Khudbaddii Nelson Mandela (I am prepared to die).

Innagoo ka warqabna  dhacdooyinkii murugada badnaa ee dhawaan ka dhacay dalka Koonfur Afrika, ayaa waxaynu jeclaysanay inaynu dib u jalleecno taariikhda dalkaasi. Taariikhda ugu kooban hadana ugu habboon  ee dalkaasi lagu baran karana waxa laga heli karaa khudbaddii dahabiga ahayd ee taariikhda baalka sare ka gashay ee Nelson Mandela ka jeediyay isagoo dhex taagan Maxkamad 1964kii.  Waa khudbad lagu cibaaro qaadan karo, duruusna laga baran karo oo akhristayaasha af-soomaaliga xiisaysi ay aad uga faa’iidaysan doonaan.

 

Waa khudbad ku tusaysa jaranjarooyinka loo soo maray halganka siyaasadeed iyo xorriyadeed ee dalka Koonfur Afrika. Waa khudbad ad ka dhadhasan doontiin sida loo soo xardho dunta xariirta ah ee shayga la yidhaahdo Diimuqraadiga dhabta ah iyo xusbiga sheegan kara Diimuqraadigaasi. Ugu danbayna waa hadal kasoo baxay hogaamiye Ilaahay siiyay haybad iyo sharaf oo hadduu Muslim noqon lahaa, gali lahaa janada, waa boqorka Adduunka Nelson Mandela.

Continue reading