INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Waxaynu si weyn uga tiiraanyaysanahay ugana tacsiyaynaynaa geerida ku timid walaalkeen Marxuun CABDI BUUX oo ku geeriyooday Djibouti.
Ilaahay korreeye waxaynu uga baryaynaa marxuunka inuu ka waraabiyo naxariistiisii Janno, ehelka, qooyska iyo dhammanteenna innaga siiyo samir iyo Iimaan.
Waxaynu tacsidan si gaar ah u gaadhsiinaynaa Xaaskii uu ka tagay marxuunku oo ah ,walaasheen Khadiija Muxumad Sacad, iyo carruurtiisa, iyo dhammaan ehelkiisa.
Tacsidan waxa diraya Dhamman Qooyska reer Caateeye Faahiye, meel kasta oo ay adduun weynaha ka jogaanba.
innaa lilaahi wa inaa ilayhi raajucuun,
noole waa dhintee, waxaa shalay oo bishu ahyd 7/7/008 lagu aasay marxuum, cawaale warsame xoosh,
oo habeenimadii isniintii ku geeriyooday Boon, lana aasay subaxnimadii isniinta ahayd,
waxaan ilahay uga baryaaa in uu ilahay jannadiisa ku martiqaado,
intii uuka tagayna samir iyo iimaan kasiiyo,
maanta waa aduun barrina waa akhiree,
ilahyow dawgsan nagaransii,
anagana nagu garansii ujeedada geerida, iyo xikmada ilahay ka leeyahay, amiin aamiin aamiin