Hogaanka Gabiley, Toloow Yaa Hanan Kara?

Gorayacawl(All Boon -AB); Dhakhtar u dhashay beelaha Koonfur Soomaaliya oo  ka mid ahaa dhakhaatiir loo soo diray degaanka Gabiley sanadihii 1977kii  ayaa wuxu dhawaan noo sheegay in markii loo soo dirayay degaankaas, ay wasaarada caafimaadku ku war galisay inuu yahay degaan ay u badan yihiin beeralayda iyo xoolo dhaqatada beelaha loo yaqaano Gadabuursi/Samarroon. Xaqiiqda ma guuraanka ahina waxay tahay in dhulka gabiley la yidhaahdo yahay dhul Ilaahay ka sokow, bulsho-weynta  Gadabuursi lahaayeen jid ka jid.

 

Sida aynu ka  warqabnana,  Gabiley, waxa loo magacaabay inay noqoto Gobol ka mid ah lix gobol oo cusub oo dhawaan Madaxweyne Kaahin ku dhawaaqay. Inkastoo gobolkani yahay midka dhammaan dadka S/Land  isku raaceen inuu u qalmo gobol, ayaa hadana ilaa iyo haatan aan la wada dhammaystirin misna la xaqiijin degmooyinkiisa oo dhan  iyo xuduudahiisa.

 

Degmooyinka hoos yimaada Gobolka Gabiley,  ee ilaa iyo haatan la  shaaciyayna waxa ka mid ah Gabiley iyo Wajaale oo kaliya, taasina ma dhammaystiri karto darajada gobolnimo ee Gabiley. Degmooyinka qarsoon ee muramuhu ka jiro ee ilaa iyo haatan an la shaacina waxa ku jira Dila iyo degaanno kale oo ka tirsan gobolka qaddiimiga ah ee Awdal oo gaadha ilaa xeebta Lughaya.

 

Dhawaanna waxaynu ka dhadhansanay faallo lagu soo qoray Gabileynews oo aynu kasoo xiganay Haatuf in xeebihii iyo xuduudihii Gabiley rabtay an wali loogu dhawaaqin. Taasi oo innoo muujinaysa in Gabiley aanay xeeb la’aan qaadan Karin gobolnimada la siiyay, hungurigooda ugu weynina yahay in degaano xeebta Lughaya  hoos yimaada lagu soo daro maamulkooda.

 

Si kastaba ha ahaatee, haddii gobolka gabiley lagu soo daro dhul ka mid ah gobol weynaha Awdal iyo haddii lagu dari waayaba, waxa loo baahanyahay in dhulkaasi dadkii loogu yimidday ku laabtaan. Gobolnimada Gabiley kaliya kuma xidhna dhul ballaadhsi ee waxa kale oo ay ku xidhan tahay DAD ballaadhsi. Dadkii u dhashayna way ka qaxeen Gabiley oo colaadihii sokeeye ayaa aad u saameeyay.

 

Dadkaasi inta aan dibadaha u qixin waxay joogaan gobolka Awdal iyo gobolka soomaaliyeed ee Itoobiya. Waa dadka xaqa u leh inay hooygoodii Gabiley ku laabtaan, isla mar ahaantaana hantiyaan hogaanka cusub ee Gobolka gabiley. Sidaa daraadeed beelahaasi Samaroon, ee u dhashay kuna dhashay Gabiley waxa laga sugayaa inay dhulkoodii ku laabtaan, qayb libaaxna ka qaataan hogaanka iyo hanaanka Gobolka Gabiley.

 

Gorayacawl (AB)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.