Boon Iyo Wargeyskii Tukaale
Sida qaalibka ah (As a matter of fact), kuma an dhalan Boon, waanse u dhashay, kuna barbaaray, waxanse ku dhashay una dhashay Gorayacawl oo wakhtigaasi Aabahay (suldaan Faras-cadde) ku hogaamin jiray ma jixinjixayaashii la odhan jiray GUNTI-GAABTA. Gunti gaabtu waxay ahaayeen ganacsadayaal ka difaaca ganacsigooda Xabashida iyo xulafadii u basaasi jirtay ee Koofiyad Dhuubta.! Aniguna wali halkii aynuunbaan ka taaganahay Xabashi iyo cid kasta oo u adeegtaba.
Wakhtgii an Boon si rasmi ah usoo degay waxay ahayd 1975 oo an ka bilaabay dugsigii H/Dhexe ee Boon. Dagaalkii 1977 ayaa isagun bilaabmay oo xigay. Isla sanadahaasna 77-79 waxa Boon ka bilaabmay wargays an wali aad u xusuusto oo socday ilaa iyo markii Boon iigu danbaysay ee 1981. Wargeyskan waxa lahaa Marxuun TUKAALE IBRAAHIM- GURAY (Raxmatullaah Calayhi). Wuxu ahaa Buug yar oo Tukaale dadka reer Boon oo dhanba uu ku weydiisan jiray inay wax ku qoraan.
TUKAALE, wuxu ahaa nin jimidh iyo joogba Ilaahay u dhammeeyay balse sanadahaasi (77-79) dhexdooda isku yar buuqay. Tukaale wuxu jeclaa in Buugiisa wax loogu qoro kadibna loo akhriyo. Hadaba Buugaasi yari wuxu noqday Wargeyskii ugu horreeyay ee Boon ka hir gala.
Waxanan ka mid ahaa dhalinyarada habeen iyo maalin kasta halkaas wax ku qora kuwa ugu badan. Xiisaha an u hayay af-soomaaliga oo qoraalkiisu igu cusbaa ayaan buugga Tukaale wax ugu qori jiray. Iyo tartan an kula jiray reer Boon oo an u immaday iyagoo af-soomaaliga ku wada gabya oo kuna wada bartay ololihii af-soomaaliga.! Runtii ma jiro guri reer Boon ah oo an laga heli karynin ugu yaraan hal qof oo af soomaaliga ku gabya kuna heesa ama ah gabayaa iyo heesaa. Waana mid ka mid ah mucjisooyinka Boon dheertahay dalka intiisa kale.
Tukaale, waxan ahayn daris oo labadayada guri waxay isku hayeen cidhifka. Waxan xusuustaa, Tukaale oo intuu isa soo taago kadinka gurigayga, kadibna igu yidhaahda: “Waryaa Garaad C/Qani, waar bal kaalay Huunno ii qor-qor Buugii”. Aniguna waxan ku odhan jiray: “Huunno Tukaale Maxaan maantana kuu qoraa”. Wuxu iigu Jawaabi jiray: “Waxad ii qortaa sheekadii waar Garaad hana madhin, waar garaad hanna madhin”.
Sida qaalibka ah, waxan ku bilaabay buugaasi inaan ku qoro sheekooyinkii Boqor Wiil-waal, gaar ahaan sheekadii ahayd waar Garaad hanna madhin. Tukaale (AUN) halkaas ayuu ka soo xigtay magaca Garaad, had iyo jeerna wuxu igu odhan jiray, Huunno garaad kaalay ii qor buuga. ALLAHAYOOW KUU NAXARIISO TUKAALE
Si kastaba ha ahaatee buugaas yar ee Tukaale, waxan ku tilmaami karaa inuu ahaa Wergayskii ugu horreeyay uguna danbeeyay ee maalin iyo habeen laha ahaa, ee Boon kasoo baxa. Wuxu la mid ahaa sida shabakadaha caalamiga ah ee imika oo kale, oo wuxu lahaa Forum laysku dacaayadeeyo iyo qayb wararka lagu soo qoro, qayb wax lagu sawiro iwm, qayb suugaanta ah iwm. Aduu wuxu la mid ahaa uun sidaas shabakada SaylacNews oo kale, marka macal Forumka lagu daro.!
Balse, wakhtigani xaadirka ah, waxay Boon leedahay shabakado inkasta oo wali lagu jiro sii ballaadhin tooda. Dhalinyarada reer Boon, gaar ahaan facii wakhtigaasi Tukaale noolaa iyagu wax qori jiray, in badan ayaa ka nool oo ku kala baahsan dunida. Waxan odhan karaa facii 1975-1981 wax ku bartay Boon, waxay ahaayeen kuwii ugu tirada iyo tayada fiicnaa ee kasoo baxa Boon. Meel kasta oo ay joogaana waxan ka codsanayaa INAY:
- Wargeyskii Tukaale dib u xusaan dibna u habeeyaan,
- shabakadaha iyo wargeysyada kale ee Boona aad u ballaadhiyaan.
- Taariikhda Boon ururiyaan oo noo soo gudbiyaan
- Isku xidhnaanta iyo wada jirka dadka reer Boona aad ugu guntadaan
- Xeer iyo xaagaan Boon leedahayna ku xarriiqaan qalinka oo laysku xukumo
- Hadday Xoog milatari u baahdaana Gorayacawl weydiistaan.!
Sidaa iyo Waxay Boon ku tidhi ayaan ku nidhi. !
Cabdiqani Yuusuf Caateeye – GorayacawlNews
Boon (Qalbigaygaa jooga, qoloftayduna UK).