Galbayeey Yaa Idin Matali (BY: Isniino Maxamad)

GABAY (First Class)

Galbayeey Yaa idin matali, Gabi Ahaantiinba – By : Isniino Maxamad (Marwo reer Boon Ah). !

Asalaamu caleykum dhamaantiin.

Marka xigana waxaan halkan uga tacsiyeynayaa, EHELKII IYO QARAABADII UU ADEERO XASAN SHEEKH MUUMUN kategay. Waxaanan ilaahay uga bayayaa inuu samir wanaagsan kasiiyo isagana naxariis iyo dambidhaafsiiyo Amiiiiiiiiiin.

Waxaan baryahanba la socday siday wax u dhaceen siduu u geeriyooday,sidii loo aasay iyo sidii loogu ooyay intaba. Waxaanse ka yaabay sida aan wax xusuusa loogala hadhinba taasina waa ceeb iyo ciil eedana Gadabuursigaa iska leh. Nin qiimo leh oodhanba cidiisaa qadarisa inaguse xataa halkuu ku dhashay baaban garanwaynay oon Boorama ku sheegnay halkuu Saylac kaga dhashay.

Mida kale wuu udhashay Amaanta ee uma dhimanin intuu noolaa baad amaani lahaydeen taasna watan an idiin idhi.

GADABUURSIYOOW goohday, oo gees waliba eegtaye
Geed baad iskugu soo baxdeen, guuxna iniga yeedhye
Geestii haween kaad malaha, garab ka waydeene
Gabaygani ad raad-raadiseen, gabi ahaantiinba
Gamboolay miyaad kaba fisheen, inay garanayso?.

Walow ayna gaar inii ahayn,  geeridani timiday
Garabkay kuwada jiiday, soomaali gidigeede
Hadaanse godkii dhalashadiyo, eegno gurigeena
Garaad baa idinka tegay, iyo ninay garato taariikhduye
Gabalbaa idiindhacay, si ad ugaba gudubtiine
waa gooro hore oo tegiyo, waxaydaan gaadhaynine

Waad gunaandeen aasna, waad gabagabayseene
Gabi waad u oydeen, warkuna is gaadhye
Gadhmadoobe iyo wiilyarbaad, gabayo tiriseene
Samaroon iswada giijiyoo, geesi wada noqoye !
waadse garani waydeen, waajub kaad gudan lahaydeene.

Geeridu xaqweeyaan, waana goor waliba jooge
Xasana god wuu gali lahaa, goor ay noqotaba’ e
waxa gocashada iniigu wacan, gama’a idiin diiday
Hadii aydin garanayn, anaa idin gawaaqsiine
gambana hanoqotee, xusuus kamaydin guntane

Haduu geesiba idiin dhashoo, guule idin siiyo
Ama uu abwaan gabay tirshaa, golaha idinla joogo
Ama sheekh ducadu gaar utaha,  galaba reerkeena
Goobaha intuu joogee, talo uu gorfaynaayo
Gadiisii masoo reebataan, wax adku gama’a daane
Goortuu dhintaad sooqortaan, gabayo dhaadheere
Gubaa idinka dhacay reertoloow, ceeb kama gilgilataane.

Ninkii geeyey magiciina, meel cidiba gaadhaynin
Gobolkaad lahaydeen ninkii,  galiyey taariikhda
Gurmadkii wadaninimo ninkii, goolka hore dhaliyay
Gadabuursibaan ahay ninkii, goorwalba ku faane
Guubadiisii ninkay, galabta idin hagayso
Galbayeey ayaa idin matali, Gabi ahaantiinba.

Gobanimo u dirirkii ninikii, soo gabani waayay
Garaad lama dhaxlee ninkii, gade inii tooshe
Gardaraba hadii laydinu dayo, cid idin gaadayso
isagoonan gubanayn ninkii gabay, wax ugu sheege
God madow hadaa laguridoo, wada gariirteene
Galbayeey ayaa idin matali,  Gabi ahaantiinba.

Bal hada eega hadana waa gafkale,  waxan igubayiye
Garoo nyar ooloogu magacdarayna, waa cad uuna gayine
Abaalkiisu wuxu goynayaa, gobolka oo idile
Hadaadse u garateen, inaan gees umaamuusno
Gaar taallooyin loogu dhisuu, galabsaday Xasane

By Isniino Maxamed

Email: isniino2@hotmail.co.uk 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.