|
Xusuustii BISADEEYE.
Qarmadan waxaynu ku xusuusanaynaa, kuna xusaynaa, Abwaan, fannaan, maadeeye, musishan, miskiin,iyo danyare Soomaaliyeed, oo taariikhdiisa la qariyay. Magaciisa oo buuxa ma hayno, balse naanaystiisa waxa la odhan Jiray BISADEEYE (Raxmatullaah Calayhi).
Marka ugu horreysa waxaynu marxuunkas Ilaahay uga baryaynaa inuu ka waraabiyo Naxariistiisii janno, ehelkiisii iyo qaraabadiisii iyo masaakiintii la midka ahaana ka siiyo samir iyo Iimaan.
Bisadeeye wuxu ahaa qof mucjiso badan, oo hal qarni ka horreeyay bulshadii la midka ahayd. Wuxu ahaa miskiin danyare ah, hase yeeshee gacanta ma hoorsan jirin intuu meel fadhiisto oo ma odhan jirin YAA ALLA WAX SIIYAY. Wuxu adeegsan jiray hibooyinka (talents) Ilaahay u siiyay dhinacyada fanka, farshaxanka, iyo maadaynta.
Wuxu samaysan jiray qalab isaga u gaar ah, oo gacantiisa uu ku samaysan jiray, sida kabanka iyo durbaanada. Dabadeedna kuwaas ayuu dadka u tumi jiray isagoo raacinaya erayo iyo cod macaan oo isagu leeyahay, iyo waliba qoob ka ciyaar isaga u gaar ah (unique).
Heerka uu Bisadeeye wakhtigaasi joogay, waxad imika ku aragtaa wali inay ka taagantahay wadamada horey u maray. Wadamada horey u maray waxad ku arkaysaa dad masaakiin ah, oo is taagya dariiqyada tareenada iyo baabuurta iyo meelaha layskugu yimaado oo isticmaalaya xirfadahooda maadaysnimo ama music si ay nolol maamlmeed ugu helaan. Hadaba Marxuun Abwaan, fannaan, maadeeye, musishan mudane Bisadeeye (Raxmatullah calayhi) kuwaas ayuu u ahaa boqorkooda, kuwa afrikana wuu ka horreeyay.
Hadaba ciddii haysa magaca buuxa ee Bisadeeye iyo taariikhdiisii, fadlan de-deg ha noola soo xidhiidhaan. Anigu waxan ku xusuustaa Bisadeeye, heestiisii uu odhan Jiray “WAAR I DAAYAAY BOON I DEEQDAYE”. Erayada kuwa an ka xusuusto ee heestaasi waxa ka mid ahaa
Orgiile waan ka raystay
Garaskii waan ka raystay Garraaxdii waan ka raystay Waar i daayaay Boon I deeqdaye.!!!!
Waxanan ku xusayaa Bisadeeye, inaan heestaas ka dheegto oo an isku duba rido iyadoo laxankeedii hore wadata, waxanan leehay:
Baydka Koowaad
Barbaartii An la koray iyo Bahdaydiibaa ku nooloo Kama baaqani karaaye
Habeenkii waan u balweeyaa Hurdada waan uga boodaa Markaan soo baraarugana Billaahi waan u booyaaye
Bulshayahay i daayaay Bal i daayaay , bal i daayay Boon i deeqdaye
Baydka Labaad
Baraar iyo ruux caqliga Bahaayinka la siiyaa Billadahooda garanine
Bullaalle Booramiyo …(Bullaale Boorama) Khadiijadii Balwiyo..(Khadiija Balwo) Bisadeeye waa dadkaygoo Billaahi waan xusaaye
Bulshayahay i daayaay Bal i daayaay bal i daayaay Boon i deeqdaye
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
HiilDanExpress
|
Daily Archives: April 21, 2008
ABAAL MA GUDA.
|
Sidey Aniga Ila Tahay, Waa Abaal Ma Guda.
Abwaan Aadan Faarax, oo ah abwanada iyo fanaaniinta ugu caansan jamhuuriyada Jabuuti, ayaa waxan ku xusuusannaa mar walba heestiisii mucjisada badnayd ee ka hadlaysay Adduuunyada. Erayada heestaasi waxan ka xusuusanahay intan hoos ku xusan:
Uur Hooyadaa iyo Kuu Aabahaa dhalay Abtirsiima raagtiyo Ehel nimaad wadaagtaan Dad ayaa la aaminaayo Axdi keebaa lala dhigtaa..?……….
Waa duni af-xumadiyo Eexadu ku badatoo Siday aniga ila tahay Waa abaal ma guda
Abwaan Aadan Faarax, haddii uu wali noolyahay, Ilaahay ha raajiyo cimrigiisa, caafimaad badana ha ugu deeqo. Haddii uu dhintayna Allaha u naxariisto. Kalidii ma aha, waxa jira abwaano badan oo soomaaliyeed oo falfasad qoto dheer ku salaysan, kaga hadla xaaladaha adduunka, nolosha iyo waayaha Waa hibo Ilaah siiyo abwaanada iyo hal abuurada, waana qofba siduu uga faa’iidaysto hibadaasi.
Ahmiyada qormadan kooban, ayaa waxay tahay, inaynu fahamsiino walaalaheena akhristayaasha ah, in maanta xaalada adduunyada, gaar ahaan Soomaaliyeed, marayso meel aad u iyo aad u foolxun. Waxa jira arrimahan soo socda oo an soo koobayno iyo kummanaan kale oo kasii foolxun inay socdaan:
Arrimahaas an soo sheegnay iyo kuwo kale oo aad u badan markii an isla eegnay ayaa hadaba waxaynu xusuusannay Abwaanka an kor xusnay heestiisii dahabiga ahayd ee “Siday Aniga ila tahay Waa Abaal Ma Guda”. Heestaa qofkii hayina, fadlan hanala soo xidhiidho.
Alleylehe siday anagana nala tahayna, waa abaal ma guda
Subxaana Laah.
Cabdiqani Yuusuf Caateeye
HiilDanExpress
|