Af-Lagaadada Lagu Hayo, Diinta Islaamka – By: Subagle.
Posted by hiildan on March 28, 2008
Waar bal eega nacaybkii diinta ISLAAMKU Meeshuu Maraayo !
Waxaan halkan ugu soo gudbinayaa aristayaasha qiimaha leh meelkasta ooy joogaanba, arrin la yaableh oy waayadan dambaba warbaahinta reer galbeedku ka hadlaysay.
Waxa dalka Holland lagu sameeyey fil ceebaynaya diinta ISLAAMKA, kaasoo uu sameeyey nin siyaasiya dalkaasi u dhashay kana tirsan xildhibaanada dalka Holland, magaciisana la yidhaahdo GEERT WILDERS. Filimkaasoo buuq aad iyo aad u badan ka dhaliyey dunada islaamka iyo wadannada yurub intaba. Filimkaasoo la yidhaahdo “FITNA” ayaanan la filaynin in hal telefishan oo keliyana lagu soo qaadan doonin dalalka Yurub. Laakiin filimkaasi oo maanta soo baxay ayaa isla markiiba shabakadaha yurub si deg deg ah ugu faafay, gaar ahaan kuwa ururada xag jirkihi leeyihiin.
- Filimkaasoo ah dhacdooyin la soo ururiyey sida kawa ka dhacay Ciraaq, Afganistaan iyo weliba tii Soomaaliya ka dhacday ee askariga mareykanka meydkiisa suuqa Muqdisho.
- Waxa kale oo iyadna la soo ururiyey wax alla wixii suurad quraana ka hadlaysay jihaad lagu qaado gaalada iyo Yuhuudda.
- Waxa kale oo iyagana lagu soo darey maxaadarooyin ammaba qudbado jimce iyo waxyaabo kale oo badan oo laysku geegeeyey.
Arrinta aniga shaqsayan itaabatay kaddib markaan arkay filimkan yar oo 16 daqiiqo soconaayo, waxa weeye nabigii suubanaa nabad gelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo BOM madaxa loo saaray. Sawirkaas BOMKA ayuuna filimku ku bilaamayaa kuna dhammaanayaa. Sawirkaas wuxuu ka mid yahay 12 sawir deenishku sawireen ee nabiga lagu aflagaadeynayey nnk.
Hadal iyo dhammaan; waxaad fililmkaas ka heli kartaan halkan: www.siad.dk
Xasan Muuse Subagle



.