Dagaal Oogayaasha Deriskaaga: Warlords Next Door(Dispatches)
May 28, 2008 1 Comment
Waxaynu Dhawaan ka daawannay Channel 4 TV UK barnaamij xiiso badnaa oo ku saabsanaa sida dawladdan Ingiriisku ay u badhi taarayso dagaal oogayaasha muqdisho iyo sida dagaal oogayaashaasi ay taageeradaasi ugu adeegsanayaan jidh dilka, dhaca, boobka iyo xasuuqa Ummadda Sooomaaliyeed ee Muqdisho. Barnaamijkan oo dad badani fiirsadeen ayaa waxaynu jecelaysannay inaynu dib u xusuusino intii an wali fiirsan. Barnaamijkaas oo loo yaqaano DISPATCHES ayaa isagoo qoraal kooban ah lagu soo gudbiyay isla websiteka channel 4 UK. Qoraalkaasi oo dabadeed an idiinku tarjunnay af-soomaali, ayaanu halkan idiinku soo waraajinay. Isla qaybtii Af-Ingiriiska ahaydna waa ay ku daba taxan tahay oo xaga hoose ayaad ka heli doontiin.
Afarta qab-qable ee lagu eedeeyay inay jaqayaan dhiiga dadka Muqdisho ayaa afartooduba waxay deganaansho rasmi ah ku leeyihiin dalkan Ingiriiska waxayna kala yihiin Madaxweynaha Dalka; Jananka ciidamada Nabad Gelyda; Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha; iyo taliyaha Hayada Sirdoonka Dalka. Intaba waxa taageerta dawladd Ingiriiska, lacagta cashuuraha Dalkan Ingiriiska aayaana lagu bixiyaa inay nabad galyada Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho ku ilaaliyaan. Hadaba dadka intii an daawanin waxay akhrisan karaan qoraalka kooban ee Dispatches laga soo sameeyay oo u dhignaa sidatan:
(1). Dagaal Oogayaasha Derisikaaga
Barnaamijkani Dispatches ayaa wuxu daah furayaa sida siyaasiyiinta horta leh ee soomaaliyeed ay shidhka ugu jiraan dagaalka halista ah ee ka taagan soomaaliya,- kaasi oo lagu tilmaamay inuu yahay mid dhaliyay Binu-aadnimada ugu xun adduunkan, iyo sida siyaasiyiintaasi somaaliyeed u yihiin kuwo ku lada oo ku raaxaysta Xidhiidhka dhaw ee ay la leeyihiin dalkan Ingiriiska. Waxay haystaan Baasabooro (Passports) Ingiriis ah ama Kuwo Yurubiyan ah, qooysaskooduna dalalkan ayay ku noolyihiin, iyaguna waxay kolba dhinac u daansha-daanshoodaan inta u dhaxaysa dalka soomaaliya iyo guryahooda ku yaalla dalkan Ingiriiska. Magaca Diimuqraaddiyada daraadeed ayay cashuur bixiyayaasha dalkani Ingiriisku ku taageeraan, hadana kuwaasi [siyaasiyiinta Soomaaliyeed] waa danbiilyayaal lagu soo oogay waxyaabo la xidhiidha xasuuqid, jidh dil, dhac iyo musuq-maasuq
Wariyaha magaciisa la yidhaahdo Aiden Hartley ayaa sufraarka u dhaansaday si uu usoo dhegaysto dacwadahaas loo haysto afar ah siyaasiyiinta sare ee Soomaaliyeed, ee dawladaha galbeedku badhi taaraan. Waa baadhitaan uu ka bilaabay magaalada Leicester iyo Birmingham ee dalkan Ingiirska uuna ku dhammeeyay magaalada Muqdisho- oo ah magaalo aad u khatar ah, halkaas oo isaga iyo Agaasimahiisa Jim Foster ay yihiin Suxufiyiinta kali ah ee ka socda reer galbeedka, ee goob jooga ahaa.
Hogaamiyayaasha dawladda wakhtigani xaadirka ah ee la qotomiyay 17 bilood ka hor markii ciidnaka Itoobiya ay muqdisho ka qabsadeen kooxdii Maxaakimiinta Islaamka, ayaa waxa laga sugayay inay soo celiyaan nabad galyadii iyo xasiloonidii dalka kaga luntay sanado badan oo dagaalo sokeeye lagu jiray, isla mar ahaantaana ay tirtiraan uruka Al-Qaaciida ee ka jira geeska Afrika iyo xulafadiisaba. Hadaba baadhitaankani wuxu ka bilaambay dalkan Britain. Jaalliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan UK gudaheeda ayaa wuxu Mr Hatley ka ogaaday inay si weyn uga cadhaysan yihiin in cashuur bixiyayaasha dalkani Ingiriisku ay taageerayaan siyaasiyiinta soomaaliyeed ee Jaalliyadani soomaaliyeed ku sheegeen inay yihiin kuwa ku macaasha qoriga caaradiisa iyo qalalaasaha ummadda Soomaaliyeed.
Magaalada Liecester gudaheeda ayaa wuxu Mr Hatley kula kulmay mid ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee sharciga Britishka haysta ama kuwa deggenba (British-Somali), oo u sheegay inuu bixyay lacag madax furasho ah, taasi oo lagu soo daynayay dhawr qofood oo qaraabadiisa ah. Wuxu ninkaasi sheegay, in dadkaasu qaraabadiisa ah, lagu muquuniyay dhul hoose, meeshaasina qofka xukuma uu yahay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Soomaaliyeed isla markaana guri ku leh isla magaaladan u ku noolyahay ee Liecester oo ay dariswadaag yihiin.
Si loo helo warar dheeraad ah, Hartley iyo Fostar ayaa waxay u socdaaleen magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku arkeen magaalo kusii socota uub hoose oo leh xasillooni darro iyo xaalad xun oo xad dhaaf ah. Dagaal bahalnimmo oo ka dhex socda kooxaha dawladda ka soo hor jeeda iyo ciidamada dawladda ayaa waxa ku dhintay dad ka badan 7,000 oo shicib ah, wuxuna keenay qixidii ugu weyneeyd taariikhda ee caasimad loogaga qaxo tan iyo intii ka dhacday Cambodia.
Isla markiiba dhacdada foosha xun ee dagaalka ayaa filim lagu soo duubay kadib markii bombaamo jideed ay ku qaraxday baabuurkii ay la socdeen kooxda barnaamijkan Dispatches, iyagoo la socda gawaadhi amaankooda la ilaalinayay, oo loo isticaamli jiray in laysaga caabiyo af-duubayaasha iyo budhcadda. Saddex qof ayaa halkaas lagu dilay, saddex kalana waa ku dhaawacantay. Weerarada noocan oo kale ah, iyo hoobiyayaasha an loo aabbo yeelin, dilka iyo jidad gooyadu, waa dhacdooyin la caadaystay maalintii alla keenaba.
Hartley, wuxu baadhitaan ku sameeyay eedaymo loo soo jeediyay Hayada sirdoonka Qaranka (National Security Agency) ee u dhiganta kuwan Ingiriiska ee MI6 iyo CIA, gaar ahaan qaybaha loo qoondeeyay ka hor tegga argagixisooyinka, oo lagu eedayay inay hawl gallo xilkas darro iyo xaalado qeyru caadi ah ku shaqaynayaan. Wuxu dhegaystay eedaymihii dhacdooyinkaas ugu horreeyay ee ku lug lahaa, iska been xidhid, jidh dil, iyo laaluush laga qaado maxaabiista kadibna la sii daayo kaliya cidii bixisa.
Kooxda wadday barnaamijkan Dispatches ayaa waxay aadeen duleedka magaalada muqdisho, halkaas oo ay xeryo saxo xun ku noolyihiin boqolaal kun oo ruux oo shacbiya oo cabsi daraadeed uga soo cararay magaaladu. Waxay tuurasha iyo dhooqada dhexdeeda ka samaysteen oo ay ku noolyihiin cariishyo ka samaysan baco iyo shirib. Waxay dhammaantood ku xidhan yihiin deeq binu-aadnimo oo ay ugu yaboohaan wadamada Ingiriiska iyo kuwa kale ee deeqaha bixiyi, balse durbadiiba way gaajaysan yihiin, waxana ku dhacay cuduro. Hartley, wuxu baadhay sobabaha aanay shaqaalaha gar-gaarku inta badan usoo cago dhigan Muqdisho iyo sobabaha dadkan baahiyaysan ee dagaalku saameeyay aanay u helaynin caawimaadaha raashinka iyo daawooyinka ay sida aadka u xun ugu baahanyihiin. Ugu danbayna, baadhintaankani wuxu daraasaad ku sameeyay hub ku garaacista ( indiscriminate bombardment) an loo aabo yeelin, ee dadka shicibka ah lagu hayo, meelaha loo aanaynayo inay kooxaha mucaaridku ku qarsoon yihiin
Markii uu dalka kusoo laabtayna Hartley wuxu ka waraystay wasiirka u qaybsan arrimaha Afrika ee magaciisa la yidhaahdo Lord Mark Malloch-Brown arrimo la xidhiidha taageerada uu Ingiriisku u fidiyo dawalada Soomaaliyeed ee hogaaminaysa wajigii dagaal ee ugu xumaa 17 kaa sanadood ee dagaalka waxshinimo ka jiray Soomaaliya
(2). Warlords Next Door?
Dispatches reveals how key politicians at the heart of the vicious fighting in Somalia – described as the world’s worst humanitarian crisis – enjoy incredibly close links to Britain. They have British or EU passports, their families live here and they commute between Somalia and homes in English cities. British taxpayers are financing them in the name of democracy – yet in Somalia they are linked to allegations of mass murder, torture, extortion and corruption.
Reporter Aidan Hartley sets off on the trail of four senior figures in Somalia’s Western-backed government – an investigation which takes him from Leicester and Birmingham to Mogadishu – a city so dangerous that he and director Jim Foster are the only Western journalists on the ground.
The leaders of the current government, installed 17 months ago when Ethiopian forces seized Mogadishu from Islamic militants, were expected to restore peace after years of civil war, but also to destroy Al Qaeda and its allies in the Horn of Africa. The investigation begins in Britain. Among the British-Somali community, Hartley finds anger and frustration that taxpayers are sponsoring politicians who they claim are ruling by the gun and profit from conflict. In Leicester, one British-Somali tells Hartley he was recently told to pay ransoms for the release of several relatives languishing in a dungeon controlled by a senior official in the Somali government who has a house in the same Leicester neighbourhood.
To find out more, Hartley and Foster travel to Mogadishu where they find a city descending into chaos and extreme violence. Vicious fighting between insurgents and the government forces has killed more than 7,000 civilians and produced the largest exodus from a capital city since Poll Pot’s Cambodia. The immediate horrors of the fighting are captured on film when a roadside bomb hits a vehicle escorting the Dispatches team while they’re driving in convoy with armed security guards, used to fend off kidnappers and bandits. Three people are killed and three others wounded. Attacks like this are a daily occurrence, together with indiscriminate artillery shelling, assassinations and street skirmishes.
Hartley investigates allegations that the government’s National Security Agency (NSA), the counterpart to MI6 and the CIA in counter-terrorism operations, is operating with extreme methods. He hears first-hand claims of false imprisonment, torture and extortion from prisoners who are only freed when ransoms are paid.
Dispatches heads to the outskirts of Mogadishu where hundreds of thousands of terrified civilians from the city have fled to live in squalid camps. They live in huts of plastic and sticks among the sand dunes. They all rely on humanitarian aid from Britain and other donor countries, but they’re already starving and falling sick. Hartley investigates why aid workers rarely set foot in Mogadishu and why the desperate victims of war are not receiving the food and medical aid they so badly need. And finally, the investigation examines claims of indiscriminate bombardment of civilian districts where insurgents are thought to live.
Back in the UK Hartley interviews Minister for Africa Lord Mark Malloch-Brown about British support for this Somali government that is presiding over the worst phase of conflict in 17 years of vicious civil war in Somalia.
Waxa idiin Tarjumay : Cabdiqani Yuusuf Caateeye (Allboon.com/hiildan.org)
Translated by: Abdiqani Yusuf Ateyeh (Allboon.com and hiildan.org)
Source Channel 4 Uk Website.
scw walaaal waxaan radinya shirkaad soo saarat filimaada marakaa hadaad garanaysaan plz igala soo xidhiidh imaylkan scw