Qofkii u leh aqoon fiican Xasan Muuse-Ilkoole, ayuunbaa dareemi karaya halka uu ka hadlayo Xasan iyo muhiimada iyo miisaanka uu hadalkaasi leeyahay. Waa nin aanay jirin wax uga sokeeya Awdalnimo wax uga shisheeya mooyiye, oo aan waligiis dib u jeesan inuu horey u socdo mooyiye. Dadkana wuxu moodayay inay sidiisaas wada yihiin, laakiinse imika ayuu kusoo anbabaray inay jiraan kuwo ‘fana-ka cuudu-billaysan’.!
Waa wax aynu filaynay in marka dad hagaagsan hadlaan ee daacadnimo iyo niyadsamaan wax u canaantaanba ay qaar canaasiir ahi oo koob shaaha caddayni Karin, meelahaa kasoo yoo-yoontamaan. Waanan ka xunahay, oo waliba waynu ka qammuunyoonnay, inuu guddoomiyaha Gargaar Mudane Xasan Muuse Subagle oo hiil iyo hooba ugu hagar baxay dadkiisa kusoo baraarugo oo dareemo dadkan wajaqsan ee jaha wareeray.
Xasan, uma baahna in laydiin sharxo oo laydin baro, oo haddaan idin idhaahdo odaygu wuxu Adeer labaad u yahay Aabahay, oo waa Awoowgey an waliba isku guri kusoo wada kornay, noqonayna walaalo rumaad. Iyo haddaan idin idhaahdo waa Oday Samarroon Siciid ah. Xasan wuxu jeclaan lahaa inaan ku daayo midda danbe ee Samarroon Siciid oo kaliya. Huunno, hadalkaasi maydin deeqay mise waan idiinku celiyaa.!
Magaca ururkiisa GARGAAR, iyo magaca isaga loo yaqaano, oo ah SAMAROON, ayaa idiinku filan barasho. Isagana idiin weydiin mayno inuu isku kiin sharxo haddeed, oo sidaa uu codkiisa ku xidhay ayaan anaguna ku dhiirri galinaynaa inuu juuq iyo jufuq danbe idiin celin. Hadal yar iyo Hawl badan ayaan ku ognahay Xasan Muuse Subagle(Samarroon). Halkaagaagaasna ka wad ayaannu lennahay himilada GARGAAR; hagoog xumana yeelkadiisa.
Kuwa Xasan Muuse magac qabiil ku caayay, ama magac qabiil u hadlaya. Kuwaasi waxaynu u shegaynaa Xasan, inay yihiin mid iyo labo qof oo kaliya, oo ah dadka magacdooda qariya ee wajiyada badan, oo iska dhiga dad badan, anaguna waan naqaanaaye noo soo dir emailadooda. Ma sheegan karaan reer Boorama, mana sheegan karaan reer Awdal iyo Samaroon toona, iyo xitaa qabiilooyinka iyo qooysaska ay u hadlayaan, xitaa mana sheegan karaan magacooda saxda ah oo buuxa, oo waa fulay (Cowards) daaha dabadiisa kasoo hadla. Waa kuwo beri hore la raad qaaday, oo lagu tafaafulay Waraabayaasha Hargeysa lagu gawraco, oo siyaasadaas Hargeysina waashay.
Hadaba Xasanoow, kolley waxan hubnaa in dadka intii wanaagsanayd kuusoo hambalyeeyeen kuuna og yihiin dadaalkaaga hor Ilaahay ad ugu hagar baxday. GarGaar la’aanteedna Cusbitaalka Boorama lama arkeen, curyaamiinta Awdalna baabuur kuma carareen. Hambalyo noogama baahnid iyo abaal marin toona, oo xaga Ilaahay ayaad ka helaysaa. Hawshaadana halkaas ka wad, oo Allaha kugu garab galo.
Ummaddeenuna ogsoonoow ma wada waalnee. Awoowo Xasanoow bushada, badh yar uun baa la baabay beri hore. Kuwaasina way is ogyihin, Ilaahayna wuu ogyahay, Ummaduna way ogyihiin, oo dhawaan CALAAMAD lagu garto ayaana kasoo bixi doontee la soco.
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
HiilDanExpress