Monthly Archives: June 2008
Iska Daayaay Tahriib
Mile-high tower wars: How tall is too tall?
Tahriib Iyo Talo

Maanta Waa Maalin Hooyo Weyday Wiilkeedii
Dhacayeey Aabo i Qabo, Dhakhso Hooyo ii Gurmo: Dhawaqa Dhallinta Awdal
Abwaanada Boon: Cabdi Saayiq
Cabdi Saayiq wuxu ka mid ahaa Abwaanada Boon ee gabya, murti kooban oo ka mid ahayd gabay abwaankaasi an ka haynana waxan kasoo xiganay C/Raxmaan Aw-Faarax Sigad.
Somaliland/Puntland iyo Jabuuti Vs Eritariya
London(HiilDan). Wararka ugu dambeeyay dhawaanahan ayaa waxaynu ku aragnaa in Ummadda Soomaaliyeed ee gobol kastaba lihi ay si weyn uga hor jeedaan daandaansiga nafla caariga ah ee ciidamada Eritariya kula dul dhaceen dalka Jabuuti. Hadaba waxaynu faalladeenan ku eegaynaa dhawr qodob oo kala ah:
Sick babies turned away by hospitals – London UK
16.06.08
About 500 critically ill children and babies have been turned away from London hospitals because of a shortage of intensive care beds.
Dhacdooyinka Wakhtiga Cusub
BY: Suleymaan Dugsiiye
Qarnigan aan ku jirno waa hubaal inuu is badal badan wato. Ka u weyna yahay khayraadkii dunida oo gabaabsi ku dhow. Taasina waxay dhalisay in dowladaha aduunku dib u qorsheeyaan arimahooda ku aadan docyada siyaasada, dhaqaalaha iyo deegaanka. Waxa taa ka markhaati ah waxa ka socda Bariga Dhexe, Afrikada Galbeed iyo Geeska Afrika. Dhacdooyinkooduna aad moodo inay ku salaysan yihiin boob iyo gumaysi doon casriyaysan oo ku qotoma: Qaatee qaado, Yaan lagaaga horayn, Sobotaad dooni u yeel, Maxaa kaa galey. Bal xoogaa aan falanqayno qarnigan an joogno wuxuu wato iyo sidey wax u socdaan.
Tobabarayaasha Iyo Ciyaartooyda Kubbada Cagta Adduunka Iyo Mushaharooyinkooda
By: Mahdi Ghandi
Ducooyinkii Boon: Ilaahoow Iskarogo Loxoox Ah..!
Ducooyinka an ka xusuusto Odayadii Boon waxa ugu caansanaa Saddex duco oo an marnaba Illaawin, Waxayna ducooyinkaasi kala ahaayeen sidan hoos ku xusan:
Continue reading
Boon Awdal Vs Boon Midgaan iyo Inkale (Others)..!
Waa laga yaabaa inay jiraan dadka qaarkood oo isku qalda magaca Boon oo ah degmo ku taalla gobolka Awdal/Salal ee Woqooyi Soomaaliya Iyo Magaca Boon oo loo yaqaano qabiil Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Midgaan/Madhibaan Iyo magaca Boon dheere ee Banaadir ama Boon Germany, iyo magac kale oo boon ah ..iwm.
Macalimiintii Boon Maxaad ka Xusuusataan.?
Intii u dhaxaysay 1975 -1981 waxa Boon soo maray Macalimiin tiro iyo tayo badan. Kuwa an ka xusuusto waxa ka mid ahaa:
TACSI
INAA LILAAH WA INAA ILEYHI RAAJICUUN
Dhammaan bahda HiilDan iyo AllBoon.com waxay si wada jir ah uga ticsayaynayaan geerida ku timid marxuumiinta kala ah:
Khudbaddii Mandela: Qaybta 5aad
Eedaymaha kale ee dawladu keentay waxay ahaayeen in ujeedooyinka iyo hadafka ururka ANC iyo uruka Shuucigu ay isku mid ahaayeen. Waxan rabaa inaan arrintani kula la tacaalo shaqsiyan mawqifkayga siyaasadeed, maxaa yeelay waxan tuhunsanahay in dawladu isku daydo inay murame ka keento carwooyinka qaarkood (certain exhibits) oo ah inaan mabda’a ‘maarkasiisamka’ (Marxism) kusoo daray ANC. Eedaymahaas khuseeya ANC waa been. Tani waxay ahayd eedayn gaboowday oo lagu waayay dacwadaydii ku saabsanayd khiyaamada (treason trial) taasi oo hadana mar labaad madaxeedii mijo laga yeelay (reared its head). Balse, marba hadiiba eedayntaasi mar labaad lagu soo celiyay, waa inaan la tacaalo iyada iyo sidaa iyo si le’egba xidhiidhka u dhexeeya ANC iyo Ururka Shuuciga iyo Umkhonto iyo urukaa kale.
Raaskii Caddaa, Rijaalbaa Ka Talin Madoow..
Senator Barak Obama wuxu kala badh u jiraa inuu gaadho Guriga Cad (Half-way to the white House) ee looga taliyo Ameerika iyo Adduunkaba. Waa shaqsigii igu horreeyay ee Madoow ee ku soo baxa is reeb-reebka loogu jiro jagada Madaxnimo ee dalka Maraykanka. Waa guul usoo hoyatay guud ahaan dadka ku nool Maraykanka oo muujiyay wajigoodii Diimuqraaddiyadnimo. Inkastoo lagu xisaabtamayo inuu wajigoodii Cunsuriyadnnimmo wali qarsoonyahay oo malaha (perhaps) ay la sugayaan marka doorashada ugu weyni timaado ee loo tartamayo qofkii ka talin lahaa Guriga Cad (the White House) ee Maraykanka. Hadana ilaa iyo haatan Mr Obama iyo intii taageertay waxa usoo hoyatay guul la taaban karo.
Saadaashu Waa Guul.
Khudbaddii Mandela: Qaybta 4aad
Khibrada ayaa noo sheegtay in jabhaydayntu ay dawladda siin doonto fursado an xad lahayn oo si an Aabo u yeelis lahayn ay ugu gasaarto dadkayaga. Balse run ahaan taasi waxayba ahayd sobabta ay carradayda Afrika ula qul-qulaysay dhiiga dadka an waxba galabsan ee Afrikaanka ah, taasi ayaana na dareensiisay inay tahay shaqadayada inaanu qorshe dheer ula diyaarsano si an u isticmaalno cudud si aynu iskaga difaacno cadowga. Haddii uu dagaal noqon lahaa mahuraan, waxaynu rabnay inaynu u dagaalano sida ugu waafaqsan shuruudaha dadkayaga. Dagaalka aynu saadaalinay inuu noogu fiicanyahay kuna keeni kara khasaaraha ugu yar xagga nolosha labada dhinacba wuxu ahaa kan jabhadaynta (guerrilla warfare). Sidaa daraadeed waxaynu go’aansanay, in u diyaar galoobista mustaqbalka aynu ku xisaabtano inuu dhici karo dagaal jabhadeed.
Khudbaddii Mandela: Qaybta 3aad.
Kaasi wuxu ahaa dareenkayagii June 1961kii markii aynu go’aansanay inaynu is badal ku samayno qorshaha Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Xoraynta. Kaliya waxan odhan karaa uun inaan dareensanaa, damiir ahaan inaan ku qasbanaa wixii an sameeyay.
Khudbaddii Mandela: Qaybta 2aad
1960kii dawladu waxay qabatay cod bixin lagu go’aansaday Jamhuuriyad. Dadka Afrikaanka ah oo ku fadhiya boqolkiiba 70 dadka dhulka Koonfur Afrika, xuquuq looma siinin inay codeeyaan, lagalama tashan qorshaha loo sameeyay in distoorka lagu badalo.
Khudbaddii Nelson Mandela (I am prepared to die).
Innagoo ka warqabna dhacdooyinkii murugada badnaa ee dhawaan ka dhacay dalka Koonfur Afrika, ayaa waxaynu jeclaysanay inaynu dib u jalleecno taariikhda dalkaasi. Taariikhda ugu kooban hadana ugu habboon ee dalkaasi lagu baran karana waxa laga heli karaa khudbaddii dahabiga ahayd ee taariikhda baalka sare ka gashay ee Nelson Mandela ka jeediyay isagoo dhex taagan Maxkamad 1964kii. Waa khudbad lagu cibaaro qaadan karo, duruusna laga baran karo oo akhristayaasha af-soomaaliga xiisaysi ay aad uga faa’iidaysan doonaan.
Waa khudbad ku tusaysa jaranjarooyinka loo soo maray halganka siyaasadeed iyo xorriyadeed ee dalka Koonfur Afrika. Waa khudbad ad ka dhadhasan doontiin sida loo soo xardho dunta xariirta ah ee shayga la yidhaahdo Diimuqraadiga dhabta ah iyo xusbiga sheegan kara Diimuqraadigaasi. Ugu danbayna waa hadal kasoo baxay hogaamiye Ilaahay siiyay haybad iyo sharaf oo hadduu Muslim noqon lahaa, gali lahaa janada, waa boqorka Adduunka Nelson Mandela.