyinka fooda inagu soo haya iyo duruufaha ku gadaaman iyo shaqo la’aanta, tahriibka dhalinta, abaaraha ku habsaday qaybo ka mida dalka iyo magacaabista gobolodan cusub iyo iyada oo timirtii horeba loo dablaayaha.  Ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo wakhti xaadirkan aan isla jaanqaadi karaynin sobabtoo ah doorashadu waa arin ahmiyadeeda leh iyo culasykeedaba, caalamkuna indhaha ku hayo  una baahan in loo sameeyo googol xaadh hufan oo waafiya iyo xasilooni bulsho iyo mid siyaasadeedba


 

In kasta oo madaxweyne Daahir ku amaanaa dulqaad,taxadir, xilkasnimo dheeraada iyo dhowrida  nabada iyo  xasiloonada ayaa hadda u muuqdaa in dulqaadkii iyo wax xeerintii kolka gabaabsi noqonaayo amaba u muuqda in hanashada kursigu iyo damaca siyaasadeed  ka sayid calaysay oo ay baal marisay tubtii iyo hilinkii siyaasadeed ee uu ku hawl gali jray, sikasta ha ahaatee taladan ku dhawaaqida ayaa lagu tilmaami karaa ama u eg mid aan mudo badan laga baaraan degin  sobabtoo ah:

 

  1. Baahida gobolada intooda badan oo aan la daboolin
  2. Adeegyada caafimaad  iyo waxbarasho oo gobolada qaarkood liita
  3. Gaabis iyo kobcin la’aan ilaha dhaqaale ee gobolada dalka
  4. Moran ka taagan xuduudaha degmooyinka iyo gobolada qaarkood
  5. Dawlada oo aan awood u hayn daboolida  kharashaadka goloda cusub
  6. Nolosha dadka iyo mishaarka dawlada oo hooseeya

Gagabadii ma fududa  in jawaab sugan si fudud  loo helaa sobabta keentay magacaabista gobolo cusub xiligan haddiise aan laga tagin waxa loo arki karaa beer la xawsi  iyo qorshe loo dajiyay ollolaha doorosho ee wakhtigan balse waa la ogaandaa doorka ay ku yeeshaan  dabaylaha siyaasadood iyo baaxaa degooda

Qalinkii iyo qormadii


Khaddar Abdi Khaire

khadarcago@hotmail.com

Dhaka,Bangladhesh

Soo Dhawoow SALAL.

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca wargeysyada HiilDanExpress iyo BoonNews, iyo magaca inta ila fikradda ah. Waxan aad iyo aad u soo dhaweynayaa Gobolka cusub ee SALAL. Ujeedadayduna ma aha inaan u hambalyaynayo madaxweyne Daahir iyo Xukumaddiisa xarakada beeshay.  Waxayse tahay in Magaalooyinka Taariikhiga ah ee Boon iyo Saylac labaduba ku leeyihiin maamuus iyo sharaf gobolka Awdal, taasina ay tahay mid lagu farxo. Caasimada koowaad ee gobolku inay noqoto SAYLAC, caasimadda labaadna noqoto BOON, waa midda an ku faraxsanahay iguna kalliftay inaan qoraalkan kooban soo jeediyo.

Reer BOON waxan leehay:  si weyn ugu dabbaal dega gobolka SALAL, maxaa yeelay, wuxu fursad siin doonaa reer Boon inay aad iyo aad uga dhex muuqdaan, maamul iyo maskaxba isla gobolkan isaga ah. Waa gobolkii ad ku muujin lahaydeen kartidiina iyo karaamadiina. Tallaabada danbe ee innoogu xigtana waa sidii aynu u heli lahayn gobolka GARGOORRAY.  Saylacna waa magaaladeenii, waa caasimaddii runta ahayd ee Soomaaliyeed ee waayo-waayo. Waa dhuuxeenii iyo dhiigeenii, waa inaan soo celino xaddaaradeedii, maal iyo maskax iyo muruqna u hurno.

 Soo Dhawoow SALAL, Hambalyiyo Salaan 

Cabdiqani Yuusuf Caateeye 

Gobolada Iyo Degmooyinka Cusub.

 Gobolada Iyo Degmooyinka Cusub, Maxay Soo Kordhin Doonaan- By: Xadaari 

Sidaynu lawada socono  Madaxwayne  Daahir Rayaale Kaahim  wuxuu shalay    oo bishu ahayd  22/03/2008   ku dhawaaqay Gobolo iyo Degmooyin  aad u badan  oo aynu odhan   karno   waxay kor udhaafeen tiradii ama xadigii  loo bahnaa marka  loo eego waxtigan xaadirkaa waxa uu ku suganyahay dalku.

Dalku waxa uu kusugan yahay xaalad aad u qatar ah  xaga siyaasada  dhaqaalaha iyo xaalad abaareed oo soo food saartay dalka dhamaan waxa ka dhacay  abaaro  ba an  Gobolo ka mid ah dalka  cid ka hadashay iyo wax loo qabtay midna majirto  iyada oo ay sidaa tahay waxa  aqliga fayow diiyadaa in  maanta   wadanka laga  magacaabo  Gobolo iyo Degmooyin looga goleeyahay  dano siyaasadeed. waxaase iswaydiin mudan  bulshada rer Somaliland ma udantahay maga caabistan Goboladan  iyo degmooyinkan cusub  wakhtigan xaadirkaa marka loo eego  xaga dhaqaalaaha xaga siyaasada??
 
Ayada oo aynu taasi  ka warhayno xaalada dalku kujiro  guud ahaan ayaa  waxay ku soo beegantay  ku dhawaaqidan Goboladan iyo Degmooyinka cusub   dadka siyaasada odorosaa waxay   saadaalinayaan in ay meesha ku jirto siyaasad  xirfadaysan   oo danagaara leh  sidaasi awgeed aysan doorashaba ka dhacayn dalka  oo sidaasi ugu xalaalowbi doonto  xisbilxaakimka Udub iyo Daahir Rayaale in ay sii joogaan.

Hadaba waxaynu ku eegaynaa ku dhawaaqidan Gobolada iyo Degmoyinka cusub  labo siyaabo midka ay xanbaarsantahay.
 
Waa mida  horee waxaynu odhan karnaa ayada oo dalka guun ahaan looga diyaar galoobaayo doorashooyinkii golaha degaanka iyo tii madaxtinimada oo dhici doonta  bilaha fooda inagu soo haya in madaxwayne Rayaale uu rabo in uu ku kasbado  shacbiga rer Somaliland  si uu codad badan uga heli lahaa markii uu  arkay madaxwaynuhu in bulshadu ka hoosbaxday oo axsaabta mucaaradku kaga badsheen kasbashada    bulshada oo aynu odhan karno waxa maanta lagu qiyaasi karaa  inta taageerta xisbilxaakimka  Udub  tiro aad u hoosaysa marka loo eego  taageeradii badnayd ee uu haystay  doorashadii horee madaxtinimada ee Daahir Rayaale ku soo baxay sanadkii  2003.
 
Waa mida labaade marka uu  arkay madaxwayne Rayaale in sikale uu san kula tartami karin axsaabta mucaaradka in uu rabo in bulshada rer Somaliland jaah warer ku abuuro oo aw madaxa isku galiyo   ama dagaal galiyo taasi waxaa laga yaabaa in ay u horseedo dalkan Somaliland  burbur horleh bulshada rer Somaliland waa bulsho dhawaan  ka soo laabatay dagaalo sokeeye oo aan wali u bislaan axsaab iyo  dimuqraadiyada sidaaa daraadeed ubaahan in ladhowro waxyaabo badan sida degaanada oo ay   bulshado  wali   fahmin wax wada qabsi iyo istaa geersi oo  qolaba qolada kale aysan rabin in ay xukumaan taasi ayaa keeni karta  in dalku galo mubdi badow marlabaad.
 
Sikastaba ha ahaayee bal waxaynu ka warsugnaa waa  sida bulshada rer Somaliland u qaadato  arintan.
 

Cumar  Maxamuud  Qayaad (Cumar Xadaari yeman)
xadaari_1@yahoo.com

Awoowo Xasanoow Bulshada, Badh Yar Baa La Baabay Beri Hore.!

Awoowo Xasanoow Bulshada, Badh Yar Baa La Baabay Beri Hore!Waa Jawaab kooban oo an u celinayo Awoowgey XASAN MUUSE SUBAGLE iyo qoraalkiisii ugu danbeeyay ee ahaa: “Waar Bulshadu Goormay Waalatay”?

Qofkii u leh aqoon fiican Xasan Muuse-Ilkoole, ayuunbaa dareemi karaya halka uu ka hadlayo Xasan iyo muhiimada iyo miisaanka uu hadalkaasi leeyahay. Waa nin aanay jirin wax uga sokeeya Awdalnimo wax uga shisheeya mooyiye, oo aan waligiis dib u jeesan inuu horey u socdo mooyiye. Dadkana wuxu moodayay inay sidiisaas wada yihiin, laakiinse imika ayuu kusoo anbabaray inay jiraan kuwo ‘fana-ka cuudu-billaysan’.!

Waa wax aynu filaynay in marka dad hagaagsan hadlaan ee daacadnimo iyo niyadsamaan wax u canaantaanba ay qaar canaasiir ahi oo koob shaaha caddayni Karin, meelahaa kasoo yoo-yoontamaan.  Waanan ka xunahay, oo waliba waynu ka qammuunyoonnay,  inuu guddoomiyaha Gargaar Mudane Xasan Muuse Subagle oo hiil iyo hooba ugu hagar baxay dadkiisa kusoo baraarugo oo dareemo dadkan wajaqsan ee jaha wareeray.  

Xasan, uma baahna in laydiin sharxo oo laydin baro, oo haddaan idin idhaahdo odaygu wuxu Adeer labaad u yahay Aabahay, oo waa Awoowgey an waliba isku guri kusoo wada kornay, noqonayna walaalo rumaad. Iyo haddaan idin idhaahdo waa Oday Samarroon Siciid ah. Xasan wuxu jeclaan lahaa inaan ku daayo midda danbe ee Samarroon Siciid oo kaliya.  Huunno, hadalkaasi maydin deeqay mise waan idiinku celiyaa.!

Magaca ururkiisa GARGAAR, iyo magaca isaga loo yaqaano, oo ah SAMAROON, ayaa idiinku filan barasho. Isagana idiin weydiin mayno inuu isku kiin sharxo haddeed, oo sidaa uu codkiisa ku xidhay ayaan anaguna ku dhiirri galinaynaa inuu juuq iyo jufuq danbe idiin celin. Hadal yar iyo Hawl badan ayaan ku ognahay Xasan Muuse Subagle(Samarroon). Halkaagaagaasna ka wad ayaannu lennahay himilada GARGAAR;  hagoog xumana yeelkadiisa

Kuwa Xasan Muuse magac qabiil ku caayay, ama magac qabiil u hadlaya. Kuwaasi waxaynu u shegaynaa Xasan,  inay yihiin mid iyo labo qof oo kaliya, oo ah dadka magacdooda qariya ee wajiyada badan, oo iska dhiga dad badan, anaguna waan naqaanaaye noo soo dir emailadooda. Ma sheegan karaan reer Boorama, mana sheegan karaan reer Awdal iyo Samaroon toona, iyo xitaa qabiilooyinka iyo qooysaska ay u hadlayaan, xitaa mana sheegan karaan magacooda saxda ah oo buuxa, oo waa fulay (Cowards) daaha dabadiisa kasoo hadla.  Waa kuwo beri hore la raad qaaday, oo lagu tafaafulay Waraabayaasha Hargeysa lagu gawraco, oo siyaasadaas Hargeysina waashay.  

Hadaba Xasanoow, kolley waxan hubnaa in dadka intii wanaagsanayd kuusoo hambalyeeyeen kuuna og yihiin dadaalkaaga hor Ilaahay ad ugu hagar baxday. GarGaar la’aanteedna Cusbitaalka Boorama lama arkeen, curyaamiinta Awdalna baabuur kuma carareen. Hambalyo noogama baahnid iyo abaal marin toona, oo xaga Ilaahay ayaad ka helaysaa. Hawshaadana halkaas ka wad, oo Allaha kugu garab galo.

Ummaddeenuna ogsoonoow ma wada waalnee. Awoowo Xasanoow bushada,  badh yar uun baa la baabay beri hore. Kuwaasina way is ogyihin, Ilaahayna wuu ogyahay, Ummaduna way ogyihiin, oo dhawaan CALAAMAD lagu garto ayaana kasoo bixi doontee la soco.

Cabdiqani Yuusuf Caateeye 

HiilDanExpress

 hiildan@yahoo.com 

Buslhadu Goormay Waalatay?.

Waar Buslhadu Goormay Waalatay? - BY: Xasan Muuse Subagle 

Waxaan halkan ka salaamayaa akhristayaasha sharafta leh, ee ka fayow cudurada iyo jeermista casriga ah ee siyaasadda inagu cusubi ay dhalisay. Taasoo waayadan xawaare aad u sareysa ku socota. Qabyaaladdu awalba way jirtay oo wax inagu cusub ma ahayn, sidanse way ka duwanayd waxayna ahayd mid la fahmi karo ujeedada dhalisay, xalkeedana la heli jiray maadaama la garanaayo sobodbta keentay.

Waxaadse hadda mooddaa in bulshadii ay wareertay oo kii aad wax ka sheegtaa amma aad dhaliishaa aw qaylo afka daloolinaayo isaga oo ku qaylinaaya: tolla’ayeey, qabiilbaa laygu dilayaa ee tolkayoy ii gurmada isla markiiba dad aanad aqoon u lahay aad se mooddid inay cadaawad xuni inni dhextaallay ayaa cay kuu soo miisaya. Kuwii aad wax ka sheegtay la garay laakiin kuwan meesha iyo ka socdan la ogeyn maxaa waalay?

Haaddii aan u jeedadayda u daadago, illaa intii uu urur GARGAAR soo saaray warsaxaafadeedkii ku saabsanaa fadeexaddii cusbitaalka Boorame, cabashooyinka, cayda iyo aflagaadaduba way is dabajoog. E-mailadaasoo dhamina qabiilo ayey weerarayeen, isla markaas qabiilo kale ayey difaacayaan. Annaga yaabkii baa naga dhammaaday waxaanan la yaabannahay dadku waxay ka hadlayaan oon fahmi laanahay, iyo weliba cidda ay la hadlayaan.

Annagu Urur ahaan haddaan aragtidayada ka dhiibanay dhacdadii naxdinta lahayd ee cusbitaalka Boorame ka dhacayday ma Xashkii baan gubnay mise qabiil baan si gaara wax uga seegnay. Waxa kaliya oon dhaliilnay shaqaalaha cusbitaalka’e, mise shaqaala cusbitaalka oo dhami waa isku wada qabiil oo anaguna qabiilkaas ayaan ka wada horjeednaa ? Annagu jawaab uma haynno arrimahaas aan kor ku soo sheegay ee dad weyna ayaa ka jawaabi.

Laakiin waxaan dadweynaha ku qancinaynaa in Urur ahaan aan ka fayownahay cuduradaas cusub ee naga dambeeyey ee bulshada ku hafsaday. Ururka GARGAARna wuxuu kulmiyey dhammaan reer awdal oo dhan: Jubuuti illaa Gabiilay, Lafa Ciise illaa Lughay, nagamana suurtowdo inaan qabiil reer awdal ah si gaara farta ugu fiiqno. Annagu wax ha toosisiin iyo damqasho ayaa hadalka naga keentaye haddiise dhan kale loo duway afkayagii waan xidhannay illaa intay bulshadu bogsanayso haddaan nahay ururka GARGAAR.

Xasan Muuse Subagle

Guddoomiyaha GARGAAR.

Email: xasan64@hotmail.com

Ciisoow, Ciise Iska Dhaw.!

CIISUHU CIISAHA MIYUU DILAYAA? – By: Cabdale Faarax Sigad

sigad.jpg(Reer Awdaloow Kubad dhagaxaa idin dhextaala ee kaalaya nagala soo qaybgala kubada dhabta ah) 

Waqtigii Ugaas Nuur Allaha unaxariistee uu katalinayay jiida Gadabuursigu dago iyo nawaaxigeeda ayaa waxa dhacaday in sanad waqtiyadaa ka mid ahaa u dagaal dhexmaray dadka dariska iyo walaalaha ah ee ku kala abtirsada Ciise iyo Gadabuursiga.  

Hadaba aniga oo ayna ujeedaddaydu ahayn in aan aflagaadeeyo Ciise oo ah dad aan aad ujecelahay qaraabo badan iyo ehelbadana aan ku leehay ayaan hadana jeclahay in aan ciwaanka maqaalkan macneeyo intaanan ugalin ujeedada iyo murtida uu xambaarsanyahay maqaalku. 

Kaartadii Dagaalkii Ciisaha iyo Gadabuursiga  

Waqtiyadii uu ugaas nuur talada Gadabuursiga  hayay waqti kamida ayaa waxa dhacday in uu Ciise goostay in uu gadabuursiga weerar ku soo qaado iyada oo ay waqtiyadaa  aad udhib yarayd in si dhayal ah la iskugu duulo iyada oo aanay jirin wax wayn ama arin laysku hayaayi. 

Hadaba waqtigan isaga ah ee uu Ciisuhu goostay in uu  ku duulo Gadabuursi ayaa ahayd waqti Gadabuursiga ay abaaro ba,ani aad u naafeeyeen, sidaa daraadeedna aanay is difaaci karayn. Hadaba markii uu Gadabuursigii ogaaday in maanta ciise warmihiisii iyo fardihiisii oo kooraysan uu ku soo jiheeyay cara gadabuursi, ayuu ugaas Nuur ergo udiray dhigiisii oo ahaa ugaaskii Ciise oo ay waliba habra wadaag ahayeen. Laakiin nasiibdaro ugaaska Ciise oo cadho hore iyo miidhooyin hore tirsanayay ayaa wuxu ugu soo jawaabay Habra-wadaagii diidmo qayaxan iyo waliba erayo cadho ka muuqato.  

Dabadeeed sidiibuu Ciidankii ciise ku soo duulay.  

Gadabuusi isku yaac yaac inba dhan u carartay rag talo raadi qaar caarare oo cagta wax kadaye, baxsad iyo baqe la kala yaac. 

Hadaba  iyada oo ay xaaladu ku ciirsantahay reerihii Gadabuursi ayuu nin reerhii gadabuursi ka mid ihi  iskii isku xilqaamay, dabadeedna isga oo naftiisii huray ayuu sahan ubaxay.  

Kadibna markuu indha indheeyay colkii ee uu sheedaha ka eeg eegay ayaa wax usoo baxday meesha uu colku goldoloolo ku leeyahay taasina waxay noqotay iyada oo uu colku badi awgeed anu isba garanayn iskuna dhex laaqan yahay.  

Ninkii naftii huraha ahaa wuxu goostay in uu colkaba dhexgalo, waanu ku guulaystay afar caana maal ayuuna xoolihii gadabuursiga ee ay iska guranayeen lacunayay.  

Dabadeed soo laabay waana lawaraystay wuxuna ku taliyay sidan   

Wuxu yidhi ninkii naftii hure colka waa in kaarto loo dago kaartadiina anaa haya ee 40 nin oo hubaysan ha la isiiyo. Kaartada noo sheeg ayaa lagu yidhi ilayn 40  nin oo iska kaa raacya iyagoon ogayn meesha ay u socdaani majiraane. 

Ninkii naftii hure wuxu u sheegay in aan colka soo duulay cudud la iskaga celin karayn ee kaarto iyo iyaga oo la siyaasadeeyo uun la iskaga dhicin karo.  

Wuxuna usheegay in colku badi awadeed anu isba wada garanayn oo waliba uu isku dhex laaqan yahay, iyadoo waliba qolaba mar duurka galayso si ay xoolo usoo dhacaan dabadeedna ay ku soo dhex noqonayaan colka iyagoon cidba ufiirsan. 

Hadaba maadaaba ay sidaa tahay buu yidhi ninkii naftii hure waa in la helaa afartan nin oo naftood hurayaal ah oo colka ka dhex toosta si uu colka laftiisu iskugu jeesto. 

Afartankii nin oo warmahoodii wata ayaa sidii colkii ku dhexgalay dabadeed saqdiidhexe siday balantu ahayd ayuu ninba ninkii ku xigay waranka ka taagay, dadbadeed colkii Ciise oo jaahwareersan ayaa isku jeestay oo ninba ninkii ku xigay ayuu waranka la beegsaday waxana ka dhacday CIISHU CIISAHA MUU DILAYAA?. Iyagoo sidii isku haysta ayuu Gadabuursi wixii uu ciidan heli karayay isna dusha kaga keenay sidiibuuna Ciise ku jabay maalintaa, kaartadii naftii hurana sidaasay ku shaqaysay. 

Anigoon hadalka sii badin ujeedada maqaalka hadaan udhaadhoco soona koobo  Gadabuursi maanta waa lagu dhexjiraa dadkan wax soo qoraya ee  maanta Gadabuursi kala saaray kuwii u horeeyay ee bilaabay waxan aaminsanahay in aanay Gadabuursiba ahayn  laakiin maanta dhamaanteen inagoon hubsanba kubadan la inoo laagay in ay dhagax tahay iyo in ay caag tahay ayaan dhamaanteen garoonka isku daadinay waxanan run ahaantii wada ciyaaraynaa kubad dhagax ah. 
 

Waxa kuu cadaynaya in la inagu dhex jiro,  iyada oo Gadbuursi oo dhanba minority lagu tilmaamo Somaliland dhexdeeda, ayaad arkaysaa dadka qaar reer awdal sheeganaya oo leh ninka WARAQA ama dixda Harowo dagani reer awdal manoqonkaro. Iyo qaar ku doodaya oo aaminsan in Gadabuursi waligoodba iyagu u talin jireen xaqna uleeyihiin in ay utaliyaan. 

waxa jirtay barya dhawayd in ay dadka reer awdal baraarugeen oo dadka wax qoraayi isku mawqif ka ahaayeen arimaha ay ka midka yihiin sad qaybsiga xaqdarada ku dhisan ee soomaliland ka jira iyo arimaha SNM iyo sida anay ururkaasi uga mid noqon karin qaranka. Laakiin nasiibdaro cadawga reer Awdal wuxu inoo dagay kaartadii CIISUHU CIISAHA MUU DILAYAA iyaga oo inoo adeegsaday aladaha internetka oo u sahlay in ay kubad dhagax ah ina dhexdhigaan. 

hadaba dhamaanteen inaga oo aanan iskaba hubsan ayaa waxa dhacday in ay beel walba meel difaac ka gasho iyaga oo qaarna weerar udiraya. Hadaba anigan idinla hadlaya oo bari dhexdiiya ku sikaday in aan lambar 9 qaato midigta ka ciyaaro ayaa waxa dhacday markii u horaysay ee aan laaday kubada garoonka dhextaala in aan ogaaday inay dhagax tahay.  

Laakiin dadka qaar baanan ogaanin oo wali laadaya  kubadii dhagaxii ee la dhexdhigay.  

Hadaba waxan ku soo gaba gabaynayaa walaalyaal Awdal waa dalkeenii dhamaanteena waan dhacanayahy goolalna iskagama dhalin karno kubad dhagaxa ee inaga uun baa ku jajabayna markaan jajabnana waxaba iska celinkarimayno markaa intiina wali laf laf iyo meelo hoose ku wareersanoow kubad dhagaxaad isku lag lagaysaane kaalaya oo nagala qaybgala kubada dhabta ah, ee aan la ciyaarayno kooxaha shisheeye. 

Waxana cadaymo inoogu filan in la inagu dhexjiro iyo in dadka qaar labadalay inaanay dadka ka hadla sadqaybsiga AWDAL kajirayi aanay ka hadal sadqaybsiga xaaraanta iyo dhaca kudhisan ee hargeysa kajira. 

Kaba sii darane qaar reer awdalaa ku odhanaya waxii laga soo dagaalamay, kalmadaa lafteeduna meesha ay katimid waan wada ognahay. 

Gabagabadii iyo gunaanadkiina walaalkaa waxa wanaagsan baa lala jecladaaye anigoon duudsiyayn wanaagna ka wada ninkii naftiihure ee kaartada dagay wuxu ahaa nin ABRAYN SICIIDA ah. 

Ciisana uma aan jeedin ee waasheeko guud oo aan yaraantii maqli jiray run iyo been mid aytahayna ma ogi ee yaan la iqoonsan 

Cabdale Farah Sigad 
 sigad12345@yahoo.co.uk

Awdal Iyo Aw-Daahir.!

Awdal Madaxweyne Rayaale ma dacweyni kartaa???- BY: Dugsiiye.

Maqaal war oon dhawaan akhriyey buu cinwaankiisu ahaa: “Us towns issue warrants to arrest Bush, Cheney…”. Indhaheyga oo jeclaadey cinwaanka ayaan sii akhriyey. Sidan buu hordhaciisu u qornaa:“Mar.06 WASHINGTON Voters in two Vermont towns on Tuesday approved a measure that would instruct police to arrest President George W. Bush and Vice President Dick Cheney for “crimes against our Constitution,” local media reported.

Inkastooney dacwadaasi fulin lahayn (nonbinding), hadana waa tusaalo muujineysa ujeedada dimuqraadiyada. Bal u fiirso natiijada ay yeelan laheyd hadii la fulin lahaa dacwadaa. Mareykanku waa horseedka habka dimuqraadiga ee dunida jirta maanta. Waana dowlad weyn oo ilbax iyo aqoonba leh oo marnaba barbar dhigi kari meyno dowladeena yar ee Somaliland ee ku qoran liistada dowladaha dimuqraadiga sheegta. Kasoo qaad inaan dimuqraadi nahey kol hadii aan ku dacwiyeyno. Hadii ay dadweynuhu dacwad ku moosi karaan madaxweynahooga , waa iga suaale:
Awdal dacwad ah xad gudub distoor maku moosi kartaa madaxweyne Rayaale iyo dowladiisa? Sideese loo dhigi lahaa dacwadaasi?

“Vermont” baa ku horeysee, kol hadii la dacwiyaayo, Nin dacwiyey dantii hadale anigaa u diyaaree akhristow bal dacwadeyda u fiirso.

  • Balan baa u dhaxeysey Awdal iyo madaxweyne Rayaale. Heshiis baa lagu gaadhey in la doorto oo kursigaa dalka u sareeyo Rayaale ku fadhiisto, isna uu balan qaado inuu distoorka dib u habeeyo oo Awdal xaqeeda usoo saaro – kuraasta barlamaanka iyo guurtidaba. Awdal Balantii wey sameysey oo wakaa Madaxweyne Rayaale aduunka u sareeya. Heshiiskiise ma fulin madaxweyne Rayaale oo Awdal wali 13kii kursi ee barlamaanka iyo halkii xubin ee guurtida ayey ku dhagantahey, wax isbadal ah oo soo muuqdina ma jirto. Fulin la’aanta uu fulin waayey Madaxweyne Rayaale balantaas nuqsaan badan bey u keentey gobolka Awdal iyo gunnimo. Balani waa qaaliye,

 Awdal ma ku dacweyni kartaa Madaxweynaha dhibaatada uga timid balan jabintiisa?

  • Madaxwenaha dowladiisu waa iney matashaa qabiilooyinka wadanku ka koobanyahey. Tirada jagooyinka sarena waa iney ka qiyaas qaadataa qabiilooyinka (proper representation). Dowlada (cabinet) madaxweyne Rayaale kuma sargoosna tirada qabiilooyinka Somaliland. Waana wax lawada ogsoonyahey ineyna Awdal heysan xaqeeda. Taasi waa arin ka timid madaxweynaha, eedeedana iyo dacwaduna isagay dul taalaa. Sidaas darteed,

Awdal ma ku dacweyni kartaa Madaxweynaha xaqeeda wasiirada iyo maamulka sareba ee ka maqan???.

  • Madaxweyne Rayaale wuu wada siyaartey intuu jagada hayey gobolada kale. Walise cag ma saarin gobolka Awdal. Taasi waa takooris iyo muujin ineyna qorshaha ugu jirin madaxweynaha gobolka Awdal. Awdal oo ah tiirka u weyn ee jiritaanka S/land, hadii uu madaxweynuhu iska diidey

Awdal maku dacweyni kartaa madaxweynaha horseedka uu u horseedey in Awdal gooni looga xidho dalka intiisa kale???

  • Dowladu waa iney u sinaataa dadkeeda. Cidii gurmad u baahana loowada gurmadaa. Madaxweyne Rayaale isagaa afkiisa kaga dhawaaqey in Laascaanood loo gurmado, la gargaaro oo la difaaco. Ku xigeenkiisuna waakii ku dhawaaqey in la gargaaro abaaraha gobolada kale. Midkoodna kuma dhawaaqin mana soo hadal qaadin in la gargaaro dadkii reer Awdal ee duufaanadu ku dhaceen. Waxa taasi u dheer in ganacsi laga bilaabo oo dadkaa tabaaleysan dawadii laga iibsho. Taasi waa dad iyo gobol takoor. Waana distoor ku gafid.

Awdal maku dacweyni kartaa Madaxweynaha iyo dowladiisa gobol takoorka iyo daayaca loo geystey Awdal???

  • Wufuuda dalka timaada iyo hay’adaha samafalka markey rabaan iney Awdal tagaan waxa lawada ogsoonyahey iney wakiilada dowladu u sheegaan iney Awdal tahey “Red Zone” oo aaney ka kafaalo qaadeyn nabad galyadooda. Taas oo looga dan leeyahey in Awdal la takooro ooney arag indhaha dunidu. Taasina waa gobol takoor iyo Awdal oon lala rabin mucaawino iney ka hesho dadyowga dunida ee qarafadaba siinaya S/land. Waa ceebeyn iyo been ka sheeg loo geysanayo gobolka Awdal. Waa distoor jabine

Awdal ma ku dacweyni kartaa Madaxweynaha iyo dowlada uu masuulka ka yahey ceebaha la marmarinayo Awdal?.

  • Waxey Dilla ka mid aheyd degmooyinkii uu magacabay (AU) Cigaal sida Salaxley iyo Bali gubadle. Waxaan ogsoonahey in degmooyinkaas (Labada danbe) wasaaradda Arimaha gudaha iyo kommishanka doorashoyinkuba ay ku soo dareen liistooyinkii gobolka Hargeysa, hase yeeshee Dilla laga reebay Gobolka Awdal. Taasi waa qabyaalad cad oon meela lagusoo gaban iyo kibir iyo waliba anigaa boqora oo waxaan rabo uunbaa socon. Taa waxa ka horeysey dagmooyinkii Lughaya ee moranka ay galiyeen. Waar sidane gumeysi ka badane malaha waa dabargoyn. Waa distoor jabin iyo Awdal diide,

Awdal ma ku dacweyni kartaa madaxweynaha iyo dowladiisa dad iyo dal baabiiska?.

  • Waxaan xasuustey waalid bari hore ku dacweeyey inankiisa daayac uu daayacey iyo inankoo garan waayey abaalkii waalid lahaa. Garsoorihiina uu aqbaley oo u raacey dacwadii waalidka. Waxaan uga danleeyahey, Awdal inankeeda kursigaasi ay saartey waa madaxweyne Rayaalee

ma ku dacweyni kartaa daayaca iyo magac xumida ka heysata. Awdal ma ku dacweyni kartaa xaqeeda ay ku weydey Rayaale baa madaxweyne ah?

  • Shicibku waxey xaq ugu leeyihiin madaxweynaha inuu ka difaaco oo uu ka ilaasho dhaca iyo maamul xumida iyo dacatiga iyo kibirka loo geysanayo. Madaxweyne Rayaale kol hadii uu ka aamusey cadalaad xumida iyo dacatiga loo geysanayo gobolka, Awdal ma dacweyni kartaa???

Intaa kor aan kusoo sheegey iyo in kale oo badan oo gaf iyo distoor jabin ah oo Awdal loo geysteyba wey jiraane:

Hadey “Vermont” ku dacweysey madaxweynahooga distoor jabin, miyeyna Awdal ku dacweyn karin Rayaale iyo dowladiisa danbi laga galey distoorkeena iyo maamul xumo??? In addition …

Can Awdal vote and approve a measure that would instruct Awdal police to arrest President Rayale and his vice president for crimes against the Somaliland constitution,and calculated crimes against the people of Samaroon???

Iskusoo wada xoori, sidey aniga ila tahey, dacwad baa inooga banaane bal “Vermont” aan su’aalo garsoorihii dacwadooda dhageystey si aan teena ugu dhiibno!! Hadaan dacwadaa ku reyno waa in Booliiska Awdal soo xidhaan madaxweyne Rayaale iyo wadaadka ku xigeenka ah.

Midna waa iga xasuuse, hadii tol la yahey Samaroonow gudida loo xilsaaro iney xakumaan waa in la igu daraa!!!!

Suleymaan Cabdi Dugsiiye 
douksi@warsanmag.com

TACSI

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaynu si weyn uga tiiraanyaysanahay ugana tacsiyaynaynaa geerida ku timid walaalkeen Marxuun CABDI BUUX oo ku geeriyooday Djibouti.

Ilaahay korreeye waxaynu uga baryaynaa marxuunka inuu ka waraabiyo naxariistiisii Janno, ehelka, qooyska iyo dhammanteenna innaga  siiyo samir iyo Iimaan.

Waxaynu tacsidan si gaar ah u gaadhsiinaynaa Xaaskii  uu ka tagay marxuunku oo ah ,walaasheen Khadiija Muxumad Sacad, iyo carruurtiisa, iyo dhammaan ehelkiisa.

Tacsidan waxa diraya Dhamman Qooyska reer Caateeye Faahiye, meel kasta oo ay adduun weynaha ka jogaanba.

Galbayeey Yaa Idin Matali (BY: Isniino Maxamad)

GABAY (First Class)

Galbayeey Yaa idin matali, Gabi Ahaantiinba – By : Isniino Maxamad (Marwo reer Boon Ah). !

Asalaamu caleykum dhamaantiin.

Marka xigana waxaan halkan uga tacsiyeynayaa, EHELKII IYO QARAABADII UU ADEERO XASAN SHEEKH MUUMUN kategay. Waxaanan ilaahay uga bayayaa inuu samir wanaagsan kasiiyo isagana naxariis iyo dambidhaafsiiyo Amiiiiiiiiiin.

Waxaan baryahanba la socday siday wax u dhaceen siduu u geeriyooday,sidii loo aasay iyo sidii loogu ooyay intaba. Waxaanse ka yaabay sida aan wax xusuusa loogala hadhinba taasina waa ceeb iyo ciil eedana Gadabuursigaa iska leh. Nin qiimo leh oodhanba cidiisaa qadarisa inaguse xataa halkuu ku dhashay baaban garanwaynay oon Boorama ku sheegnay halkuu Saylac kaga dhashay.

Mida kale wuu udhashay Amaanta ee uma dhimanin intuu noolaa baad amaani lahaydeen taasna watan an idiin idhi.

GADABUURSIYOOW goohday, oo gees waliba eegtaye
Geed baad iskugu soo baxdeen, guuxna iniga yeedhye
Geestii haween kaad malaha, garab ka waydeene
Gabaygani ad raad-raadiseen, gabi ahaantiinba
Gamboolay miyaad kaba fisheen, inay garanayso?.

Walow ayna gaar inii ahayn,  geeridani timiday
Garabkay kuwada jiiday, soomaali gidigeede
Hadaanse godkii dhalashadiyo, eegno gurigeena
Garaad baa idinka tegay, iyo ninay garato taariikhduye
Gabalbaa idiindhacay, si ad ugaba gudubtiine
waa gooro hore oo tegiyo, waxaydaan gaadhaynine

Waad gunaandeen aasna, waad gabagabayseene
Gabi waad u oydeen, warkuna is gaadhye
Gadhmadoobe iyo wiilyarbaad, gabayo tiriseene
Samaroon iswada giijiyoo, geesi wada noqoye !
waadse garani waydeen, waajub kaad gudan lahaydeene.

Geeridu xaqweeyaan, waana goor waliba jooge
Xasana god wuu gali lahaa, goor ay noqotaba’ e
waxa gocashada iniigu wacan, gama’a idiin diiday
Hadii aydin garanayn, anaa idin gawaaqsiine
gambana hanoqotee, xusuus kamaydin guntane

Haduu geesiba idiin dhashoo, guule idin siiyo
Ama uu abwaan gabay tirshaa, golaha idinla joogo
Ama sheekh ducadu gaar utaha,  galaba reerkeena
Goobaha intuu joogee, talo uu gorfaynaayo
Gadiisii masoo reebataan, wax adku gama’a daane
Goortuu dhintaad sooqortaan, gabayo dhaadheere
Gubaa idinka dhacay reertoloow, ceeb kama gilgilataane.

Ninkii geeyey magiciina, meel cidiba gaadhaynin
Gobolkaad lahaydeen ninkii,  galiyey taariikhda
Gurmadkii wadaninimo ninkii, goolka hore dhaliyay
Gadabuursibaan ahay ninkii, goorwalba ku faane
Guubadiisii ninkay, galabta idin hagayso
Galbayeey ayaa idin matali, Gabi ahaantiinba.

Gobanimo u dirirkii ninikii, soo gabani waayay
Garaad lama dhaxlee ninkii, gade inii tooshe
Gardaraba hadii laydinu dayo, cid idin gaadayso
isagoonan gubanayn ninkii gabay, wax ugu sheege
God madow hadaa laguridoo, wada gariirteene
Galbayeey ayaa idin matali,  Gabi ahaantiinba.

Bal hada eega hadana waa gafkale,  waxan igubayiye
Garoo nyar ooloogu magacdarayna, waa cad uuna gayine
Abaalkiisu wuxu goynayaa, gobolka oo idile
Hadaadse u garateen, inaan gees umaamuusno
Gaar taallooyin loogu dhisuu, galabsaday Xasane

By Isniino Maxamed

Email: isniino2@hotmail.co.uk 

Gadoodka GARGAAR Iyo Guuldarrada Cusbitaalka Boorama.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyahay Ururka GARGAAR: Mudane Xasan Muuse Subagle: Aarhus, Denmark.  

Asalaamu celeykum:Ilaahaybaa mahadleh.

Waxan umahadcelinayaa maddaalayaasha(hawlwadeenada) ururka Gargaar iyo inta taageerada uhaysa.Ururka Gargaar oo aan afkiisii ku hadlayo ka gudoomiye ahaan,horta dhaqan uma aha inuu saxaafadda la hadlo.Waxan odhankaaraa waa markii koowaad ee uu ururku saxaafadda la hadlo.Ururka halku dhegiisu waa “hadal yar iyo hawlbadan”,wixii uu qabanayo hor ilaahay uunbuu uqabtaa,magac iyo maaliyad midna ururku kuma raadsado.Taasna waxa kuu cadaynaysa mudada uu urukani dhisnaa waa sideeed sano,sideedaa sano sanadkasta alaabuu direyay,maantana waa maalintii koowaad ee uu saxaafada la hadlo.

Markastaba way iska jirtaa dhaliishu oo maamul iyo dhaliil lama kala waayo,sideedana qof waxqabta uunbaa wax qalda. Hase yeeshee qaladku wuu kala qaro weynyahay oo mid aan la qaadan karinbaa jira.23.Feb.08.Sabti 9:00 subanimo waxa Isbitaalka Boorama la keenay bukaan xaaladiisu liidato oo laga keenay deegaanka Ruqi ee degmada Baki ee G/awdal. Ninkan oo laga keenay miyiga, waxa waday oo cusbitaalka keenay ninkale oo ay qaraabo yihiin oo laftiisu miyiga degan oo iska daa inuu nidaamka dhakhtarku dadka uqaabilo fahmee dhinaca uu magaalada kaga yaal tilmaan ku yimid. Ninkii bukaanka ahaa oo ay xaaladiisu liidatay oo ku jirey xaalad deg deg ah markii uu waayey gargaarkii deg dega ahaa  ee uu ubaahnaa wuxu ku  qudhbaxay dhakhtarka hortiisa,xataa wuxu waayey sariir la dhigo intii uu xarbiyayey(emergency room).Kaaga darane markii uu dhintay wuxu meydkiisii bacadka sii yaalay saacado dhawr ah!!!.Cid ka damqatey iyo cid xil iska saartay toona ma jirin.

Dhacdadan naxdinta leh waxay ahayd mid layaab leh.Warkan oo ay daabaceen shabakadaha wararka ee Boramanews.com iyo saylac.com wuxu noqday mid in badan oo inaga mid ihi ay rumeysan waayeen in ay ka dhici karto cusbitaalka Boorame. Dad badan ayaa ku mormay oo yidhi: “malaha weriyuhu wuu  khaldamay”, halka dadkalena iyaguna yidhaahdeen “malaha wuxuu isku khalday cusbitaalada magaalada Muqdisho oo sida aan ognahay markay  buux dhaafeen ay dadku bannaanka daadsanyihiin intooda badanina ay u dhintaan daawo iyo daryeel la’aan”. 

Haddaba maadaama uu ururka GARGAAR yahay kan deeqda ugu badan gaadhsiiya cusbitaalka, arrintaasi si gaara ayey usaameysay. Dad badan oo ururka ka tirsan ayaan seexanba habeenkaas, kuwa badan oo cadhaysan ayaa telefoon habeenkii oo dhan ii soo dirayeey iyagoo qaadan la’aa dhacdadaas naxdinta leh.  Si aan haddaba u hubino sida ay wax u dhaceen waxaan la xidhiidhnay wariyayaal madaxbanaan iyo ilo kale oo muhim ah. Kaddib baadhitaan qoto dheer iyo daba gal ay saxaafada gobolku samaysay waxa soo baxday in arrintani  dhab tahay oo sidii saxaafadu qortay ay wax u dheceen.

Arrinta aan qaadan weynay urur ahaan waxa weeye annaga oo hadh iyo habeenba u hawlan sidii uu cusbitaalku u noqon lahaa kan ugu qalab badan cusbitaalada dalka Soomaaliya oo dhan una hurnay maalkayagii iyo muruqayagii iyo wakhtigayagiiba, in hadana bulshadii aan sidaas ugu fikiraynay gidaarada ku dhintaan. Daawo la siiyo iska daa ee sariirihii aan ku soo dhabarjabnay raridooda een soo waarideynaybaa loo diiday in lagu jiifiyo oo nafta la oolin maayee inta saacadaha wakhtiigiisa ugu hadhan uu sariirta uu ku qaato. 

Wax ay wariyayaashu sheegeen in markay dhakhaatiirta indhuhu yimaaddaan dadka waadhadhka laga saaro oo dibada ladhigo, waana run arrintaasi oo dadka indha loo jeexaayo dhaqaale ayaa ka soo gala cusbitaalka. Waana sababta dhalisay in marxuunkaas loo diido sariirta. Ma xuma in dhaqaale la abuuro inkastoo hab khaldan oo naxariis darro ah lagu abuuraayo dhaqaalaha,laakiin waxa dhakhtarka loo sameystay waa dadka bukaanka ah in la dhigo laguna daweeyo. 

Markii aan ogaanay arintan waxan isku daynay  si aan dhibkaas u yareyno,waxan sinnadkii kal hore(2007)  iibinay shiraaqyo qiimahoodu ku kacay 4.000 $, kuwaas oon ugu talagallay in dadka waadhadhka laga saaraayo la jiifiyo.  Dhakhaatiirta ka hawlgasha cusbitaalka ayaa ku doodaya, sida baadhitaankii aan soo sameynay ka muuqato in marxuunkaas sariir loo waayey, cusbitaalkuna ay buuxdhaafiyeen dadka indhaha loo qalo oo saddexdii biloodba mar yimaadda cusbitaalka Boorame si indha loogu qalo. Ayaase ku qanci kara doodaas aan qiimaha lahayn ee dhakhaatiirku ku andacoonayaan ? 

Ururka GARGAAR sinaba uga degimeyso in qof cusbitaalka Boorame la keenay ay sariir la’aani hayso.Cusbitaalka Boorama waxa u yaalla sariiro kayd ah oo ku filan illaa10 sano ee soo socda. Maamulka cusbitalkuna waxay noo sheegeen in ayna wax siriira oo dambe u baahneyn. Waxa kale oon aad iyo aad ula yaabnay haddiiba ay dhacday in waadhadh la buuxshay, aaway shiraaqyadii aan dirnay éen 4.000 $ siinay maxaa iyagaba loo geynwaayey haddii qolalku buuxsameen.

Cusbitaalku wuxuu ku shaqaynayaa daneysi iyo weliba damiir la’aan. Waxaana caddaatay inay kolba kii jeeb roon uun ay sariiraha ka kiraystaan, dadkii danyarta ahaana ayna waxba u hayn. Waxaana waliba inagaga darraan lahaa xaga Sumcada ninkaas oo meel kale ka iman lahaa oon Awdal ahayn ceebtaasi waligeed inagama hadheen waa la faquuqay ayuunbaa la odhan lahaa. Illaa intaan ogahay ceebtan oo kale kama dhicin cusbitaalka, xitaa markii uu dagaalkii sokeeye dalka ka socday oo dhaawucu buux dhaafay shaqaaluhuna intan ka yaraayeen. Waxaanan u maleynayaa in maamulxumo ay cusbitaalka ku hafsatay iyo weliba wada shaqayn la’aani baahsan, taabaana keentay indadka laysku tuurtuuru ooy darbiyada hoostooda ku qudh baxaan.  

Waxa dhawaan  la doortay guddi caafimaad oo laga soo xulay bulshada qaybaheeda kale duwan kuwaasoo shaqadoodu tahay inay la taliyaan masuuliyiinta caafimaadka ee cusbitaalka, iyo weliba ilaalinta xaquuqda dadweynaha. Guddidaasi illaa hadda wax hadala lagama hayo, meel ay mareenna waa la laayahay. Waxaanse filayaa damiir la’aan uun bay la aamusanyihiin oo kama damqanayaan waxa dadweynaha kale ka fajiciyey. Mar uu weriyaha Shabakada Sayac.com mudane Daahir A.Jirde wax ka weydiiyey qaar ka mid ah gudigaas sida ay u arkaan dhacdadan iyo waxa ay ka ogyihiin arrintan waxay ku jawaabeen sidatan:

”… Arin khaladay ahayd” iyo qaar yidhi ” Wadka lama oolin karo” qaar kale  ”Mashquulbaa la ahaa, iyo wax lamida”

Ururka  GARGAAR magaciisaaba gargaar ah,wixii uu dadkiisa uqabtayna kama shalaynayo, wuu ku faraxsanyahay, ugumana manna sheeganayo, shakhsiyaad gaarana ma dhaliilayo ee wuxu saluugay habmaamulka cusbitaalka iyo hagrashada ka jirta. Ururka Gargaar wuxu doonayaa in dadka jilicsan ahmiyadda koobaad la siiyo. Qof bukaan ahbaa sariir la dhigo loo waayey ma qaadan karo ururkani. Sariiraha cusbitaalka Boorama yaala waxan odhan karnaa ma yaalliin Soomaaliland oo dhan, ammaba an idhaahdo inta af soomaali lagaga hadlo oo dhan, waxa kale ood ogtiin curyaamiintii gobolka oo dhami in ay gawaadhi casri ah bilaasha ay wada wataan taasoo dhammaanteemba niyadsami iyo farxad aan la soo koobi kareynin inagu abuurtay dhammaanteen inta dibedda deggen iyo inta dalkii deggenba. 

Ururka GARGAAR wuxu warsaxaafadeedkiisa ku soo gaba-gabaynayaa Sidatan:

Ururka GARGAAR  ma hakin doono gargaarkiisa wuxu halkiisii ka sii wadi doona u adeegidda bulshada dayacan ee dawlad u maqani jirin. Foolxumada cusbitaalka Boorama ka dhacdayna waxba ka beddelimeyso himiladiisa. Wuxu uheegnaan doonaa oo uu hadh iyo habeenba u fekeridoonaa dadkiisa iyo dalkiisa. Maamul xumada cusbitaalka sidii wax looga qaban lahaa waa mid bulshada utaalla.   

Anoo fursaddan ka faa’iidaysanayaa waxaan halkan hambalya iyo boogaadin uga dirayaa ”ururka warfidiyeenada gobolka Awdal”, kuwaasoo mutaystay in la is garabtaago. Kuna amaanan sida hagarla’aanta ee ay wararka u soo qadimaan una gaadhsiiyaan adduunka dacaladiisa oo dhan. Iyaga la’aantoodna fadeexaddani marnaba ma soo shaahbaxdeen. 

Nabad iyo caano 

Xasan Muuse Subagle (Samarroon)

Guddoomiyaha GARGAAR

Aarhus, Denamrk

 Xasan64@hotmail.com 

Comments : No Comments »

Hon. Dugsiiye Met King Idris Saad.!

I met a great Awdalman !!!-  By : Suleymaan Dugsiiye 

 

I always liked to visit the holly land. This developed in me in my younger years and the more I read about the history of the blessed land, the more my interest to visit this godly land increased. Alhamdu lillah, Allah provided me the opportunity to make the visit to the land of “baraka”.During my stay, I visited the countless sites of the Islamic rich history in Madina and Mecca.

I also met a lot of Somalis and especially Awdalians. Writing about the holly sites will require volumes but a proper way to sum up would just be to mention the fact that these many sites are of no match to the man made and highly publicized Niagra falls, Disneyland, Marineland and what ever else land. Only a blessed person gets the godly opportunity to visit the land of baraka and thanks to Allah I must confess that the opportunity is/was the best that ever happenened to me.In this piece, I would write about a great Awdalman I met during my stay whose love to Awdal is limitless and who is known to every Awdalian. An Awdalian whose vision and moral courage changed the entire city of Borama and because of him my birth place – Borama is profoundly different, and better.

I talked with a lot of people about this great entrepreneur and all those I spoke with spoke highly of his business skills and hailed his humility and his down to earth nature which has endeared him to many.During my stay, I met the man I heard about before several times and right away I learned much of the true measure of this extraordinary Awdalian.

Here was that rare individual who is completely comfortable with himself and with others. No ego, no self-congratulations, just what I came to know was the real Awdalite I heard about. Honor, genuine decency, an honest desire for the good of all Awdalians, a practical approach and sound analysis to every challenge Awdal faces, unbounded optimism and a bright hope for the nation of Samaroon were all on his face.You can right away tell that his heart is with the average Awdal. He was steadfast and immovable in his principles and moral philosophy. He had an unwavering private faith in Allah, from which he drew strength and direction – Faacil alkheyr.His character was a unique combination of big picture vision, individual thoughtfulness, good humor and personal warmth.

I right away found out that he has the greatest love for Awdal and for Awdalians. No matter what walk of life, no matter what stature, he values every Awdalian and believes in their individual potential.In my conversations with him, he was unusually considerate of everyone. He gave me a tour of his business compound; offices and warehouses and in my observations in the mean time I found him working in harmony with all the people. I found him very friendly with who ever he comes accross. In the real sense of the word he is a very nice, generous person and there’s a lot we can learn from him.From those I spoke with about him; they told me that his story is a story of rags to riches. They all mentioned the fact that he achieved all the success through dedication and commitment.

 ”Mr. Iddriss M. Sacad does not look for shortcuts and loopholes. He builds his business legitimately” they all agreed. And that is exactly what I found him to be.I must salute Mr. Iddriss M. Sacad for the contribution he has made to Awdal, and the rest of the Awdalians must take a lesson from him. He helps/helped people without consideration of their cast, creed – truly remarkable characteristic, Mr. Iddriss is a very down to earth person who fits in beautifully with every person who comes accross.and is wise enough to see the opportunities Somaliland offers. His dedication and commitment to his work is a lesson that people in Somaliland in general and in Awdal in particular can all take from this great man’s life. story. He gives/gave employment to local people in both Borama and in Jedda. Unlike others, he dared to invest in his home land (Awdal). He changed the face of the capital of Awdal (my birth place) and made it a better and beautiful place.

Mr. Iddriss is truly a true icon in Awdal entrepreneurshipIskusoo wada xoori, the man I met in Jedda has all the charactersitics of a great leader.  Allahana u siyaadiyo.

Suleiman Abdi Dugsiye.