Af-Lagaadada Lagu Hayo, Diinta Islaamka – By: Subagle.

Waar bal eega nacaybkii diinta ISLAAMKU Meeshuu Maraayo !
Waxaan halkan ugu soo gudbinayaa aristayaasha qiimaha leh meelkasta ooy joogaanba, arrin la yaableh oy waayadan dambaba warbaahinta reer galbeedku ka hadlaysay.
Waxa dalka Holland lagu sameeyey fil ceebaynaya diinta ISLAAMKA, kaasoo uu sameeyey nin siyaasiya dalkaasi u dhashay kana tirsan xildhibaanada dalka Holland, magaciisana la yidhaahdo GEERT WILDERS. Filimkaasoo buuq aad iyo aad u badan ka dhaliyey dunada islaamka iyo wadannada yurub intaba. Filimkaasoo la yidhaahdo “FITNA”  ayaanan la filaynin in hal telefishan oo keliyana lagu soo qaadan doonin dalalka Yurub. Laakiin filimkaasi oo maanta soo baxay ayaa isla markiiba shabakadaha yurub si deg deg ah ugu faafay, gaar ahaan kuwa ururada xag jirkihi leeyihiin.
  • Filimkaasoo ah dhacdooyin la soo ururiyey sida kawa ka dhacay  Ciraaq, Afganistaan iyo weliba tii Soomaaliya ka dhacday ee askariga mareykanka meydkiisa suuqa Muqdisho.
  •  Waxa kale oo iyadna la soo ururiyey wax alla wixii suurad quraana ka hadlaysay jihaad lagu qaado gaalada iyo Yuhuudda.
  • Waxa kale oo iyagana lagu soo darey maxaadarooyin ammaba qudbado  jimce iyo waxyaabo kale oo badan oo laysku geegeeyey.
Arrinta aniga shaqsayan itaabatay kaddib markaan arkay filimkan yar oo 16 daqiiqo soconaayo, waxa weeye nabigii suubanaa nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo BOM madaxa loo saaray. Sawirkaas BOMKA ayuuna filimku ku bilaamayaa kuna dhammaanayaa. Sawirkaas wuxuu ka mid yahay 12 sawir deenishku sawireen ee nabiga lagu aflagaadeynayey nnk.
Hadal iyo dhammaan;  waxaad fililmkaas ka heli kartaan halkan: www.siad.dk
Xasan Muuse Subagle

Tuulada QULJEED, Ha Isku Dhiibto Degmada BOON.

Tuulada QULJEED, Ha Isku Dhiibto Degmada BOON. !!!

Sida qaalibka ah, degmada Boon waa degmada ugu caansan gobolada Woqooyi Soomaaliya iyo xitaa Soomaaliyeedba . Maxaa yeelay waa degmo laga heli karo qabiil kasta iyo qooys kasta oo ku dhaqan dalka Soomaaliyeed. Tusaale,  Boon waxa laga heli karaa Oromo, Canfar; Daarood, Hawiye; Samaroon; Ciise. Dad timo cad iyo dad timo cas, kuwa tima jilicsan iwm. Kuwo madoow sida sabuurada iyo kuwa cad sida nuuradda intaba Boon waa laga heli karaa.  Waa degmo mucjiso badan una qalanta inay iyadu kalideed isku taagto gobol.  Degmada Boon waxa hoos yimaadda tuulooyinka kala ah:

  • Ceel Baxay
  • Aroorseel
  • Xariirad
  • Habaas
  • Cabdulqaadir
  • Jidhi
  • Wadajir
  • Sheekh Awaare
  • Fiqi Aadan
  • Dabad-dillac
  • Dhagaxmadow
  • Xaliimaale
  • Weeraar
  • Cadaad
  • Hangari
  • Gargoorrey
  • Sac waraabis
  • Abbase
  • Iyo qaar kaloo badan, iyo qaar kaloo badan……………………..!!

Hase yeeshaa, maadaama haatan laga dhigay Boon inay noqoto caasimada labaad isla mar ahaantaana ah caasimada maamulka ee gobolka SALAL. Waxa suurto gal noqotay in Xariirad iyadna degmo la siiyo si Boon culayska badan ee tuulooyinka hoos yimaada looga yareeyo. Dhawr tuullo ayaa u wareegi doona xagga XARIIRAD, inkastooy dhammaantoodba ku xidhnaan doonaan BOON. 

Hadaba nuxurka faaladeenani wuxu yahay; inaynu is weydiinno,  maadaama ay Boon noqotay caasimad gobol, muxuu yahay waajibka ka saaran tuulada yar ee la yidhaahdo QULJEED, ee waligeedna ku hoos noolaan jirtay BOON?.   !

Sida qaalibka ah, Quljeed waa tuullo yar oo  laf yar oo ka mid ah bulsho weynta Beelaha samaroon ku nool yihiin, mana aha tuullo is barbar dhigi karta BOON, si kasta oo ay isku qaad-qaadaba.  Qooyska yar ee tuulaadaas Quljeed u badani, wuxu itaal ahaan iyo talo ahaanba ku hoos noolaan jiray bulsho weynta ballaadhan ee reer BOON. Sidaa daraadeed waxa Boon la gudboon inay soo dhaweysato Quljeed oo sidii hore uga naxariis iyo dulqaad badnaato. 

Reer Quljeedna waxa u wanaagsan inay isku soo dhiibaan BOON, oo ay noqdaan tuullo ka tirsan gobolka Salal – BOON. Maxaa yeelay Boorama iskeed ayay u nooshahay waxna uguma filna xitaa kuwa ku nool fulunfuulka. Halka ay BOONa ka tahay   caasimad waligeedba hogaamin jirtay Mabaadiida dhaqan-dhaqaale ee loo kala yaqaanno; Hawl iyo Hanti-wadaaga iyo Hays CaawisadaSidaa daraadeed tuulada yar ee Quljeed waxa guul u noqon doonta inay hoos timaado BOON. 

Hadal iyo dhammaan;  tuulada QULJEED ha isku dhiibto BOON, waxanay heli doontaa magangalyo buuxda, madaxnimo an buurnayn, iyo macdanta buuraha iyo badaha BOON oo ay nala wadaagto. 

Ha Samaado SALAL.    

BoonNews

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun.

waxaan halkan tacsi tiiraanya leh uga dirayna eheladii iyo qarabadii ay ka baxay SIRAAD DAAHIR YABANE  (siraad cali) oo borama ku geeriyootay waxaan ilahay uga baryaya inuu ilahay najadii fardowsa ka waraabiyo eheladii iyo qarabadii uu ka geeriyoodayna ilaahay samir iyo iiman kasiiyo
magacyada diriya1.sharmarke xaaji xassan xadi
2.maxamuud xaaji xassan xadi
3.cabdiqaadir xassan cabdilaahi
4.maxamed cali ciye
5.hussen kaamil (buuri nacday )
6.axmed c/laahi (oday garbis)
7.ramadan c/raxman faahiye
8.axmed ibraahim farax
9.umalkhayr xaaji xassan xadi
10.muna farax wabariqayaad@hotmail.com___________________________________________________________________________________________

INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Dhammaan bahda HiilDanExpress iyo BoonNews, waxay tacsi taas la mid ah gaadhsiinayaan ehelkii iyo qooyskii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay Siraad-Celi.  Ilaahay Marxuummada haka waraabiyo Naxariis Janno, dhammaanteena haynaga siiyo sami riyo iimaan.

Waxaynu si gaar ah tacsidan u gaadhsiinaynaa SAMAROON IYO SAMATALIS, oo ah labada wiil ee ka hadhay Marxuumada.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.