Muqdisho Iyo Maanta
May 19, 2008 Leave a comment
Dagaalo geeystay Qasaare nafeed oo maanta ka dhacay Deegaanka Galgalato iyo Suuqa Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho. 19. May .2008. (Sh.M.Network)-Iska Horimaad Hubeeysan oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo Xogaga ka soo hor jeeda ayaa maanta ka dhacay suuqa Xoolaha lagu iibiyo ee Dayax isla markaana ku fiday Deegaanka Galgalato ee duleedka bari ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkani ayaa yimid kadib markii sida la sheegay Dagaal ay ku qaadeen Qaar ka Mid ah Xoogaga ka soo hor jeeda Dowlada Somali iyo Joogitaanka Ciidamada Ethiopia ee Dalka Somalia.
Inkastoo aan si dhab ah loo Sheegi Karin qasaaraha uu geeystay ayaa hadana waxaa ay dadka ku sugan halkaasi ayaa sheegay in Qasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo kala gaaray labada dhinac iyo dad Rayid ah oo ku sugnaa suuqaasi.
Dagaalka oo Socday Qadar Daqiiqado ah ayaa waxaa uu ku sii fiday Deegaano ka Tirsan Degaanka Galgalato oo duleedka uga Yaala Suuqa xoolaha lagu iibiyo ee Dayaxa ee magaalada Muqdisho.
Waxaa degan xaalada Goobaha ay Dagaalada Ka dheceen ee Suuqa Dayaxa waxaana Cabsi xoogan ay la soo deristay dadka ku nool halkasi.
Goob joogayaal ku sugan Suuqa Dayax ayaa sheegay in ay dagaalkasi la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan waxaana uu ahaa mid daryankiisa laga maqlayay agagaarka Goobata uu dagaalku ka dhacay.
Deegaanada ay maanta dagaaladu ka dheceen ayaa waxaa ay aheeyd meel aad u nabdoon oo aysan wax dagaalo ah ka dhicin dhawanahan waxaana ay dadka deegaanadasi ahaayeen kuwo ka ay dhagahooda ka fayo qabeen maqalka Rasasata iyo madaafiicda.
Shabelle Media Network.Somalia.