Gobolada Iyo Degmooyinka Cusub, Maxay Soo Kordhin Doonaan- By: Xadaari
Sidaynu lawada socono Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahim wuxuu shalay oo bishu ahayd 22/03/2008 ku dhawaaqay Gobolo iyo Degmooyin aad u badan oo aynu odhan karno waxay kor udhaafeen tiradii ama xadigii loo bahnaa marka loo eego waxtigan xaadirkaa waxa uu ku suganyahay dalku.
Dalku waxa uu kusugan yahay xaalad aad u qatar ah xaga siyaasada dhaqaalaha iyo xaalad abaareed oo soo food saartay dalka dhamaan waxa ka dhacay abaaro ba an Gobolo ka mid ah dalka cid ka hadashay iyo wax loo qabtay midna majirto iyada oo ay sidaa tahay waxa aqliga fayow diiyadaa in maanta wadanka laga magacaabo Gobolo iyo Degmooyin looga goleeyahay dano siyaasadeed. waxaase iswaydiin mudan bulshada rer Somaliland ma udantahay maga caabistan Goboladan iyo degmooyinkan cusub wakhtigan xaadirkaa marka loo eego xaga dhaqaalaaha xaga siyaasada??
Ayada oo aynu taasi ka warhayno xaalada dalku kujiro guud ahaan ayaa waxay ku soo beegantay ku dhawaaqidan Goboladan iyo Degmooyinka cusub dadka siyaasada odorosaa waxay saadaalinayaan in ay meesha ku jirto siyaasad xirfadaysan oo danagaara leh sidaasi awgeed aysan doorashaba ka dhacayn dalka oo sidaasi ugu xalaalowbi doonto xisbilxaakimka Udub iyo Daahir Rayaale in ay sii joogaan.
Hadaba waxaynu ku eegaynaa ku dhawaaqidan Gobolada iyo Degmoyinka cusub labo siyaabo midka ay xanbaarsantahay.
Waa mida horee waxaynu odhan karnaa ayada oo dalka guun ahaan looga diyaar galoobaayo doorashooyinkii golaha degaanka iyo tii madaxtinimada oo dhici doonta bilaha fooda inagu soo haya in madaxwayne Rayaale uu rabo in uu ku kasbado shacbiga rer Somaliland si uu codad badan uga heli lahaa markii uu arkay madaxwaynuhu in bulshadu ka hoosbaxday oo axsaabta mucaaradku kaga badsheen kasbashada bulshada oo aynu odhan karno waxa maanta lagu qiyaasi karaa inta taageerta xisbilxaakimka Udub tiro aad u hoosaysa marka loo eego taageeradii badnayd ee uu haystay doorashadii horee madaxtinimada ee Daahir Rayaale ku soo baxay sanadkii 2003.
Waa mida labaade marka uu arkay madaxwayne Rayaale in sikale uu san kula tartami karin axsaabta mucaaradka in uu rabo in bulshada rer Somaliland jaah warer ku abuuro oo aw madaxa isku galiyo ama dagaal galiyo taasi waxaa laga yaabaa in ay u horseedo dalkan Somaliland burbur horleh bulshada rer Somaliland waa bulsho dhawaan ka soo laabatay dagaalo sokeeye oo aan wali u bislaan axsaab iyo dimuqraadiyada sidaaa daraadeed ubaahan in ladhowro waxyaabo badan sida degaanada oo ay bulshado wali fahmin wax wada qabsi iyo istaa geersi oo qolaba qolada kale aysan rabin in ay xukumaan taasi ayaa keeni karta in dalku galo mubdi badow marlabaad.
Sikastaba ha ahaayee bal waxaynu ka warsugnaa waa sida bulshada rer Somaliland u qaadato arintan.
Cumar Maxamuud Qayaad (Cumar Xadaari yeman)
xadaari_1@yahoo.com