Ayaa labbo Bure Looki Reer u Furay?
May 27, 2008 1 Comment
By:Yaasiin Siciid Cusmaan
salaamu calaykum waraxma tulaahi wabarkaatu ilahay ayaa mahadle. aadna inoogu nimceeyay waxaan is leehay oon is waydiyaa:
- Maxaa haysta somalilnd ictirafkeeda?
- Mxaa loogu abaalguday shacabka soomalilnd ee daciifka ah?
- Maxaa laga dhaxlay gooni isku tagii ama dariiqee loo maray in somaliya laga go,o?
Waxyaabahaa markaan is waydiiyay waxaan iskugu jawbaa jawaabo baddan oo qaar waaliba u eeg yihiin qaarna murti ku jirto,, waxaa ii soo baxa markaan aad u eego maamulka iyo nidaamka ay qaaday soomaaliland ee shacabkaa doortay la yidhi, waxuu hog ku riday shacabkii soomalilnd oo topica aan soo qaatay ka turjumaya. siday shacabku ugu dhaceen hog ayna filayn?
waxaa jirta qiso yaab badan oo lamagac baxday BASIIRA MAXAMED…
Basiira Maxamed waa haweenay ku noolayd nabad iyo caano, hantida ay haysatada iskaga calool fayoobayd ama ku samir sanayd, haweenaydaa Basiira waxay lahayd jalxad aad ugu qaboojisa biyaha, xagaga ay kaga hadho haraadkiisa, maalin malmaha ka mida ayey jalxadii BASIIRA waxaa madaxa la galay dibi ay lahayd oo ay islahayd amhinba isagaad haysataa, Basiira waxay ku talisay in aan jalxadaa laga jabanin oo ay qaali ka tahay agteeda, ee lakiinse dibiga la gawraco, wiilashii ay dhashay way ka yeeleen waa waalide, jalxadii intoo la iska daayay ayaa dibigii gawrac dhuunta lagu dhuftay, basiiro faraxday, inyar kadib arinkii sidii ay moodaysay ma ay noqon, oo waxaa yimid in madaxani ku qudhmayo jalxada uuna ka bixi karin, dhan walba markii laga eegay, waxay ka fursan wayday in jalxadii ay islahayd badbadi la jabiyo si madaxa dibiga looga saaro. Basiiro Maxamed waxaa u yimiday yaab iyo amkaag, waxay wayday dibigii amhinkii, jalxadii qaliga ahayd. labadiiba, tallo iskuma kaa sheegtee far qaniin ayey is tidhi meesha jalxad iyo amhinba wayday,, Halqabsi ayey noqotay in taladii Basiira Maxamed lagu halqabsado, waayo waxay ahyd garwalba seeg.
Maanta waxaa taas ka dhigan shacabka somaliland oo is yidhi aad ku raxyasataan nabad uuna soomalida kale inala qabin, waxay shacabku si gaajo leh ugu ciil qabeen NABAD,, nabadii la hel dalkii la go aami in laga dhigo dawlad wadata hawlaheedii oo dhan,, haye maxaa ka danbeeyn lahaa nabdii shacabku u jeelay? in 18sanno la yidhaahdo waan horu maray oo waxan gaarnay dimuqraadiyad aduunka ayaan la simanahay waana ta inoo keenaysay ictiraaf, iyadoo wali fudhaladeedii iyo dadkii u amhinka ahaaba ayna ka soo agtoosin mamulkaa jirra hadda,
halkay se sartu ka qudhunsantahay? nababadaa shacabku waa jalxadii basiira, waxaa ka danbeeyay, in dastuur aan lugihiisii lahayn lagu dhawaaqo, shacabkiina qabyaalad loogu kala qaybiyo, ilaa jufo jufo,dimuqradiyada idacadha is maqla laga shegaa waa meel madhan waayo, waxaan jirin nidaam koobsanaya horumarka shacabka ilaa madaxbananida dalka, oo ay shacabka soomalilnd ay ku iloobaan dhibatadii badnayd iyo dayacadii badnayd oo ay sugayeen marka ay nabad iyo dawlad isku helaan in horumar iyo nololi ugu xigayso, waxaa taas isku fuuqsaday,,
Horaa looyidhi maxay ilbaxnimo uga guurtaa dhul horay ulahaa ilbaxnimada oo ay u adaa dhulkale? sidaa masar oo ay ka guurtay ilbaxnimadii ayna u guurtay griigii iyo bortaqiiskii ,haddana ay ka guurtay oo ay u guurtay Aasiya , jaban iyo Ruush, imkana ay u joogtaa US A,?
waa mamul wanaag, mamulkaa wanaagsan oo uu hanto qiyaado wanagsani ayaa horumar lagu garaa,waxaa u badalay shacabkaa soomalilnd in ay horumar garaan iska dayee in 18sanno oo qabyalad iyo is cay iyo is jiid jiidad midba mid ku riixo xisbiyaddii ama mamulkii dalka maxaafad iyo macaradba, ma jirro nin manta odhanaya DAAHIR rayaale siilanyo, iyo faysal in ay ka badax bananyihiin qabyalad, taas oo shacabkii iyo dalkii himiladiisa ka dhigay in ay is eeg eegaan waliba ay kala jiitaan shacabka, sidaa daradeed shacabkii soomalilnd ma faiiday18sanno oo madaxnimo ay haystaan iyo xoriyad? waa maya, miyayna ahayn shacabkii nabdiisii in mamulxumo madaxa la galay, haddii aad madaxda daysataana ay nabdii burburayso iyo ictiraafkii, haddii nabada daysataana madaxaasi inigaga qudhmayo oon horu mar la gaarayn, ilayn maihin rag ku haboon marxalada maanta shacabku marayo, waana malintii loo baahnaa in la helo mamul aad u maskaxbadan oo 3 maskaxood iyo 3 cxaqli leh mid uu kula socdo siyaasada dibadda, mid uu ku mideeyo umamada soomalilnd oo uukagag tirtiro qabytaalada, iyo mid uu dalkani ku horumarinayo hadaytahay, ka saarid faqri iyo ictiraafba..
Haddiise shacbaku iska garan waayo mamul xumada haysata ee seddexdaa xisbi oo is dhaamin in ay la mid noqnayaan , Basiira maxamed oo ay soomalilnd baad sheegiye ay wayayaan nabdaa,
iskaba dhaaf horumar la tiigsadee, in ay isku dili doonan xuduudaha goboldaa lagu saleeyay qabiilada, si cod loogu helo. kuwa macardkuna kaba sii liitoo mahayaan nidaam iyo wacyi umada ay u sheegayaan oo ay leeyihiin waan inii damanaynaa, taasna waxaa garta ninka madaxda ah ha barto ama ha u dhashee madaxnimadee, dadkiisa iyo dalkiisa u qiiroonaya ee qiiro wadanimo iyo mid shacabkaa daalkay ee miskiinka ah lagu horqadayo waxyabaha ku habsaday ee qabyaladu u badantahay,
Waxan ku soo gaba- gabynayaa qoraalka oo ila tagay awgeed;, in dalkani u bahanyahay nin aad u xeel dheer u ildheer aadna u naxriis badan shacbkiisa iyo dalkiisa,,,, waad ogtihiin in been uun la isku sheego qoladan udub waa group aad isku ilalinaysa oo maxaradkaa meesha karidanaya uun iska eegaya shaqdoodiina ay qdatay iska cabinta macardka, kulmiye iyo ucid way ka ridanayaan oo wax dhaama mahayaan, ayaa la sugi shacbkaa la sugi in ay sidani sii ahadaan iyo in ay waxii ay horay ugu daleen ay sidaa kagaga hadhaan, waxanse leehay
ayaa siilanyo, daahir , faysal somaliland tuurta u furay?
By: Yaasiin Siciid Cusmaan
Khartuum
Sudan
aad baan inii salamyaa
wax yabahii aan dareemayey ayaa maanta reer booram in yar ila oo dareemayaan .intii dareensanaydna waxan leehay haa waa kaas ee ha latashado umadnan ha loo jiheeyo.sww.