Garaadkii Miyuu Bukooday? By Khadar

Garaadkii miyuu bukooday
Wanaagii miyuu gaboobay
Gayaankii miyuu dhamaaday
Kolay waa talo guracan
Gorfayn garasho leh u baahan
Abwaankii garan lahaa
Gayiga waa kii ka tagay
Ciddii  garan baan u dhaafay 

Maxaa gobonimo dulleeyay
Maxaa gayigii  xumeeyay
Maxaa gardarada abuuray
Maxaa garashadii  haleeyay
Maxaa geesigii  daciifshay

Hadaan googaa idhaahdo
Aduu cigalaya gudoon
Haddii qoraxdii gadoodo
Haddii dayaxii gaddoomo
Haddii hawadii giriifto
Hadday wabiyadu gudhaan
Haddii arladii  gariirto
Hadii gaadiid la waayo
Haddii guurkii la daayo
Kolay waa talo guracan
Gorfayn garasho leh u baahan
Abwaankii garan lahaa
Gayiga waa kii ka tagay
Ciddii  garan baan u dhaafay

Haddaan xumuhuun gudoono
Haddaan samihii ganaaxno
Haddaan godob layska eegin
Haddii  nabadii la gooyo
Haddii gogoshii la laalo
Haddii gocashadu badnaato
Haddaan gudi looba yeedhan
Haddana garta laysku diido

Haddii godalkii la waayo
Haddaan gaaxdii la maalin
Haddii gorofkii la tuuro
Haddii gama’ ii lawaayo
Haddaan gaaridii la dhowrin
Haddii galbiskii xumado
Haddaan gacal laysku xeerin
Gayaanku hadduu hungoobo
Haddii gucundhuun la beero
Hadaan u bixii gammuurno
Haddaan dalagii la goynin
Haddaan milay roon la guurin
Haddaan galab uu carrowno
Hadduu geedigu hallaabo
Haddii garanuugto oydo
Haddii gooshii lilmayso
Haddii aarkii gurguurto
Ninkii googaa yaqaan
Ninkii geesiyee is huba
Kolay waa talo guracan
Gorfayn garasho leh u baahan
Abwaankii garan lahaa
Gayiga waa kii ka tagay
Ciddii  garan baan u dhaafay

 

Khadar Abdi Khaire
khadarcago@hotmail.com
Dhaka,Bangladesh

BAH CAYLO.!!

Maaweelada Carruurta: BAH CAYLO.

 

Carruureey maalin wanaagsan.

 

Beri hore oo hore, ayaa waxa jiri jirey labo wiil oo coomo ah,  oo ka dhashay bah laysku odhan jiray BAH CAYLO.

 

Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu col soo weeraray labadaas wiil ee Bah caylo, oo meel cidlo ah jooga. Dabadeed doqmihii bah caylo waxay ku heshiiyeen inay iska dhgaan sidii wax dhintay oo kale, bal si colku u gees maro. Halkii ayayna is daadiyeen oo jiifsadeen.

 

Carruureey, kadibna waxa dhacay inuu Colkii isa soo dul taagay midkii ugu horreeyay  bah caylo ee jiifay iskana dhigayay inuu dhintay, oo afka kala saxariirinaya.

 

Mid colkii ka mid ah ayaa dabadeed wuxu yidhi:

“Waar ninku ilko casaa”. !!

 

Carruurreey, doqonkii inuu dhintay iska dhigayay, ayaa qosol ku dhuftay oo  ku jawaabay:

“ihihihiiii, dee shalaan  kox daaqay”.!!!. .  

 

Bal iyadba waa quduree,  hadana kii kale ee ag jiifay ee walaalkii ahaa oo isna la moodayay inuu dhintay ayaa isagoo qoslaya wuxu yidhi:

“ihihihiiii Bahdayada, bah caylaba, waa wada caynkaasi”. !!!

 

Carruureey; halkaasi ayaa coomihii bah caylo lagu qatalay  oo qoorta loo dheereeyay, “doqonbaa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane”. 

Ujeedaduna carruurrey, waa inaad ogaatiin in sheyga la yidhaahdo doqonimmadu yahay SHIL, isla mar ahaantaana, doqoni xadhkaha lagu xidhayo, xusulada  ku sidato , doqonna loo gargaarin lana gargaarsan.

 

Carruureey, ilaa iyo kulantideena danbe sidaa iyo Nabad iyo Caano

 

BoonNews