Waar Buslhadu Goormay Waalatay? - BY: Xasan Muuse Subagle
Waxaan halkan ka salaamayaa akhristayaasha sharafta leh, ee ka fayow cudurada iyo jeermista casriga ah ee siyaasadda inagu cusubi ay dhalisay. Taasoo waayadan xawaare aad u sareysa ku socota. Qabyaaladdu awalba way jirtay oo wax inagu cusub ma ahayn, sidanse way ka duwanayd waxayna ahayd mid la fahmi karo ujeedada dhalisay, xalkeedana la heli jiray maadaama la garanaayo sobodbta keentay.
Waxaadse hadda mooddaa in bulshadii ay wareertay oo kii aad wax ka sheegtaa amma aad dhaliishaa aw qaylo afka daloolinaayo isaga oo ku qaylinaaya: tolla’ayeey, qabiilbaa laygu dilayaa ee tolkayoy ii gurmada isla markiiba dad aanad aqoon u lahay aad se mooddid inay cadaawad xuni inni dhextaallay ayaa cay kuu soo miisaya. Kuwii aad wax ka sheegtay la garay laakiin kuwan meesha iyo ka socdan la ogeyn maxaa waalay?
Haaddii aan u jeedadayda u daadago, illaa intii uu urur GARGAAR soo saaray warsaxaafadeedkii ku saabsanaa fadeexaddii cusbitaalka Boorame, cabashooyinka, cayda iyo aflagaadaduba way is dabajoog. E-mailadaasoo dhamina qabiilo ayey weerarayeen, isla markaas qabiilo kale ayey difaacayaan. Annaga yaabkii baa naga dhammaaday waxaanan la yaabannahay dadku waxay ka hadlayaan oon fahmi laanahay, iyo weliba cidda ay la hadlayaan.
Annagu Urur ahaan haddaan aragtidayada ka dhiibanay dhacdadii naxdinta lahayd ee cusbitaalka Boorame ka dhacayday ma Xashkii baan gubnay mise qabiil baan si gaara wax uga seegnay. Waxa kaliya oon dhaliilnay shaqaalaha cusbitaalka’e, mise shaqaala cusbitaalka oo dhami waa isku wada qabiil oo anaguna qabiilkaas ayaan ka wada horjeednaa ? Annagu jawaab uma haynno arrimahaas aan kor ku soo sheegay ee dad weyna ayaa ka jawaabi.
Laakiin waxaan dadweynaha ku qancinaynaa in Urur ahaan aan ka fayownahay cuduradaas cusub ee naga dambeeyey ee bulshada ku hafsaday. Ururka GARGAARna wuxuu kulmiyey dhammaan reer awdal oo dhan: Jubuuti illaa Gabiilay, Lafa Ciise illaa Lughay, nagamana suurtowdo inaan qabiil reer awdal ah si gaara farta ugu fiiqno. Annagu wax ha toosisiin iyo damqasho ayaa hadalka naga keentaye haddiise dhan kale loo duway afkayagii waan xidhannay illaa intay bulshadu bogsanayso haddaan nahay ururka GARGAAR.
Xasan Muuse Subagle
Guddoomiyaha GARGAAR.
Email: xasan64@hotmail.com