madax weyne timirtii hore ayaa loo dab laaya’ay
Waa hubaal in magacaabista gobolo ayna ahayn mid ku uguba taariikhda aduunka iyo tan soomaaliyeedba laakin la soo arkay siyaabo kala duwan oo ay ku dhafanaayeen dareemo iyo fikrado kala duwanna lagu soo kala qaabilay.
Hadaba magacaabista goboladu maaha mid fudud si fududna loogu dhaqaaqi karo laakin waa mid u baahan :
1) Baroosin adag iyo maskax lishaan toosan iyo indho indhayn qoto dheer
2) U kuur galid cilmiyaysan iyo daraasayn xaalada dalka iyo duruufaha dhaqaale iyo siyaasadeedba
3) Samayn odoros indheer garadnimo oo ku wajan xaaladaha ka aloosmi kara yaqleelida iyo magacaabista gobolo cusub
4) Ka fikirid si xilkasnimo kaabayaasha iyo ilaha dhaqaale ee udub dhexaadka u noqondoona gobolada iyo awooda bixinta ka bis dhaqaale ee dawlada
5) Is barbardhigid abdada,aqiibada,waxtarka iyo xasilooni darada iyo cawaaqib xumada ka iman karta kutalaabsashada iyo magacaabista gobolo cusub.
Runtii marka aad fiirsato xaalada dhaqan dhaqaale iyo doorashooyinka fooda inagu soo haya iyo duruufaha ku gadaaman iyo shaqo la’aanta, tahriibka dhalinta, abaaraha ku habsaday qaybo ka mida dalka iyo magacaabista gobolodan cusub iyo iyada oo timirtii horeba loo dablaayaha. Ayaa waxa ay u muuqdaan kuwo wakhti xaadirkan aan isla jaanqaadi karaynin sobabtoo ah doorashadu waa arin ahmiyadeeda leh iyo culasykeedaba, caalamkuna indhaha ku hayo una baahan in loo sameeyo googol xaadh hufan oo waafiya iyo xasilooni bulsho iyo mid siyaasadeedba
In kasta oo madaxweyne Daahir ku amaanaa dulqaad,taxadir, xilkasnimo dheeraada iyo dhowrida nabada iyo xasiloonada ayaa hadda u muuqdaa in dulqaadkii iyo wax xeerintii kolka gabaabsi noqonaayo amaba u muuqda in hanashada kursigu iyo damaca siyaasadeed ka sayid calaysay oo ay baal marisay tubtii iyo hilinkii siyaasadeed ee uu ku hawl gali jray, sikasta ha ahaatee taladan ku dhawaaqida ayaa lagu tilmaami karaa ama u eg mid aan mudo badan laga baaraan degin sobabtoo ah:
- Baahida gobolada intooda badan oo aan la daboolin
- Adeegyada caafimaad iyo waxbarasho oo gobolada qaarkood liita
- Gaabis iyo kobcin la’aan ilaha dhaqaale ee gobolada dalka
- Moran ka taagan xuduudaha degmooyinka iyo gobolada qaarkood
- Dawlada oo aan awood u hayn daboolida kharashaadka goloda cusub
- Nolosha dadka iyo mishaarka dawlada oo hooseeya
Gagabadii ma fududa in jawaab sugan si fudud loo helaa sobabta keentay magacaabista gobolo cusub xiligan haddiise aan laga tagin waxa loo arki karaa beer la xawsi iyo qorshe loo dajiyay ollolaha doorosho ee wakhtigan balse waa la ogaandaa doorka ay ku yeeshaan dabaylaha siyaasadood iyo baaxaa degooda
Qalinkii iyo qormadii
Khaddar Abdi Khaire
khadarcago@hotmail.com
Dhaka,Bangladhesh