Waxaa daran sallaamada qabiil
Lagu salaynaayo
Seeraha ninkii laga yidhaaa
Soorta kala qaybi
Haduu siibo xoolaha dhammaan
Waa sad buris taase
Caqligii saliimihina taas
Wuu sadiqayaaye
Sabankani da,deenuna dhabtii
Way lasocotaaye
Anigoo saqiir wali ah baan
Talo sargooyaaye
Kasaray nay taas waa horaan
Heer samada gaadhnay
Nin lasiri karaayiyo axmaar
Soco gadal joogso
Soomaalibaan ahay anigu
Sidan mayeelaayo
Soomaali waxay diidaysaa
Sumad hogaankiina
Soomaali waxay doorbidaa
Samir dhexdeediiye
Soomaali waxay diidaysaa
Solay banaan yaala
Soomaali waxa dilaya waa
Socod dhaqaaqiina
Soomaali waligeed madhicin
Cadaw sujuudeeda
Soomaali way diirantahay
Sidaad u,aragtaanba
Soomaali waa lagu ogyahy
Gacan sarayn teeda
Soomaali sidan maanta waa
Sooha looxidhaye
Surginbaa naloo xidhay badhkeen
Soo abaabulaye
Soomali soodhqudha wataa
Wali masiijeedsan
Sooyaalka taariikhda iyo
Sadarka duugoobin
Sifaadkii rageenii horiyo
Surin halkuu jeexay
Sayid maxamed baan yeeli jirin
Cadaw salaantiiye
Waxa saaka nala hadhay
Dadkii silic ukeenaaya
Siigada waxa nagu qasoo
Cadaw safkii jooga
Soomali idilkeed waxa
Seexadka udiiday
Salfadhiisi raaxa ah waxaa
Sibirta goynaaya
Waxa saarka waalidu uun
Saartay qalabkiisa
Saxan saxada laydhaa dhibtoo
Ficil masaadasho
Salaadiyo qur,aanka dhiboo
Saatir mayaqaano
Seeftaa udheregoo madhigo
Waa sadkuu raba,e
Sumcadkii dalkeenoo dhanbuu
Saylka raaciniye
Sanboorbuu kaqaadaa heshiis
Siiba nabadayne
Sacabada ninkii ila heshii
Hadal kusoo saafa
Sun ayuu uhaystaa inaa
lagu salaamayo
Soolsool damashaad sidii
Suuqa laga dhawrin
Inuu sabiga laayuu hantida
Siiyo cadawgeena
Bariidaduna duri bay utahay
Samir halkiisiiye
Sarif lacaga oo lagu farxiyo
Cadaw sintii joogso
Dhexda suunka mari oo sanado
Aduu suldaan sheego
Siyaarada uduul meel kastaba
Magac kasoo raadso
Hadaad doonto saaskana kagado
Siinta kuu timidba
Soomaali yeel keed kuqawl
subax kastood doontid
Wax kastood samysaba intaad
Saaran tahay koonka
Rag saxaya oo qorayabaa
Kugu sugee kawdheh
Saxariir dadkii aad badayna
Way kusugayaane
Hadaad seegta dunidana marlay
Waa su,aal qorane
Safka akhiro adoo qaawan baad
Sara kacaysaaye
Sidaad noqoni goortaa allaah
Yay sirtii tahaye
Subxaan waxaan baryaynaa inuu
Soo hanooniya,e
Abwaan C/Fataax Dahir Cige
Mudane_22@Hotmail.Com
Cairo