Awdal Iyo Aw-Daahir.!
March 13, 2008 Leave a comment
Awdal Madaxweyne Rayaale ma dacweyni kartaa???- BY: Dugsiiye.
Maqaal war oon dhawaan akhriyey buu cinwaankiisu ahaa: “Us towns issue warrants to arrest Bush, Cheney…”. Indhaheyga oo jeclaadey cinwaanka ayaan sii akhriyey. Sidan buu hordhaciisu u qornaa:“Mar.06 WASHINGTON Voters in two Vermont towns on Tuesday approved a measure that would instruct police to arrest President George W. Bush and Vice President Dick Cheney for “crimes against our Constitution,” local media reported.
“Vermont” baa ku horeysee, kol hadii la dacwiyaayo, Nin dacwiyey dantii hadale anigaa u diyaaree akhristow bal dacwadeyda u fiirso.
- Balan baa u dhaxeysey Awdal iyo madaxweyne Rayaale. Heshiis baa lagu gaadhey in la doorto oo kursigaa dalka u sareeyo Rayaale ku fadhiisto, isna uu balan qaado inuu distoorka dib u habeeyo oo Awdal xaqeeda usoo saaro – kuraasta barlamaanka iyo guurtidaba. Awdal Balantii wey sameysey oo wakaa Madaxweyne Rayaale aduunka u sareeya. Heshiiskiise ma fulin madaxweyne Rayaale oo Awdal wali 13kii kursi ee barlamaanka iyo halkii xubin ee guurtida ayey ku dhagantahey, wax isbadal ah oo soo muuqdina ma jirto. Fulin la’aanta uu fulin waayey Madaxweyne Rayaale balantaas nuqsaan badan bey u keentey gobolka Awdal iyo gunnimo. Balani waa qaaliye,
Awdal ma ku dacweyni kartaa Madaxweynaha dhibaatada uga timid balan jabintiisa?
-
Madaxwenaha dowladiisu waa iney matashaa qabiilooyinka wadanku ka koobanyahey. Tirada jagooyinka sarena waa iney ka qiyaas qaadataa qabiilooyinka (proper representation). Dowlada (cabinet) madaxweyne Rayaale kuma sargoosna tirada qabiilooyinka Somaliland. Waana wax lawada ogsoonyahey ineyna Awdal heysan xaqeeda. Taasi waa arin ka timid madaxweynaha, eedeedana iyo dacwaduna isagay dul taalaa. Sidaas darteed,
Awdal ma ku dacweyni kartaa Madaxweynaha xaqeeda wasiirada iyo maamulka sareba ee ka maqan???.
- Madaxweyne Rayaale wuu wada siyaartey intuu jagada hayey gobolada kale. Walise cag ma saarin gobolka Awdal. Taasi waa takooris iyo muujin ineyna qorshaha ugu jirin madaxweynaha gobolka Awdal. Awdal oo ah tiirka u weyn ee jiritaanka S/land, hadii uu madaxweynuhu iska diidey
Awdal maku dacweyni kartaa madaxweynaha horseedka uu u horseedey in Awdal gooni looga xidho dalka intiisa kale???
-
Dowladu waa iney u sinaataa dadkeeda. Cidii gurmad u baahana loowada gurmadaa. Madaxweyne Rayaale isagaa afkiisa kaga dhawaaqey in Laascaanood loo gurmado, la gargaaro oo la difaaco. Ku xigeenkiisuna waakii ku dhawaaqey in la gargaaro abaaraha gobolada kale. Midkoodna kuma dhawaaqin mana soo hadal qaadin in la gargaaro dadkii reer Awdal ee duufaanadu ku dhaceen. Waxa taasi u dheer in ganacsi laga bilaabo oo dadkaa tabaaleysan dawadii laga iibsho. Taasi waa dad iyo gobol takoor. Waana distoor ku gafid.
Awdal maku dacweyni kartaa Madaxweynaha iyo dowladiisa gobol takoorka iyo daayaca loo geystey Awdal???
-
Wufuuda dalka timaada iyo hay’adaha samafalka markey rabaan iney Awdal tagaan waxa lawada ogsoonyahey iney wakiilada dowladu u sheegaan iney Awdal tahey “Red Zone” oo aaney ka kafaalo qaadeyn nabad galyadooda. Taas oo looga dan leeyahey in Awdal la takooro ooney arag indhaha dunidu. Taasina waa gobol takoor iyo Awdal oon lala rabin mucaawino iney ka hesho dadyowga dunida ee qarafadaba siinaya S/land. Waa ceebeyn iyo been ka sheeg loo geysanayo gobolka Awdal. Waa distoor jabine
Awdal ma ku dacweyni kartaa Madaxweynaha iyo dowlada uu masuulka ka yahey ceebaha la marmarinayo Awdal?.
-
Waxey Dilla ka mid aheyd degmooyinkii uu magacabay (AU) Cigaal sida Salaxley iyo Bali gubadle. Waxaan ogsoonahey in degmooyinkaas (Labada danbe) wasaaradda Arimaha gudaha iyo kommishanka doorashoyinkuba ay ku soo dareen liistooyinkii gobolka Hargeysa, hase yeeshee Dilla laga reebay Gobolka Awdal. Taasi waa qabyaalad cad oon meela lagusoo gaban iyo kibir iyo waliba anigaa boqora oo waxaan rabo uunbaa socon. Taa waxa ka horeysey dagmooyinkii Lughaya ee moranka ay galiyeen. Waar sidane gumeysi ka badane malaha waa dabargoyn. Waa distoor jabin iyo Awdal diide,
Awdal ma ku dacweyni kartaa madaxweynaha iyo dowladiisa dad iyo dal baabiiska?.
- Waxaan xasuustey waalid bari hore ku dacweeyey inankiisa daayac uu daayacey iyo inankoo garan waayey abaalkii waalid lahaa. Garsoorihiina uu aqbaley oo u raacey dacwadii waalidka. Waxaan uga danleeyahey, Awdal inankeeda kursigaasi ay saartey waa madaxweyne Rayaalee
ma ku dacweyni kartaa daayaca iyo magac xumida ka heysata. Awdal ma ku dacweyni kartaa xaqeeda ay ku weydey Rayaale baa madaxweyne ah?
- Shicibku waxey xaq ugu leeyihiin madaxweynaha inuu ka difaaco oo uu ka ilaasho dhaca iyo maamul xumida iyo dacatiga iyo kibirka loo geysanayo. Madaxweyne Rayaale kol hadii uu ka aamusey cadalaad xumida iyo dacatiga loo geysanayo gobolka, Awdal ma dacweyni kartaa???
Intaa kor aan kusoo sheegey iyo in kale oo badan oo gaf iyo distoor jabin ah oo Awdal loo geysteyba wey jiraane:
Hadey “Vermont” ku dacweysey madaxweynahooga distoor jabin, miyeyna Awdal ku dacweyn karin Rayaale iyo dowladiisa danbi laga galey distoorkeena iyo maamul xumo??? In addition …
Can Awdal vote and approve a measure that would instruct Awdal police to arrest President Rayale and his vice president for crimes against the Somaliland constitution,and calculated crimes against the people of Samaroon???
Iskusoo wada xoori, sidey aniga ila tahey, dacwad baa inooga banaane bal “Vermont” aan su’aalo garsoorihii dacwadooda dhageystey si aan teena ugu dhiibno!! Hadaan dacwadaa ku reyno waa in Booliiska Awdal soo xidhaan madaxweyne Rayaale iyo wadaadka ku xigeenka ah.
Midna waa iga xasuuse, hadii tol la yahey Samaroonow gudida loo xilsaaro iney xakumaan waa in la igu daraa!!!!
Suleymaan Cabdi Dugsiiye
douksi@warsanmag.com