Asalaamu celeykum:Ilaahaybaa mahadleh.
Waxan umahadcelinayaa maddaalayaasha(hawlwadeenada) ururka Gargaar iyo inta taageerada uhaysa.Ururka Gargaar oo aan afkiisii ku hadlayo ka gudoomiye ahaan,horta dhaqan uma aha inuu saxaafadda la hadlo.Waxan odhankaaraa waa markii koowaad ee uu ururku saxaafadda la hadlo.Ururka halku dhegiisu waa “hadal yar iyo hawlbadan”,wixii uu qabanayo hor ilaahay uunbuu uqabtaa,magac iyo maaliyad midna ururku kuma raadsado.Taasna waxa kuu cadaynaysa mudada uu urukani dhisnaa waa sideeed sano,sideedaa sano sanadkasta alaabuu direyay,maantana waa maalintii koowaad ee uu saxaafada la hadlo.
Markastaba way iska jirtaa dhaliishu oo maamul iyo dhaliil lama kala waayo,sideedana qof waxqabta uunbaa wax qalda. Hase yeeshee qaladku wuu kala qaro weynyahay oo mid aan la qaadan karinbaa jira.23.Feb.08.Sabti 9:00 subanimo waxa Isbitaalka Boorama la keenay bukaan xaaladiisu liidato oo laga keenay deegaanka Ruqi ee degmada Baki ee G/awdal. Ninkan oo laga keenay miyiga, waxa waday oo cusbitaalka keenay ninkale oo ay qaraabo yihiin oo laftiisu miyiga degan oo iska daa inuu nidaamka dhakhtarku dadka uqaabilo fahmee dhinaca uu magaalada kaga yaal tilmaan ku yimid. Ninkii bukaanka ahaa oo ay xaaladiisu liidatay oo ku jirey xaalad deg deg ah markii uu waayey gargaarkii deg dega ahaa ee uu ubaahnaa wuxu ku qudhbaxay dhakhtarka hortiisa,xataa wuxu waayey sariir la dhigo intii uu xarbiyayey(emergency room).Kaaga darane markii uu dhintay wuxu meydkiisii bacadka sii yaalay saacado dhawr ah!!!.Cid ka damqatey iyo cid xil iska saartay toona ma jirin.
Dhacdadan naxdinta leh waxay ahayd mid layaab leh.Warkan oo ay daabaceen shabakadaha wararka ee Boramanews.com iyo saylac.com wuxu noqday mid in badan oo inaga mid ihi ay rumeysan waayeen in ay ka dhici karto cusbitaalka Boorame. Dad badan ayaa ku mormay oo yidhi: “malaha weriyuhu wuu khaldamay”, halka dadkalena iyaguna yidhaahdeen “malaha wuxuu isku khalday cusbitaalada magaalada Muqdisho oo sida aan ognahay markay buux dhaafeen ay dadku bannaanka daadsanyihiin intooda badanina ay u dhintaan daawo iyo daryeel la’aan”.
Haddaba maadaama uu ururka GARGAAR yahay kan deeqda ugu badan gaadhsiiya cusbitaalka, arrintaasi si gaara ayey usaameysay. Dad badan oo ururka ka tirsan ayaan seexanba habeenkaas, kuwa badan oo cadhaysan ayaa telefoon habeenkii oo dhan ii soo dirayeey iyagoo qaadan la’aa dhacdadaas naxdinta leh. Si aan haddaba u hubino sida ay wax u dhaceen waxaan la xidhiidhnay wariyayaal madaxbanaan iyo ilo kale oo muhim ah. Kaddib baadhitaan qoto dheer iyo daba gal ay saxaafada gobolku samaysay waxa soo baxday in arrintani dhab tahay oo sidii saxaafadu qortay ay wax u dheceen.
Arrinta aan qaadan weynay urur ahaan waxa weeye annaga oo hadh iyo habeenba u hawlan sidii uu cusbitaalku u noqon lahaa kan ugu qalab badan cusbitaalada dalka Soomaaliya oo dhan una hurnay maalkayagii iyo muruqayagii iyo wakhtigayagiiba, in hadana bulshadii aan sidaas ugu fikiraynay gidaarada ku dhintaan. Daawo la siiyo iska daa ee sariirihii aan ku soo dhabarjabnay raridooda een soo waarideynaybaa loo diiday in lagu jiifiyo oo nafta la oolin maayee inta saacadaha wakhtiigiisa ugu hadhan uu sariirta uu ku qaato.
Wax ay wariyayaashu sheegeen in markay dhakhaatiirta indhuhu yimaaddaan dadka waadhadhka laga saaro oo dibada ladhigo, waana run arrintaasi oo dadka indha loo jeexaayo dhaqaale ayaa ka soo gala cusbitaalka. Waana sababta dhalisay in marxuunkaas loo diido sariirta. Ma xuma in dhaqaale la abuuro inkastoo hab khaldan oo naxariis darro ah lagu abuuraayo dhaqaalaha,laakiin waxa dhakhtarka loo sameystay waa dadka bukaanka ah in la dhigo laguna daweeyo.
Markii aan ogaanay arintan waxan isku daynay si aan dhibkaas u yareyno,waxan sinnadkii kal hore(2007) iibinay shiraaqyo qiimahoodu ku kacay 4.000 $, kuwaas oon ugu talagallay in dadka waadhadhka laga saaraayo la jiifiyo. Dhakhaatiirta ka hawlgasha cusbitaalka ayaa ku doodaya, sida baadhitaankii aan soo sameynay ka muuqato in marxuunkaas sariir loo waayey, cusbitaalkuna ay buuxdhaafiyeen dadka indhaha loo qalo oo saddexdii biloodba mar yimaadda cusbitaalka Boorame si indha loogu qalo. Ayaase ku qanci kara doodaas aan qiimaha lahayn ee dhakhaatiirku ku andacoonayaan ?
Ururka GARGAAR sinaba uga degimeyso in qof cusbitaalka Boorame la keenay ay sariir la’aani hayso.Cusbitaalka Boorama waxa u yaalla sariiro kayd ah oo ku filan illaa10 sano ee soo socda. Maamulka cusbitalkuna waxay noo sheegeen in ayna wax siriira oo dambe u baahneyn. Waxa kale oon aad iyo aad ula yaabnay haddiiba ay dhacday in waadhadh la buuxshay, aaway shiraaqyadii aan dirnay éen 4.000 $ siinay maxaa iyagaba loo geynwaayey haddii qolalku buuxsameen.
Cusbitaalku wuxuu ku shaqaynayaa daneysi iyo weliba damiir la’aan. Waxaana caddaatay inay kolba kii jeeb roon uun ay sariiraha ka kiraystaan, dadkii danyarta ahaana ayna waxba u hayn. Waxaana waliba inagaga darraan lahaa xaga Sumcada ninkaas oo meel kale ka iman lahaa oon Awdal ahayn ceebtaasi waligeed inagama hadheen waa la faquuqay ayuunbaa la odhan lahaa. Illaa intaan ogahay ceebtan oo kale kama dhicin cusbitaalka, xitaa markii uu dagaalkii sokeeye dalka ka socday oo dhaawucu buux dhaafay shaqaaluhuna intan ka yaraayeen. Waxaanan u maleynayaa in maamulxumo ay cusbitaalka ku hafsatay iyo weliba wada shaqayn la’aani baahsan, taabaana keentay indadka laysku tuurtuuru ooy darbiyada hoostooda ku qudh baxaan.
Waxa dhawaan la doortay guddi caafimaad oo laga soo xulay bulshada qaybaheeda kale duwan kuwaasoo shaqadoodu tahay inay la taliyaan masuuliyiinta caafimaadka ee cusbitaalka, iyo weliba ilaalinta xaquuqda dadweynaha. Guddidaasi illaa hadda wax hadala lagama hayo, meel ay mareenna waa la laayahay. Waxaanse filayaa damiir la’aan uun bay la aamusanyihiin oo kama damqanayaan waxa dadweynaha kale ka fajiciyey. Mar uu weriyaha Shabakada Sayac.com mudane Daahir A.Jirde wax ka weydiiyey qaar ka mid ah gudigaas sida ay u arkaan dhacdadan iyo waxa ay ka ogyihiin arrintan waxay ku jawaabeen sidatan:
”… Arin khaladay ahayd” iyo qaar yidhi ” Wadka lama oolin karo” qaar kale ”Mashquulbaa la ahaa, iyo wax lamida”
Ururka GARGAAR magaciisaaba gargaar ah,wixii uu dadkiisa uqabtayna kama shalaynayo, wuu ku faraxsanyahay, ugumana manna sheeganayo, shakhsiyaad gaarana ma dhaliilayo ee wuxu saluugay habmaamulka cusbitaalka iyo hagrashada ka jirta. Ururka Gargaar wuxu doonayaa in dadka jilicsan ahmiyadda koobaad la siiyo. Qof bukaan ahbaa sariir la dhigo loo waayey ma qaadan karo ururkani. Sariiraha cusbitaalka Boorama yaala waxan odhan karnaa ma yaalliin Soomaaliland oo dhan, ammaba an idhaahdo inta af soomaali lagaga hadlo oo dhan, waxa kale ood ogtiin curyaamiintii gobolka oo dhami in ay gawaadhi casri ah bilaasha ay wada wataan taasoo dhammaanteemba niyadsami iyo farxad aan la soo koobi kareynin inagu abuurtay dhammaanteen inta dibedda deggen iyo inta dalkii deggenba.
Ururka GARGAAR wuxu warsaxaafadeedkiisa ku soo gaba-gabaynayaa Sidatan:
Ururka GARGAAR ma hakin doono gargaarkiisa wuxu halkiisii ka sii wadi doona u adeegidda bulshada dayacan ee dawlad u maqani jirin. Foolxumada cusbitaalka Boorama ka dhacdayna waxba ka beddelimeyso himiladiisa. Wuxu uheegnaan doonaa oo uu hadh iyo habeenba u fekeridoonaa dadkiisa iyo dalkiisa. Maamul xumada cusbitaalka sidii wax looga qaban lahaa waa mid bulshada utaalla.
Anoo fursaddan ka faa’iidaysanayaa waxaan halkan hambalya iyo boogaadin uga dirayaa ”ururka warfidiyeenada gobolka Awdal”, kuwaasoo mutaystay in la is garabtaago. Kuna amaanan sida hagarla’aanta ee ay wararka u soo qadimaan una gaadhsiiyaan adduunka dacaladiisa oo dhan. Iyaga la’aantoodna fadeexaddani marnaba ma soo shaahbaxdeen.
Nabad iyo caano
Xasan Muuse Subagle (Samarroon)
Guddoomiyaha GARGAAR
Aarhus, Denamrk



.