Xusuustii Xanuunka Reebtay – By Ghandi

 

 

Xusuustii Xanuunka reebtay ee Wadaadadii

la toogtay 1975 & Gawraca 2008

 

23dii Ap 08 Ciidamada Ethiopia ee ku gawracay masaajidka Culimada iyo indheer garatada waa mid aan la iloobi kareyn Illahayna naxariistii Janno haka waraabiyo

hababa Abdillaahi yusuf oo Nin la soo shaqeeyey dawladii

hore ee gaysatey dhacdadan hoos ku xusan Dadka qaarkii

haday iloobeen Dad aan iloobayn ayaa jirra .

 

11dii January1975: Dawladii kacaanka ee Siad Barre

waxay soo saartey Qaanuun loogu magac daray sharciga Xeerka Qoyska,Dadweynuhuna u bixiyeen ( Hooga Qoyska)

 

12dii Jan 1975: Siad Barre wuxuu Khudbad ka jeediyey Garoonka

labaad ee Muqdisho ( Stadio Cons ) oo ahayd Munaasibad ku saabsanayd Maalinta Haweenka.waxaana ka raacay fadeexad

markuu laaley Xeerkii Islaamka ee Xeerinaayey Guurka,Furniinka

iyo Dhaxalka wuxuuna ku badalay in Haweenku la simanyihiin

lana xuquuq yihiin Ragga iyo wixii xuquuqa ee Madani ah

isagoo waliba xadeeyey Haweenka badan ee la guursanayo

wuxuuna tirtirey Sharcigii Fiqiga ahaa ee Maxkabadaha Dalka

lagaga Dhaqmaayey ilaa aamanuuntii & Aaydihii Quraanka ee ka hadlaayey Dhaxalka iyo Guurka oo loo fasirey in Haweenka la

Dulamay taas oo ka soo horjeeda Diinta Islamka.

 

13dii Jan 1975: wuxuu la shirey Garsoorayashii Maxkabadaha Dalka wuxuuna u sheegay in goáanka Daryeelka Qoyska Somaliyeed laguna dhaqmo.waxaana ka Biyo diiday Culumo badan oo dhegna jalaq u siin waayey waxayna uga jawaabeen

si kulul oo cadho ku dheehantahay waxayna culumadu bilowday

Maxaadarrooyin iyo kullamo lagu nacladeynayo ku qabteen

masaajidyada.

 

16-17dii Jan 1975: waxaa dhamaan masaajidada waaweeyn ee

Muqdisho lagu soo firdhiyey Boqolaal ka tirsan Ciidanka

Nabad Suggida Somaliyeed ( NSS ) si ay u dhagaystaan Tafsiirka la akhriyaayog gaar ahaan masjidka Arbaca Rukun oo Cashar ku saabsan sinaanta Ragga iyo Dumarku uu ka socday una qabtaan Culimada hormoodka ka ah. isla maalintaas waxay

qabteeen 35 Wadaad laguna eedeyey gacansaar inay la leeyihiin Ururo Carbeed  oo Qowlaysato ah isla markaana Dhaqaale iyo tababaro ka helaan Wadamo Carbeed sida Saudi Arabia

 

18-19kii Jan1975: Wadaadan waxaa la qaadey Dacwadoodii iyadoo

loo raadinayo sababo culus oo loo waafajinayo Xukunkooda

19kii Jan 1975 waxaa la xukumay wadaadadii iyagoo lagu kala xukumay dil iyo xabsiyo kala duwan waxaana loo xukumay sidan

 

 

10 Wadaad waxaa lagu Xukumay dil toogasho ah waxaana lagu toogtay Dugsiga Booliska 10:00kii subaxnimo waxaana daawasho looga kal yimid Goloyaasha Dawlada & Ciidanka qaybihiisa kala duwan iyo Dhamaan G/Banadir waxaana dul heehaabayey oo la soo kiciyey labo Diyaaradood oo ah nooca dagaalka si Dadweynaha loo cabsiyo galiyo markii ay dulmaraayeen Xaafada Waaberi labadii Diyaaradood wey isku Dhaceen Waxaana ku naf waayey 52 qof oo rayida.Illahay ha u naxriiste iyaga iyo  Wadaadadii la toogtay oo kala  ahaa sidan

 

 

 

1.Sheekh Axmed Sheekh  axamed

 

2.Sheekh Cali Xasan Warsame           

3.Sheekh Cabsiiye Diiriye                 

4.Sheekh Cusman Jaamac                

5.Sheekh Maxamud saciid Xersi 

6.Sheekh Cali Jaamac Xersi 

7.Sheekh Aadan Cali Xersi 

8.Sheekh Yasiin Cilmi Cawil 

9.Sheekh Axmed Liiban 

10.Sheekh Muuse Yuusuf

 

6 Wadaad waxaa lagu xukumay 30 sanno oo xariga waxayna kala ahaayeen sidan

 

1.Sheekh Aadan Nuur Cilmi Cali

2.Sheekh Maxamed Samatar Cali

3.Sheekh Cabdi salad Cabdullaahi

4.Sheekh Xersi Xuseen

5.Sheekh Aadn Cabdullahi

6.Sheekh Xasan Barre

 

17 Wadaad waxaa lagu xukumay 20 Sanno oo xariga waxayna kala ahaayeen sidan.

 

1.  Sheekh. Axmed Mxamed  usman  

2.  Sh.Cabdi Cali C/rahmaan

3.  Sh.cabdi Cabdullahi

4.  Sh.Maxamed Maxamud Weheliye

5.  Sh.Axmed Cali Yusuf

6.  Sh.Shariif Maxamed Yusuf

7.  Sh. cabdullahi Faarax Cigaal

8.  Sh.Macallim Xasan macallim C/rahmaan

9.  Sh.yacquub Maxamed macallim

10.Sh Macallim Cabaas Muse Faarax

11.Sh Bashiir Sheekh Maxamed

12.Sh.Cali Mursal Maxamed

13.Sh.Cumar sSheekh Cali

14.Sh.Abuubakar Xasan

15.Sh.maxamed Abdi

16.Sh.Ismaaciil Xasan Aaden]

17.Sh.Xasan Cawaale

 

Markii u dhacaaayey xukunkani Madax badan oo Somaliyeed kama ay hadal waxayna u ahaayeen markhaati oo waliba qaarkood ay noolyihiin  Madaxdii Somaliyeed  ee wakhtigaas waxay u a dagaalameen qabiiladooda maanta Qaarkood ayaa nool ama hala socdeen cadowga ama ha hadhsadaan Maamul-Goboleedyo iwm. in lagu hor gawraco Culimadooda waxay ka yihiin raali Laakiin inteebay socon kartaa ? Somalidu weligedba wey diri jirtey weyna heshiin jireen , laakiin dawada kaliya ee Somalida maantu waa Diinta

taasina waa ta keentay in Culimadooda lagu Hor gawraco  .

 

NB

 

Abdillaahi Yusuf markii maalintii shaatiga dhiiga loo geshay Khudbadiisii ugu horeysay wuxuu yidhi: Cidii na soo weerarta waan

isk celinaynaa , Cidii nagu soo farogalisana waxaan dhahaynaa waar na daaya (Nairobi October 2004 ) maantana  ? ? ? ?

 

Hadii aan maanta wax fahmi weyno ma waaxaan sugaysnaa marka Amxaaradu kabbaha la soo gasho masaajidada * Dr :Omer Osman

Rabi 1998

 

 

Maxamed Xaji Ibraahim Egal: wuxuu yidhi Somali mar uunbay isku iman doontaa laakiin Ereteria & Ethiopia  yayna waxba daalin

 

Somaaliya Somali baa leh

 

Mahdi Farah Aden

Amsterdam / Holland

farahaden99@hotmail.com

 

 

                                           

                                  

 

 

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.