RABBI, Rag Iyo Run.

RAG Kaashaday RABBI, ayaa Keena RUN

 

Ayaamahan danbe waxaynu saxaafadaha ku aragnaa dad ku andacoonaya in ujeedada saxaafaddu tahay inay Runta ka sheegto wacyiga iyo wararka jira, isla mar ahaantaana iyagu yihiin kuwii runta sheegayay. Sidaa iyo si le’eg ayaa dadka iyaguna wax qor-qora iyo kuwa forumyada ku dhex duryamina ugu dacwiyaan inay runta sheegayaan, xaqa iyo xaqiiqdana ku hadlayaan. Hadaba dadkaasi markay leeyihiin Run baan sheegaynaa, ma waxay u jeedaan:

 

  • Inay runtu tahay siday iyagu jecel yihiin inay ahaato?.
  • Mise inay runtu tahay sida ay tahay loona baahan yahay in looga hadlo?
  • Mise inay Rabaan inay ogaadaan Sideedaba waxay ay runtu tahay?

 

Qormadani kooban waxaynu ku eegaynaa sheeyga la yidhaahdo RUN. Tusaalaha ugu habboon ee aynu ku qeexi karno waxay tahay runtuna. Waxaynu u cuskanaynaa, sheeko garnaqsi ahayd  oo dhex martay labo beelood oo reer  Awdal ah (Ciise Vs B/Celi) wakhti an sidaas u sii fogayn. Oday kasoo jeeday dhinaca beesha koowaad ee dhibta tirsanaysay (Dhibanaha/Ciise), oo isku haystay inay beeshiisu Runta ku hadlaysay oo ay ahayd kuwa dulman, ayaa markuu ka yaabay sida gartii u weecsantahay dabadeed yidhi:

 

  • Run         mee?
  • Rag         mee?
  • RABBI     mee?

 Oday kale (bilaa-kitaab -AUN) oo isna  dhinaca beesha la dacweynayay (muddici)  ka soo jeeday oo isagu ku adkaysanayay inay runtu tahay sida ay iyagu rabaan inay noqoto ayaa dabadeed ugu jawaabay:

 

  • Runi waa ta an ku hadlayno
  • Ragna waa kuwan ku hor fadhiya
  • RABBina……………………..?  Intaas danbe waa danbi ,oo waan ka reebaynaa..!

 

(1).          Runtu Ma Sidaad Jeceshahay Inay ahaataa?

 

Aynu woxoogaa sii falanqayno isla gartan iyada ah; midda hore (dhibanaha),waxaynu ku qeexi karaynaa inay tahay “Run baadhis Rumaysan”, midda danbana (dacweysanaha),waxaynu ku sheegi karnaa “Run sheegid Rumaysan”. Sideey taasi  u dhacday?.

 

Waxay u dhacday, inay qolada hore dhib qabeen, lagana dhagaysan waayay, oo ay raadinayaan xaqiiqda. Qolada danbana (muddici), iyaguna sheegayeen runta ah inay diidmadooda ku adkaysanayaan oo taasi iyaga run ka tahay.  Si kale haddaynu u dhigno, waxa la odhan karaa labada kooxoodba runbay sheegayeen, oo kooxda horana inay dhibban yihiinbay run ka sheegayeen, kooxda kalana inay iyagoo dhibkaas kooxda hore og, hadana ka dhego adaygayaan ayay Run ka sheegayeen. Qolo waliba sidii ay rabeen inay runtu ahaato ayay ku dacwiyayeen. ! RUN MEE?; iyo  RUN WAA TAN AN KU HADLAYNO.

 

(2).          Runtu sideey tahay Inay Ahaato?

 

Wali waxaynu ku jirnaa falanqaynta isla gartaasi iyada ah; runta gartaasi waxay ahaan lahayd in qolada dhiban runta ka sheegaan dhibka ay qabaan ee qolada muddiciga ahi u gaysatay.  Qolada muddiciga ahina waxay ahayd inay qirtaan dhibka ay geysteen oo qataan qaladkooda. Hadaba sidee loo ogaanayaa inay qolada hore run ka sheegayso wixii dhacay?; sideese loo ogaanayaa in qolada kale iyaguna diidayso inay qirtaan wixii dhacay, oo danbiilayaal yihiin?. Waxa lagu ogaanayaa su’aasha ah RAG MEE? iyo RAG waa kan.!. Rag meesha ay joogaan waxa joogta xikmad, talo, murti, xaqiiq iyo xog-ogaalnimo, iyo xaakinnimmo.

 

Balse, hadana meel Rag (Binu-Aadam) kaliya uuni joogo miyaa jawaabtu inay runtuna ku imanayso, oo qoladii qaldan markaaba la helayo?.  Intaynaan ka jawabin waxanu u daadegyanaa su’aasha saddexaad ee gartaas laysku weydiiyay oo ahayd, RABBI mee?. Akhri qodobka hoose

 

(3).          Runtu Sideedaba Maxay tahay?

 

Gartaasi iyada ah, waxaynu ku aragnay in sheyga la yidhaahdo RUN, ka maarsanayn RAG iyo RABBI. Sidaa daraadeed Rag meel iskugu yimid oo xikmad iyo murti iyo hadalba dalaandali ma sheegi karaan RUN, haddii aanay la kaashan oo cuskan magaca RABBIgii abuuray. Macnaheeda oo koobani wuxu yahay inay Runtu tahay sheey Ilaahay hortii looga sugayo Aadmiga inay ku hadlaan sidii wax u dhaceen iskana illaawaan sida ay iyagu rabi lahaayeen ama jeclaan lahaayeen inay ahaato. 

 

Gabgabo Iyo Gunaanad.

 

Sheyga la yidhaahdo RUN, waxa ku dhisan tiirasha adduunka ee Ilaahay taagay, waana xikmad Rabbaani ah. Marka qof Binu aadam ah oo Ilaahay abuuray, leeyahay waxaasi an ku hadlayi waa iga RUN, kaliya waxa loo qaadan karaa uun  inuu ku dhaaranayo magaca Ilaahay. Waana qof xujaysan oo dhaarsan laakiinse an is ogyan isagu. Run kuma hadli karti adigoon Rabbigaa ku dhaaranayn. Hadduuse qofku  meesha ka saaro Ilaahay, isagoo isla mar ahaantaana  ku dacwiyaya inuu sheegayo RUN. Taasi ma aha Run, waana Been xaaraan ah iyo namiimnimo, qofka geeystana mutaysto ciqaab aakhiro iyo adduunba.

 

Sidaa daraadeed; dadyoowga saxaafadaha ka wakiilka ah ee maalin walba ku andacoonaya inay RUN sheegayaan, ha ogaadaan inay xujaysan yihiin, dhaar Ilaahayna ku jiraan. Hadday run sheegayaan iyagoo magacii Ilaahay ku dhaarsan, waa wax wanaagsan. Haddayse diidayaan dhaarta Ilaahay kuna cel-celinayaan inay run sheegayaan, waa wax hoog iyo halaag leh, If iyo Aakhiraba”.

 

Hadal iyo dhammaan; RAG kaashaday RABBI ayaa keena RUN.

 

 

Nabad iyo Caano

 

HiilDanExpress

 

 

 

Editor’s View