Khudbaddii Mandela: Qaybta 3aad.

Kaasi wuxu ahaa dareenkayagii June 1961kii markii aynu go’aansanay inaynu is badal ku  samayno qorshaha Dhaqdhaqaaqa Waddaniga ah ee Xoraynta. Kaliya waxan odhan karaa uun inaan dareensanaa, damiir ahaan inaan ku qasbanaa wixii an sameeyay.

 

Anagay ahaayeen kuwii go’aankan gaadhay ee bilaabay inay la tashadaan hogaamiyayaasha ururo kale oo ANC ku jiro.  Ma sheegi doono ciddii an la hadlay, ama wixii ay igu yidhaahdeen, waxanse jeclaan lahaa inaan la tacaalo kaalinta ANC ay kaga jirto  halganka wajigani iyo macal qorshaha iyo ujeedooyinka Umkhonto Sizwe

Ilaa iyo xad inta ANC khusaysay (As far as the ANC was concerned), waxa loo abuuray waaqici muuqda oo an ku soo koobi karno sidatan hoos ku xusan:

  • Wuxu ahaa urur mug weyn oo leh ujeedo siyaasadeed inuu fuliyo. Xubnihiisun waxay ugu soo biireen iyagoo muujinaya oo u hogaanaansan qorsaha rabshad la’aanta ee ururka.
  • Iyadoo sobabtu taasi tahayna, kuma dhici karaynin, kumana dici karo inuu keeno rabshad.  Tani waa in la bayaansho. Midna uruka baaxada intaas le’eg iskuma wareejin karo inuu noqdo urur yar oo ku  xadhko xidhan loona qoondeeyay carqaladayn. Siyaasad ahaan kuma saxna, maxaa yeelay ururkan xubnihiisa ayaa joojin lahaa xarakaadkii muhiimka ahaa ee loogu talo galay inay sameeyaan sida: abaabulka iyo kicinta siyaasadeed (political propaganda). Mana noqoteen wax la aqbalo in la badalo dabiicada guud ee Urur dhan.
  • Docda kale (On the other hand), anoo jalleecaya amuurahan an sharxay, ururka ANC wuxu isku diyaariyay in ka gudbo qaabkiisii konton jirka ahaa ee ku dhisnaa qorshaha rabshad la’aanta, oo uga gudbo xadkan uu imika joogo ee ah inaanu sii wadi doonin inuu qaadaco rabshad si habsami leh loo xadiday (properly controlled violence).  Taasi aawadeed (Hence), ANC wax tallaabo ah oo ganaax ah kama qaadaynin xubnaheeda ka qayb gala falal noocaas ah.

Waxan idhi ‘rabshad si habsami leh loo xadiday’ (properly controlled violence), maxaa yeelay waan caddeeyay in haddii an aasaasay ururkan an mar walba u hogaansanaan doono hagida siyaasadeed ee ANC iyo inaan ka qayb qaadanayn xarakooyin kasta oo ka duwan oo ka shidaal qaadanaya kuwaas anoon ogolaansho ka haysan ANC. Imikana waa inaan maxkamada u sheego sida uu qaabkaasi rabsho u yimiday inuu ahaado mid lagu tuntuunsado.

 

Kadib natiijadii ka dhalatay go’aankan, Umkhonto ayaa la abuuray November 1961. Markii aynu qaadanay go’aankan isla mar ahaantaana aynu qoondeeynay qorsheyayaasheena, mar walba waxa si weyn noogu dheeraa  hidaha ANC ee ku dhisnaa rabshad la’aanta iyo isku jeelka jinsayadeed (racial harmony). Waxaynu dareenay inuu dalku usii qul-qulayay xaalad ku wajahan dagaal sokeeye oo Madaw iyo caddaan loo kala safan lahaa.

 

Waxanu xaaladdan ku cabirnay cabsi. Dagaal sokeeye oo dhacaayi wuxu noqon lahaa burburka dhidibka ANC; marka dagaal sokeeye dhaco nabad jinsiyeedku (racial peace) way ka adkaan lahayd waligeedba in dib loogu guulaysto. Tusaalooyin ayaa durbadiiba jira aynu ku hayno taariikhda Koonfur Afrika oo ku yimday natiijada dagaal sokeeye. In ka badan konton sanadood ayay qaadatay in dakharadii dagaalka ee Koonfur Afrika qarsoomaan. Muddo intee ka badan ayay qaadan lahayd in lagu tirtiro dakharada ku iman lahaa dagaal isku jir jinsayadeed (inter-racial civil war), kaasi oo qudhgooyo weyn oo dhan kastaba leh mooyiye an si kale u dhaceen.

Sanado badan ayay maankayga muquunisay iska dhawrka aynu iska dhawraynay inuu dagaal sokeeye dhaco, balse markii aynu go’aansanay inaan rabshad ku darsano qorshahayaga, waanu ogsoonayn in laga yaabo inaan maalin uun wajiga saarno muqaalka dagaalka sokeeye. Taasina waxa ahayd in lagu xisaabtamo marka aynu qoondaynayo qalqaaladeena. Waxaynu ubaahnayn qal-qaalo ah mid fur-furan (flexible) oo noo ogolaanaysa inaan ka duullno iyadoo la qoob-wadaagaysa baahida wakhtiyada; iyo guud ahaanba qal-qaalo ah mid garoowsan in dagaal sokeeye oo dhacaayi yahay xalka ugu danbeeya (last resort), balse waxaynu rabnay inaynu diyaar u ahaano haddii ay noqoto mahuraan [dagaal sokeeye dhaco].

 

Afar nooc oo rabshado ah ayaa dhici karayay. Carqaladaynbaa baa jirta,  Jabhadayn baa jirta (guerilla warfare), argagixisaa jirta iyo waxa jira gadood furan. Waxaynu dooranay inaanu qaadano middan ugu horreysa oo an horta iyada la gudhino inta aanan qaadan go’aan kale.

 

Iyadoo lagu dabaqayo aragtida  dhidibka aasaaska siyaasadayada (our political background), dookhayagaasi wuxu ahaa midka macquulka ah.. Carqaladdu(sabotage) lama qoob wadaagayn qudh gooyo, waxayna keentay rajada ugu fiican mustaqbalka ee jinsi xidhiidhada (race relations). Cadhada aadka u qadhaadh (bitterness) ayaa si kooban loo xafidi lahaa, hadii qorshuhu midho dhalo, dawlad diimuqraadiyi waxa noqon karaysay mid si run ah u timaada. Tani waxay ahayd wixii an dareensanayn wakhtigaasi, tanina waa middii aynu ku sheegnay bayaankayaga, oo halkan lagu soo gudbiyay (Exhibit AD):

 

“Haddii aynu nahay Umkhonto we Sizwe waxaynu had iyo jeer rabnay inaan ku guulaysano xorriyad an lahayn dhiig iyo colaad sokeeye. Waxaynu rajaynaynaa, xitaa saacadan dabe, in ficiladayadu ay ku kicin doonaan qof kastiba inuu ogaado xaalada masiisbo ee ay qorshaha cunuriyadu ku socdo. Waxaynu rajaynaynaa inaynu dawladda iyo taageerayaasheedaba ku soo celino caqligoodii ka hor intaanan lagu kala tegin, bal si dawlada iyo qorshayaasheedaba wax looga badalo ka hor intaan xaaladu gaadhin meel qallafsan oo dagaal sokeeye dhaco

Qabanqaabadadii (Qal-qaaladii) ugu horreysay waxay salka ku haysay oo si feejigan loogu qaadaa dhigay xaalada siyaasad iyo dhaqan ee dalkayaga. Waxaynu aaminsanayn in Koonfur Afrika ilaa iyo xad si weyn ugu xidhnayd maal galin shisheeye iyo ganacsi shisheeye (forieng capital and foreing trade). Waxaynu dareenay  haddii aynu ku dhaqaaqno burburinta awoodda korontada iyo farogalinta xadhkaha iyo isgaadhsiinta, inay taasi caasimadda cabsi ka galin doonto dalka, aadna u adkayn doonto waxyaabaha ka soo dega dhulka warshadlaydu inay wakhtigii loogu talo galay ku gaadhaan dikadaha, taasi oo mustaqbalka dheerna noqon lahayd culays  weyn oo curyaamiya dhaqan nololeedka dalka, sidaa darteedna ay ku dirqiyi lahayd in cod bixiyayaashu dib uga fikiraan mawqifkooda.

 

Weerarada khadadka nolol dhaqaaleed ee dalka ayaa waxay ahayd in carqaladu ku xidhnaato dhismiyaaasha dawlada iyo meelaha kale  ee calaamadaha u ah midab kala sooca. Weeraradani  waxay wadiiqo dhiiri galin u ahaan lahaayeen dadkayaga.  Waliba, waxay ajburi lahayd dadkani ku  hamiyayay inay ku dhaqmaan rabshad , anagana waxay noo saamixi lahayd inaan dadka na taabacsan siinno caddaymo ma guuraan ah oo muujinaya inaan dhaqan galinay khad kasii adag iyo inaan iska celinaynay oo an iska caabinaynay rabshadaha Dawladda.

Waliba, hadii ficil ballaadhan si guul leh loo aabulo, oo kaasina  keeno fal celisa ballaadhan [oo dawladu ku jawaabto], waxaynu dareensanayn in dalalka kale ee adduunku ay u dabci lahaayeen halgankayga, taasi oo cadaadis dusha u saari lahayd Dawlada K/Afrika.

 

Taasi ayuu hadaba markaas qorshahayagu ahaa. Umkhonto ayayna ahayd inay gudato xilka carqalada, xubnahdeedana waxa la siiyay amaro xakamaysan bilowgii ilaa iyo dhammaadkii, amaradaas oo ahaa inaanay dad ku dilin kuna dhaawicin qal-qaalada ama qabsoomida hawlgaladooda . Amarradanina waxay ku lifaaqan yihiin oo aynu usoo gudbinay cadayta maxkamada ee ‘Mr. X’ iyo ‘Mr.Z’

 

Ammuuraha Umkhonto waxa si toos ah u xukumayay Talis Sare oo Qaran (National High Command), oo lahaa awoodaaha  isku-magcaabista taasi oo uu ku magacaabi karo ama ku magacaabi Karin Talisyo Goboleed (Regional Commands). Taliska Sare wuxu ahaa unug qoondeeya tallaabooyinka la qaadayo iyo halka lagu toosinayo wuxuna u sarreeyay tobabarka iyo dhaqaalaha.  Taliska Sare waxa hoos imanayay talisyo goboleedyo oo ka masuul ahaa agaasinka kooxaha carqaladaha loogu talo galay ee heer gobol. Talisyo goboleedku iyagoo ku shaqaynaya qorashayaasha ay degeen Taliska Sare, ayaa waxay awood u lahaayeen inay iyagu calaamadaystaan meelaha la weerarayo.  Awood umaysan lahayn ay kaga gudbaan wixii ka baxsan hawlgalka taliska sare qoondeeyay. Tusaale, xubnaha Umkhonto waa laga mamnuucay inay waligoodba iyagoo hubaysan sameeyaan hawlgallo.  Inta an illaawin, qawaaniinta Taliska Sare waxa laga soo abqaalay Ururkii Waddaniga Yuhuudda ee la odhan jiray Irgun Zvai Leum, oo hawlgalay Israa’iil intii u dhaxaysay sanadihii 1944 iyo 1948.

Bishii Diisambar 16keedii ayay markii ugu horreeyay Umkhonto fuliyay hawlagalkiisii ugu horreeyay, markaasi oo la weeraray dhismayaasha dawladda ee Johannesburg, Port Elizabeth iyo Durban. Sida loo xushay meelaha la weeraray waxay caddayn u tahay qoryaashii ururka ee an ka hadlay. Carqaladihii la sameeyay wixii ka horreeyay 16kii Diisambar, waxay ahaayeen kuwo ay ka danbeeyeen kooxo iskood ah oo an shaqo iyo wax la mid ah toona ku lahayn Umkhonto. Sida qaalibka qaar ka mid ah dhacdooyinkaas hore iyo kuwo kale oo ka danbeeyayba waxa qirtay kooxo kale

 

Beyaanka Umkhonto waxa la soo saaray isla maalintaas hawlgalku bilaabmay.  Jawaabta aynu ka helnay dadka caddaanka ah ee ku wajahnayd falalkayaga iyo beyaankayagu wuxu ahaa rabshad sidii caadada u ahayd. Dawladdu waxay ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo culus, waxayna u yeedhay taageerayaasheedii inay si mutaxan isku taagaan dhegna u dhigi waayaan rabitaanada dadka Afrikaanka ah. Caddooshiintii (The Whites) way ku dhicisoobeen inay noogu jawaabaan talo soo jeedin is bedel leh; waxay kaga jawaabeen yeedhitaankayagii inay talo kusoo soo jeediyaan qalabkii ay  isku xeeri jireen (the laager).

 

Docdka kale, jawaabta aynu ka helnay dadka afrikaanka ah waxay ahayd mid lagu diirsado. Durbadiiba  wax mar kale jirtay rajo. Waxbaa isku duba dhacayay. Dadkii magaalooyinku waxay dhagaha u raaricinayeen wararka siyaasadda. Xamaasad aad u weyn ayaa ka dhalatay libintayadii ugu horreysay, dadkuna waxay bilaabeen inay saadaaliyaan sida ugu dhakhsha badan ee la hanan doono xorriyad.

 

 

Balse anagu hadaynu nahay kuwa ku jira Umkhonto waxan si walaac leh miisaanka u saarnay jawaabta caddooshka. Madowga iyo caddaanku waxay u kala hooydee xerooyin kala duwan, natiijadi laga qabay in layska dhawro dagaal sokeeyana way sii yaraatay. Wargeysyada caddaanka ayaa waxay walwaalayeen warar sheegaya in ganaaxa carqaldu yahay dhimasho. Haday arrintu sidaas tahay, sideen markaasi dadka afrikaanka ah uga fogeynaynaa argagaxisnimo.

 

Horey waxa noogaga dhintay hurimo Afrikaan ah sobabta ku xidhan  cadaawad jinsiyeed. Sanadkii 1920kii markii hogaamiyahii caanka ahaa ee Masabala lagu cayuuqay jeelka Port Elizabeth, waxay buleyska iyo shicibka caddooshiintu naga dileen afar iyo labaatan ah koox afrikaanka oo dalbaysay in hogaamiyahaas la sii daayo. Sannadkii 1921kii gudihiisa in ka badan boqol qof oo afrikaan ah ayaa ku dhintay ammuurihii Bulhoek. Gudihii sannadkii 1924kii markii maamulka Galbeedka koonfur Afrika ay cudud milatari ku hogaamisay koo ka mudahaaraday cashuurta lagu soo rogay eyda (dog tax). Koowdii May 1950kii, siddeed iyo toban afrikaan ah ayaa dhintay kadib markii buleyku xabado ku toogteen iyagoo ku jira mudaharaad. 21kii March 1960kii, lixdan iyo sagaal an hubaysnayn oo afrikaan ah ayaa ku dhintay Sharpeville.

 

 

 

Imisa kale oo Sharpevilles ayaa ku jiri doona taariikhda dalkeena?. Imisa kale oo Sharpevilles ayaa dalkanu qaadi karaa iyadoo aysan rabshad iyo argagaxu noqonin amarka ayaanta (the order of the day) ?. Maxaase ku iman doona dadkayaga markay gaadhaan marxaladaasi.  Hadaba anagoo meel durugsan ka eegayna waxaynu dareenay inaanu guulaysano, balse maxay ku kici doontaa (at what cost) oo ay ku keeni doontaa nafteena iyo dalkeena?. Hadday taasi dhacdana, hadana sideebay dadka madowga iyo caddaanku ay waligood dib danbe ugu wada noolaan doonaan mar kale si nabad iyo nasteexo leh?. Kuwaasi ayay ahaayeen dhibaatooyinka na hor taagnaa, go’aanadayaduna kuwaasi ayay ahaayeen.

 

 

 

 

Translated by  Abdiqani  Ateyeh (…cont…)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.