Bawden Drilling iyo Shidaal Baadhistii Awdal. By Ghandi

 

Bowden Drilling: Shirkadii Shidaal Qodista ee Awdal 1988

  

Shirkada  Mareykanka ee Chevron oo ah shirkadaha ugu waweeyn ee xaga Shidaalka, waxayn baadhitaano ka sameysay meelo badan oo Somalia ku yaal xiligii dawladii Maxamed Siad barre Illaahay ha u naxariistee. Chevron waxay baaadhitano ku sameysay meelo badan waxaana ka mid ahaa Deegaamo ku yaala Awdal sida: Hemal1, Hemal 2, Geerisa,Habaas Ceel-Gaal iyo Xeebaha  Lughaya .

 

Chevron oo sii  wadata hawlaheeda  baadhitaan ee Shidaalka waxay qandaraas hoose siisay ( sub-contract )shirkadaha ku jirra dallada baadhitaanka shidaalka (Subcontract exploration netwerk ) waxaana ka mid ahaa shirkadaha Conoco & Fina oo Bariga Somalia laga siiyey ,iyo Bawden Drilling oo laga siiyey Awdal .

 

Bawden Drilling waxay aheyd shirkad laga lahaa Wadanka Canada oo hawlaheedu  yihiin qodista shidaalka,Macdanta iwm.markii  ay ka bilowday Gobolka Awdal sanadihii 1987-1989 hawlgalkii ugu horeeyay waxay ka bilaabeen Ceel-Gaal. waxaan Mas,uul ka ahaa Gaadiid ay lahayeen ganacsato Reer awdal ah oo daabulaalaabta Transitka ee Djibouti-Somalia. waxaan ka soo qaadi jirey dekada Djiboutia qalab isugu jira Saliida Motorada Nooca W40 & W50, xaydha la mariyo Motoorada

 

Qalabka dayactirka iyo markaan imaado oon qaban jirey xooga maamulka Gadiidka iyo Saadka ee looga baahan yahay Djibouti  ( Transportation and Logistics ) & lacagta xamuulka wakiilka Bawden Drlling ee  Djibouti waxay aheyd shirkad la odhan jirey Micheal cott ,shidalkana waxay ka soo qaadan jireen Mobil Djibouti hadaba dhawr jeer markii aan imiday Ceel-Gaal waxaan shahiid u ahaa God ama Hog qiyaaasti u dhow Garoon kubadeed (Football Field ) hoosna u dheer oo Cagaf-cagafyo waaweeyn ay ku jiraan, shaqaalaha Somalidu way ku yaraayeen waxayna ubadnaayeen

 

Philipines & xoogaa Khubaro Western ah,turjubaan waxaa ka ahaa Xuseen Ingriis xaga nabadgelyada waxaa u qabilsanaa Taliyihii Ciidama xeebta ee wakhtigaas markii dambena Wasiir ka noqday Maamulka Somailand MD: Cabdilaahi Dirawal oo ahaa Sarkaal xukumi jirrey Ciidankii Hobiyaha ee Xooga Dalka Somaaliyeed  ee Caracad /Quljeed

 

1988 waxay dalbadeen 3000, Kiish oo Shamiito ama Shibidhka biyaha lagu joojiyo  waayo  ? Banka Giriyaad oo leh biyo hoosaad aad u badan (under water polution )  Dawladuna waxay ku amartay in Shibidhka dalka dibadiis laga keeni karin  ee lag dalbado Warshada Shibidhka ee Berbera.  waxay ku shubeen Bohoshii qodnayd mudo Bil ahka dibna waxay ku rogeen Ciidii ay ka faageen ama ay ka qodeen Bohoshaas.

 

Dad badan ayaa aaminsan In la daboolay  la soo saari doono  halka kuwo kalena ay aaminsanyihiin in Shidaalka qaabkan oo kale aan loo qodin laakiin  dhibaatadu waxay ka taagan tahay Dadka Somalida oon laheyn aqoon ku filan oo Dadka iyo Dalkaba ku mareeyaan, haday noqoto xaga khayraadka iwm

 

Dhacdadan waxaan  u ahaa markhaati, maqaalkuna wuu sii socon doona

 

Mahdi Farah Aden (Mahdi Ghandi )

Amsterdam /Holland

farahaden99@hotmail.com