Boon I Deeqday

  Xusuustii BISADEEYE.

Qarmadan waxaynu ku xusuusanaynaa, kuna xusaynaa, Abwaan, fannaan, maadeeye, musishan, miskiin,iyo danyare Soomaaliyeed, oo taariikhdiisa la qariyay. Magaciisa oo buuxa ma hayno, balse  naanaystiisa waxa la odhan Jiray BISADEEYE (Raxmatullaah Calayhi).

 

Marka ugu horreysa waxaynu marxuunkas Ilaahay uga baryaynaa inuu ka waraabiyo Naxariistiisii janno, ehelkiisii iyo qaraabadiisii iyo masaakiintii la midka ahaana ka siiyo samir iyo Iimaan.

 

Bisadeeye wuxu ahaa qof mucjiso badan, oo hal qarni ka horreeyay bulshadii la midka ahayd. Wuxu ahaa miskiin danyare ah, hase yeeshee gacanta ma hoorsan jirin intuu meel fadhiisto oo ma odhan jirin YAA ALLA WAX SIIYAY. Wuxu adeegsan jiray hibooyinka (talents) Ilaahay u siiyay dhinacyada fanka, farshaxanka, iyo maadaynta.

 

Wuxu samaysan jiray qalab isaga u gaar ah, oo gacantiisa uu ku samaysan jiray, sida kabanka iyo durbaanada. Dabadeedna kuwaas ayuu dadka u tumi jiray isagoo raacinaya erayo iyo cod macaan oo isagu leeyahay, iyo waliba qoob ka ciyaar isaga u gaar ah (unique).

 

Heerka uu Bisadeeye wakhtigaasi joogay, waxad imika ku aragtaa wali inay  ka taagantahay wadamada horey u maray. Wadamada horey u maray waxad ku arkaysaa dad masaakiin ah, oo is taagya dariiqyada tareenada iyo baabuurta iyo meelaha layskugu yimaado oo isticmaalaya xirfadahooda maadaysnimo ama music si ay nolol maamlmeed ugu helaan. Hadaba Marxuun Abwaan, fannaan, maadeeye, musishan mudane Bisadeeye (Raxmatullah calayhi) kuwaas ayuu u ahaa boqorkooda, kuwa afrikana wuu ka horreeyay.

 

Hadaba ciddii haysa magaca buuxa ee Bisadeeye iyo taariikhdiisii, fadlan de-deg ha noola soo xidhiidhaan. Anigu waxan ku xusuustaa Bisadeeye, heestiisii uu odhan Jiray “WAAR I DAAYAAY BOON I DEEQDAYE”.   Erayada kuwa an ka xusuusto ee heestaasi waxa ka mid ahaa
 
 Orgiile waan ka raystay

Garaskii waan ka raystay

Garraaxdii waan ka raystay

Waar i daayaay Boon I deeqdaye.!!!!

 

Waxanan ku xusayaa Bisadeeye, inaan heestaas ka dheegto oo an isku duba rido iyadoo laxankeedii hore wadata, waxanan leehay:

 

Baydka Koowaad

 

Barbaartii An la koray iyo

Bahdaydiibaa ku nooloo

Kama baaqani karaaye

 

Habeenkii waan u balweeyaa

Hurdada waan uga boodaa

Markaan soo baraarugana

Billaahi waan u booyaaye

 

Bulshayahay i daayaay

Bal i daayaay , bal i daayay

Boon i deeqdaye

 

Baydka Labaad

 

Baraar iyo ruux caqliga

Bahaayinka la siiyaa

Billadahooda garanine

 

Bullaalle Booramiyo …(Bullaale Boorama)

Khadiijadii Balwiyo..(Khadiija Balwo)

Bisadeeye waa dadkaygoo

Billaahi waan xusaaye

 

Bulshayahay i daayaay

Bal i daayaay bal i daayaay

Boon i deeqdaye

 

Cabdiqani Yuusuf Caateeye

 

HiilDanExpress

 

hiildan@yahoo.com

 

 

 

ABAAL MA GUDA.

 

 

Sidey Aniga Ila Tahay, Waa Abaal Ma Guda.

 

Abwaan Aadan Faarax, oo ah abwanada iyo fanaaniinta ugu caansan jamhuuriyada Jabuuti, ayaa waxan ku xusuusannaa mar walba heestiisii mucjisada badnayd ee ka hadlaysay Adduuunyada. Erayada heestaasi waxan ka xusuusanahay intan hoos ku xusan:

 

Uur Hooyadaa iyo

Kuu Aabahaa dhalay

Abtirsiima raagtiyo

Ehel nimaad wadaagtaan

Dad ayaa la aaminaayo

Axdi keebaa lala dhigtaa..?……….

 

Waa duni af-xumadiyo

Eexadu ku badatoo

Siday aniga ila tahay

Waa abaal ma guda

 

Abwaan Aadan Faarax, haddii uu wali noolyahay, Ilaahay ha raajiyo cimrigiisa, caafimaad badana ha ugu deeqo. Haddii uu dhintayna Allaha u naxariisto. Kalidii ma aha, waxa jira abwaano badan oo soomaaliyeed oo falfasad qoto dheer ku salaysan,  kaga hadla xaaladaha adduunka, nolosha iyo waayaha  Waa hibo Ilaah siiyo abwaanada iyo hal abuurada, waana qofba siduu uga faa’iidaysto hibadaasi.

 

Ahmiyada qormadan kooban, ayaa waxay tahay, inaynu fahamsiino walaalaheena akhristayaasha ah, in maanta xaalada adduunyada, gaar ahaan Soomaaliyeed, marayso meel aad u iyo aad u  foolxun. Waxa jira arrimahan soo socda oo an soo koobayno iyo kummanaan kale oo kasii foolxun inay socdaan:

 

  • In is aaminaadii iyo is ixtiraamkii iyo arxankii dadka wada dhashay u dhexeeyay dhammaaday.

 

  • In xitaa magaca Ilaahay dhaartiisa la isku aaminayn ama magaca Ilaahay dad ugu dhaartaan dheel-dheel iyo dhayal. Ka ay ka dhab ka tahay eek u dhaaranaya magaca Ilaahayna, aanu aaminayn ka isagu dheel-dheelka ka dhigta dhaarta Ilaahay. Taas oo macnaheedu tahay IIMAAN darro.

 

  • In kibirka iyo is yeel-yeelka is qaad-qaqdku noqdeen wax layskugu faano ama laysku jabiyo. Taasi oo  ninnii shalay caydha ahaa, markuu maanta helo cuud, iska illlawo halkay caydhnimo ka taagnayd shalay, kadibna ku digto kuwa xaaladii uu soo maray iyagu ku jira.

 

  • In gacal, xigaal, ehel iyo qaraabo; qooys kastabaa inta iskugu sii xigtaayi isku noqdeen olol iyo dhagax, oo qof waliba ka ordayo qofkii ugu dhawaa ama iska reebay. Quluubta dadka qaarkoodna ay daxalaysteenba.

 

  • In dulmiga iyo dhaca agoonta , masaakiinta, iyo danyartu yahay wax loo kala badiyo oo la caadaysto, laguna helo magac iyo maamuus.

 

  • In adyada, af-lagaadada iyo cayda an loo aabo yeelin ee bilaa kitaabka ahi, noqoto cudud lagu dagaalamo ama laysku cabdudhiyo.

 

  • In qabiilka iyo qabyaalada loo adeegsado danaysi gaar ah oo hunguriyaysan, oo marka qofku dantaasi gaarka ah leeyahay uu kala soo baxo jeebka. Marka dantiisii u hir gashana yahay qof an waligiis yeelan qabiil iyo qooys toona. Isla mar ahaantaana lagu beerlaxawsado dadka masaakiinta ah in qofkii wax u qaban lahaa loo curyaaminayo qabiil ahaan

 

Arrimahaas an soo sheegnay iyo kuwo kale oo aad u badan markii an isla eegnay ayaa hadaba waxaynu xusuusannay Abwaanka an kor xusnay heestiisii dahabiga ahayd ee “Siday Aniga ila tahay Waa Abaal Ma Guda”. Heestaa qofkii hayina, fadlan hanala soo xidhiidho.

 

Alleylehe siday anagana nala tahayna, waa abaal ma guda

 

Subxaana Laah.

 

 

Cabdiqani Yuusuf  Caateeye

 

HiilDanExpress

 

hiildan@yahoo.com