Tuulada QULJEED, Ha Isku Dhiibto Degmada BOON.
March 28, 2008 3 Comments
Sida qaalibka ah, degmada Boon waa degmada ugu caansan gobolada Woqooyi Soomaaliya iyo xitaa Soomaaliyeedba . Maxaa yeelay waa degmo laga heli karo qabiil kasta iyo qooys kasta oo ku dhaqan dalka Soomaaliyeed. Tusaale, Boon waxa laga heli karaa Oromo, Canfar; Daarood, Hawiye; Samaroon; Ciise. Dad timo cad iyo dad timo cas, kuwa tima jilicsan iwm. Kuwo madoow sida sabuurada iyo kuwa cad sida nuuradda intaba Boon waa laga heli karaa. Waa degmo mucjiso badan una qalanta inay iyadu kalideed isku taagto gobol. Degmada Boon waxa hoos yimaadda tuulooyinka kala ah:
- Ceel Baxay
- Aroorseel
- Xariirad
- Habaas
- Cabdulqaadir
- Jidhi
- Wadajir
- Sheekh Awaare
- Fiqi Aadan
- Dabad-dillac
- Dhagaxmadow
- Xaliimaale
- Weeraar
- Cadaad
- Hangari
- Gargoorrey
- Sac waraabis
- Abbase
- Iyo qaar kaloo badan, iyo qaar kaloo badan……………………..!!
Hase yeeshaa, maadaama haatan laga dhigay Boon inay noqoto caasimada labaad isla mar ahaantaana ah caasimada maamulka ee gobolka SALAL. Waxa suurto gal noqotay in Xariirad iyadna degmo la siiyo si Boon culayska badan ee tuulooyinka hoos yimaada looga yareeyo. Dhawr tuullo ayaa u wareegi doona xagga XARIIRAD, inkastooy dhammaantoodba ku xidhnaan doonaan BOON.
Hadaba nuxurka faaladeenani wuxu yahay; inaynu is weydiinno, maadaama ay Boon noqotay caasimad gobol, muxuu yahay waajibka ka saaran tuulada yar ee la yidhaahdo QULJEED, ee waligeedna ku hoos noolaan jirtay BOON?. !
Sida qaalibka ah, Quljeed waa tuullo yar oo laf yar oo ka mid ah bulsho weynta Beelaha samaroon ku nool yihiin, mana aha tuullo is barbar dhigi karta BOON, si kasta oo ay isku qaad-qaadaba. Qooyska yar ee tuulaadaas Quljeed u badani, wuxu itaal ahaan iyo talo ahaanba ku hoos noolaan jiray bulsho weynta ballaadhan ee reer BOON. Sidaa daraadeed waxa Boon la gudboon inay soo dhaweysato Quljeed oo sidii hore uga naxariis iyo dulqaad badnaato.
Reer Quljeedna waxa u wanaagsan inay isku soo dhiibaan BOON, oo ay noqdaan tuullo ka tirsan gobolka Salal – BOON. Maxaa yeelay Boorama iskeed ayay u nooshahay waxna uguma filna xitaa kuwa ku nool fulunfuulka. Halka ay BOONa ka tahay caasimad waligeedba hogaamin jirtay Mabaadiida dhaqan-dhaqaale ee loo kala yaqaanno; Hawl iyo Hanti-wadaaga iyo Hays Caawisada. Sidaa daraadeed tuulada yar ee Quljeed waxa guul u noqon doonta inay hoos timaado BOON.
Hadal iyo dhammaan; tuulada QULJEED ha isku dhiibto BOON, waxanay heli doontaa magangalyo buuxda, madaxnimo an buurnayn, iyo macdanta buuraha iyo badaha BOON oo ay nala wadaagto.
Ha Samaado SALAL.
BoonNews
waxaan ku farxaan in aan akhristo tariikhda magaalada Boon.aad ugu farxaa markaa lagu daro abahey ,abaayashshii dhisey magaalada, magaalad Boon u ku aha caan , ee waxay caan ku tahey falsafada, sheekoyinka , iyo kaftanka, waxaa kaloo caan ku tahey iney hawo aad aduunka kale laheyn oo ah neecow
macaan , tariikhda Boon halkaa ka sii wada
waxaan ku farxaan in aan akhristo tariikhda magaalada Boon.aad ugu farxaa markaa lagu daro abahey ,abaayashshii dhisey magaalada, magaalad Boon u ku aha caan soleyga soleyga oo qudha , ee waxay caan ku tahey falsafada, sheekoyinka , iyo kaftanka, waxaa kaloo caan ku tahey iney hawo aad aduunka kale laheyn oo ah neecow
macaan , tariikhda Boon halkaa ka sii wada
waxaa aad u jeclaataa maahmaahada aabahey keeney ee ahayd , ma made Boon mise made England , waqtidii gumeysiga
iyo reer Boon ku guuleystey
MANAGARAADBAA ,, kalmada oo ku aay jiraan todobada xarf ee labalaama
taas waxaa soo saarey reer boon
iyo adeerkey aw cismaan waaberi oo keeny ha iscaawiso, taas na ay tahey in reer boon ay mid yihiin
TARIIKHDA BOON
waa magaalo ku caan ah soleyga,waxaa aad u jeclaa engriiska oo u qorsheeyey laga dhiso jaamaca ,had ku taala sudaan ,waayo boon waxaa ku wareesan buuro, waxa aay reer boon diideen biyaha looga keena aftoox taas , oo aay u arkeen in engriisku wada diinta ka badalo, wax aay magaalaad boon aad ugufiicanahay ,xaga ganacsiga , suugaanta , falsafada ,kafanta .
fanaana uga weynaa wuxuu ahaa Ysiin Garab Yare oo ku heesi jirey waqtigii doorashooyinka ,oo ku heesi jirey , DAAR FOOQLEH AAN KORE OO DIBITAATI IGA DHIGA ,NIN YUUNAN II IMAN , NINA UMA DIYAAREE NINKA DAMACSAN TAAS LAMA DOORANAYEEN DUFAAN HA QAADEEN WAA INEYNU DIID NAA DABYLAH HA RACEE WAA INEYNU DIIDNAAN
mrYasin garab yare wuxuu toos u galey hobalda Djibout ee gacan macaan
waxaa ka soo baxay fanaan weey oo maxamed ciise caduur oo soo sareey heesa ,heesa badan, waxaa ka mid ahaa
IRABAD KAAMA RIDO KARO AQOON YARE ,
Waxay boon caan ku aheyn xaga gabagey
Balafajaas oo, GARAB BEY RUBIYAD SINAYAA GU IYO JILAALE GURAYAN KA DHISTAAN KAMA GUURAANE ,
Markuu soo baxay afsoomaligu waxaa la sooban dhigey kalmada somali ah aay ku jiraan todobada xaraf ee labalaabma , reer boon ayaa markiiba soo saarey ,,MANALAGRAADBAA,
Waxaa kaloo ka soo baxay majaajilsta weey , ina aw suldaan gaafane ,amina faarax (ina labaleeka ) oo heesahoos aad looga jecel yahey magaalada djibouti.
halkaa ka iiwada tariikhda boon