AllBoon.com

I Daayaay Boon I Deeqdaye.!!

Archive for April 15th, 2008

Dugaaga Midoobay – By Ghandi

Posted by hiildan on April 15, 2008

Budhcad Baddeedii iyo Midowga Europe ( Dugaaga Midoobay ).

 

Budhcad baddeed waxaa Sameeyey maamulo iyo siyaasiyiin Somaliyeed oo daneystayaala  kana hormariyey Danhooga dantii ummadaDalkiina  wuxuu noqday mid Cirka,Dhulka & Badda laga weeraro.

 

Waddamo badan ayaa ciidamo u direy Xeebaha Somalia inay ilaaliyaan maraakiibta ka gooshta  Badda Somalia ee nooc walba lehwaxaa jooga Maraakiibta Nato ( ee kaa xoog badni )

Budh-cad baddeeda lama qabto lamana helo meesha ay deganyihin halka Doonyaha kaluumaysiga iyo Doonyaha sida shixmadahana lagu baadho Xeebaha Somalida.ee ganacsadu leeyihiin.

 

Maraakiibta la afduubo waxaa la haystaa mudoo dhowr todobaada ama Bilooyina waxaana loo sii daayaa Boroosinta intay  joogaan Badwenyta sunta Duugayaan. ogsonoow arintani waa qandaraaas weyn oo laysla ogyahaymana jirto wax la yiraahdo ( Pirates ) budhcad badeed.

 

Markay afduubaan maraakiibta Budhcad Baddeedu lacagaha waxaa loo Dhigaa ( Abu-dubai, Hargeisa, Nairobi & London ) hadaba budhcad baddeedan ka dilaacday Somalia Dadka qaarkood ayaa rumeysan in loo bahanyahay dhacdooyinkan halka Dadka Somalinimadu ku dheertahayna ay rumaysanyihiin in aan loo baahanyn

 

Shirkadaha marakiibtu waxay heshiishyo la hubo la galeen Dhiig miirato Somaliyeed loona hayo cadeeyn in dalka lagu duuggo sunta ( Nuclear waste, Chemical waste ) sida Jabhadihii Snm, Usc, & Ssdfa halka sarakiil badan oo Somaliyeedna ay ka biyo diideennaftoodana ku wayeen.halka Saraakiil badana la siiyey awood ay ku taagsadaan Dadka

 

Budhcad badeeddani waxay qayb ka yihiin xulofooyinkii Jabhadahaas iyo hadhaagii dawladii Somalia Dadka nolol maalmoodkoodu ku xidhanyahay kaluumaysiga waxaa lagu arkaa baryahan dambewaxyaabo aan la aqoon sida: Jidhka oo dil-dilaaca,Timaha oo daata,  matag, daalalyo joogto ah Madax wareer, Caruur ku dhalata naafo Dhirta oo hoobata sida, & Xoolaha oo caano yareeya kallunka oo sabeeya iwm.

 

Dhibaatadani kama taagna deegaamo kalle ee waa Dalkaagii hooyo.

 

Maxaa k dhashay Budhcad baddeeda:

 

  • in Budhcad baddeedu noqoto dariiqi loo mari lahaa hanashada Xeebaha Somalia sidii Maxkabadaha
  • in Ethiopia loo tababaro ciidan baddeeb hadana lagu tababaro Dalalka ( Yemen, Turkey, Kenya & Israel )
  • in Somalida laga fogeeyo xeebaha inay degaan waxaan aheyn magaalooyinkii hore

 

Halka dhulkeenu ku dambeeyo waan raadin doonaa.hadii ? ?

 

Waa Dadkaagii Doqonyahow Waa Dalkaagii Dabaalyahoow

 

Somalia Somali baa leh

 

Mahdi Farah Aden ( Mahdi Ghandi )

Amstedam / Holand

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Posted in Warka (news) | Leave a Comment »