Waligaa Ha Fududaan.! By Mudane

Fadlan gabayga iga qabo
Farduus waa midaydii
Fatxi weeyi gabadhani
Fahan kaygu muu talin
Fikirkana kumaan garan
Hayeeshee fataaxaa
Foolkayga keenoo
Farduus tayda weeyaan

Filimada aduunyada
Faaladooda maangalin
Fusuq lala waregana
Waan kafoojignaan jiray
Faqrigiyo dhibtii hore
Fatxibaa kadaba yimid
Faral la igu leyahay
Kama raacin faran wali
Fiirada dhexdeenee
Dadka kala fogaysana
Farahaan kataagaaaa
 
Waligaa ha fududaan
Ha fogaana saliyoow
Fircoon dhaqamadiisii
Fikirkaaga yay galin
Fidnad ha,u;abaabulin
Dadfasadka lagu daray
Farxaduna halkay taal
Haka dooran foolxumo
Hadal fiicanoo jira
Ha;uyeedhan feedhfeedh

Waligaa hafududaan
Hafogaana saliyoow
Hanataagin foodoo
Dadka fara hadheeraan
Fajacbaa inoo iman
Faranbaa haleeyiyo
Filsanbaa  utalisaa
Lagu foofin xoolaha

Waliga hafududaan
Hafogaanin saliyoow
Hana filin najaax uun
Falwaxaa imaankara
Fareheenu qabankarin
Mafilaayo taase
Fooqsare wixii yaal
Ha,utaagin farahoo
Waan fuulayaa daa
 
Waligaa hafududaan
Hafogaana saliyoow
Ninka kuu far taagan
Hafudaydsan waligaa
Hada firix kumaan odhan
Fulay nagaba dheereee
Faa,iido lagu dego
Fadlan adigu doon doon

Waligaa hafududaan
Hafogaanin saliyoow
Filsan teena haku furin
Fikir kaaga ooqudha
Fiiri talada aad fali
Hana siifur furin gabi
Finka keeni qaladkana
Hafadhfadhin dushiisoo
Fidnad uun ayay dhalan
 
Waligaa ha fududaan
Hafogaanin saliyoow
Fadlan anuu ma odhan karo
Anaa fiicanoo qudha
Waxaad filaysana
Firfir laguma heli karo
Foojignoow intaad kari
Fiiradaadu yay lumin
 
                                  
C/Fataax Daahir Cige
Mudane_22@Hotmail.Com
Cairo-Egypt