Marka hore waxaan aad u salamaya bahda lughaya news ee sida sharafta leh iyo aqoonta leh inoogu soo gudbisa warar ka dalka iyo dibadaba. Marka xiganana, hadaan ka hadlo waxa igu dhaliyay inaan website ku qoro maqaal (article) ayaa waxay tahay dhawr kan maalmood ee u danbeeyay ayaa waxa ku arka website yada qaarkood maqaalo laga soo qoray naiijadi shir waynihi xisbiga kulmiye kasoo baxay. kasoo ay dad ka qaar soo qoreen wax yaabo xataa magaca beena aniga igala waynaaday oo aan kala xishoodayba waa been inan idhaahdo oo magac kale u baahan, yanci qofka bini aadam ka aha been wuu sheegi kara lakin wax suura gal ah oo aan xad dhaaf ahayn baa la sheega lakin tan oo kale waligay inta aan soo noola maan arag . hadaba aan usoo dhaadhaco hadalkayga nuxurkiisa, wax yaabaha aan la yaabay ee igu kaliftay inaan ka hadlo anoo og runtu waxay tahay ayaa waxa ka kow ah
(1): Hadalo nin isku magacaabay Jawhar Qalinle oo ah aflagaado aan geedna loogu soo gaban oo u qorna sidan ,,,,,,,,, Xisbigii Kulmiye oo u xuubsiibtey Isaaq National Party(INP) + Biyadiidka iyo badhee dhaha Siyaasiga weyn C/raxmaan Aw Cali + Bakhti-sugayaasha cusub iyo Booraanta Somalilan d ku dhacayso maxaa kaaga bildhaamay? By Jawhar Qalinle
Hadaba ninkan jawhar ilayn dhaw dhaw duba uma dhacsana!!! Waxa qoraalkiisana ka cad inuuna haba yaraate waxba ka ogayn siyaasada kulmiye ama xaqiiqada wadanka ka jirta and I don’t know waxa ku dhaliyay wax aanu waxba ka ogayn inuu wax ka qorto.
Marka hre Jawharow waxa ad qoraalkaaga ku xusay inuu ninka geesiga ad ku sheegay ee Abdurahman Aw Cali markuu arkay xaqdarada jirta uu iskaga tagay oo uuga muuqan waayay madasha. Halka raga kale ee aad aflagaadaysayna gudoomiyihi afaraad qaateen oo aad hanbo ku sheegtay . Hadaba xaqiiqda waxay tahay in uuna gudoomiye ku xigeen ka Kowad ama ka Labaad midkood aan loo dooran madaxwayne ku xigeen sida aad adigu qabto. Kuwaasi oo waliba aan isku taagi doonin musharaxa Madaxwayne ku xigeenka , sobobta darted na ay xubnaha reer awdal ugu ogolaaden inay uga tanasulan ku xigeenka kowaad iyo kuwa kaleba. Si ayna uga fa idaysan hadhow tartanka musharaxiintan badane reer awdal. oo kursiga ku xigeen ku uu yahay mid reer awdal uun ku kala baxayan, runtuna horteena ayayba iman bil gudaheed.
Abdurahman aw cali ma diidanayn shirka habsami socodkisa ee gudoomiyaha afaraad waa uu kula tartamayay musharaxiinta sharafta leh reer awdal ee lakin waxa ay is wateen Dhagawayne oo Muuse Biixi ka helay. Markuu arkay inuu dhagawayne soo baxi waayayna wuu iska arkay inuuna isna kusoo baxayn ka afaraad ilayn wa nin xisbiga xogogaal u ahe Sidaa darteed ayaaba uu ka gaabsaday, ilayn nin wayni wadkii wa yaqanaaye. Geesiga aad sheegayso waxa uu ka waayay kursi golaha dhexe iska dhaaf waaba gudoomiye ku xigeen ee, lakin adiguse markaad aragtay inaa uu dibada ka joogo Abdirahman Aw Cali xisbiga kuraastisi sare ayaaba waxa aad miciin mooday inaad aflagaadayso aqoon yahano sharaf leh sida Pro Ismail Mumin Are iyo Eng Abdurahman Saylici .
Eng Saylici haduu manta ku guulaystayna u hur wa nin karti leh oo aan wada ognahay inuu kasoo baxayo hawshiisa oo mar walba aaminsan hadal yar iyo hawl badan oo sifada ninki garanaya garanaye lagu yaqanaana tahay hadal yar iyo hawl badan iyo daacadnimo. Laakin Somali hadan nahay raga nocaas ahna way ku yaryihiin. Eng. Saylici na wa iftiin iyo fursad (chance) usoo baxay Awdal iyo Somaliland ba,.
Fursadaana hadaan ka fa idaysan, adna waxad ogaata mar walba aad qof aflagadayso inaanad qofka waxba ka dhimayn waayo qofkaasi haduu xun yahay iyo hadu wanagsan yahayba waxa uu yahay wuu yahay, lakin aduu waxa aad qofka ku sheegaysa ee afkaaga kasoo baxaya waxay ka turjumaysa waxa aad tahay, background, kaaga waxa aad aaminsan tahay , sida aan ku aragnay maqaaladaadana mar walba wa hab dhaqan qabil ama caadifad qabiil.
Waayo marka aad wax soo qorto ha moodin uun in la arkayo maqaalkagan waxa kale oo aad ogaata in dabecadaada (personality) la akhristo, oo waxa aad qortay ka turjumayo waxa aad aamisan tahay, waxa aad aaminsan tahayna ka turjumayo dabeecadaada. Marka waxan kugu la talin lahaa be optimistic qof maskax furan noqo lakin ha noqon qof dhag kaliya wax ka maqala .
(2): Ta labaad ba waxay tahay websites ka reer somaliland qaarkood waxan akhriyaa sadex sano si joogto ah marka aan bilaabayay maan kala aqoon dadka iska leh ama masuulka ka ah. Laakin akhriskooda iyo waxa ay qorayan iyo fikradohooda ban ka bartay website kasta ninka masuulka ka ah ama owner ku beesha uu kasoo jeedo. Wariyeh markay noqoto wa inuu ahaado mid dhex dhexaad ah , sida wariyayaasha caalamka “fair and balance” weeyan Rules ka u yaala.
Laakin sida Saylac iyo Harowo oo dhawr jeer oo hore arinta lagu canaantay waxa ay sameeyan halka ay ka qori lahaayen xaqiiqda ayaa waxa ay ka door bidaan inaan wax u qoraan sida ay rabaan ama waxa ay aaminsan yihiin ayaa waxa Saylac.com soo qortay Harowo na ka daba qaadatay maqaal aha sidan oo aan ahayn aragti qof ee ahayd badheedhaha wargayska ” Lacagtii Qurbojooga Awdal u Direy dadka tabaaloobay halkay martey”?
Oo sheegtay inuu Mudane ha sharafta iyo adaabta leh oo aan tuugnimo iyo musuq maasuq lagu maqil 30sano ayuu awdal kasoo shaqaynayay waa Eng Abdurahman Abdulahi Saylici oo ay idhaahdeen waxa u qaatay 19000 oo US dollar ah oo loogu talo galay masakintii roobabka barafku heleen!!!!!!!!! Subxanalah !!
Allah, been sheego lakin wax run u eeg sheeg ,taasi ma rabo inaan hada ka hadlo waayo bishuba horteena ayay iman. Rag bana lacagta aad shegaysan ka masuul aha wadaad iyo culumo iyo aqoon yahano ba lahaa kuwaasi lacag intaa leeg sida loo hoos mariyay bal wan idin ka sugayna sirdoonka saylacnews oow ahahahaha ?
Waxaaban hada maqlayay in gudidi lacagtu maxkamad soo saaraysayso ragi waxaas qoray. Waxa waxaas ugu wacan saxaafadana inaanu jirin wariye aqoon leh journalism ka ama aqoon kale leh oo wax u qora Saylac ee ay yihiin inamo yar yar oo meelahas laga soo qabtay oo wax soo qora uun la yidhi aanu jirin wax rule ah ama training ay haystan oo hunguri uun u socda oo ayna qaarkood dugsi sare ba dhamaysan CV gooda markaad eegto. Marka waxan hadalkayga kusoo gabo gabayn lahaa;waano aan usoo jeedsho saylacnews oo aan odhan lahaa:
Ku dayda habdhaqanka wanagsan ee Lughayanews iyo Boramenews oo ah mar walba labada website ee top ka ah wargayska Awdal ee aw qof cafimad qaba akhrisan karo ama qof wayn. Wariyayaasha waxan kula talin laha inay qaatan hab dhaqan ka wariyayaasha senior ka ah sida: Abokor Hssan afi , Mr Habane iyo Cabdale Cali yousuf oo ah rag wax bartay.
heelo i want to say something
where doyou get the song cabdi riisaq axmed faarax (dolar) if you no please tell me yh
you better tell me