Khudbaddii Mandela: Qaybta 4aad
Posted by hiildan on June 4, 2008
Khibrada ayaa noo sheegtay in jabhaydayntu ay dawladda siin doonto fursado an xad lahayn oo si an Aabo u yeelis lahayn ay ugu gasaarto dadkayaga. Balse run ahaan taasi waxayba ahayd sobabta ay carradayda Afrika ula qul-qulaysay dhiiga dadka an waxba galabsan ee Afrikaanka ah, taasi ayaana na dareensiisay inay tahay shaqadayada inaanu qorshe dheer ula diyaarsano si an u isticmaalno cudud si aynu iskaga difaacno cadowga. Haddii uu dagaal noqon lahaa mahuraan, waxaynu rabnay inaynu u dagaalano sida ugu waafaqsan shuruudaha dadkayaga. Dagaalka aynu saadaalinay inuu noogu fiicanyahay kuna keeni kara khasaaraha ugu yar xagga nolosha labada dhinacba wuxu ahaa kan jabhadaynta (guerrilla warfare). Sidaa daraadeed waxaynu go’aansanay, in u diyaar galoobista mustaqbalka aynu ku xisaabtano inuu dhici karo dagaal jabhadeed.
Dadka caddaanka oo dhami waxay qaateen tobabar militari oo qasab ah, balse tobabarada noocaas oo kala ah lama siinin Afrikaanka. Aragtidayada ayay ku ahayd muhiimad inaynu abuurno unugyo rag ah oo tobabaran kuwaasi oo awoodi doona inay hogaanka qabtaan haddii dagaal jabhadeed bilaabmo. Waynu ku qasbanayn inaynu isku sii diyaarino xaaladda noocan oo kale ah ka hor inta aan diyaar garowgeedu noqon wakhti danbe. Sidoo kale lagama maarmaan ayay ahayd inaynu dhisno unugyo kale oo ah rag ka qayb qaata maamulka shicibka iyo shaqooyin kale, si dadka afrikaanka ah ay ugu qalabaysnaadaan ka qayb qaadaasha dawlada dalka sida ugu dhakhso badan ee loogu fasaxo inay ka qayb qaataan.
Markani ayaa go’aan lagu gaadhay inaan anigu ka qayb qaato shirka ‘Pan-African Freedom Movement’ ee badhtamaha, bariga iyo Koonfur Afrika. Shirkaas waxa lagu qabanayay Addis Ababa bilowgii 1962, waxa kale oo la go’aansaday in ka dib shirka an socdaal kusoo gaalaa bixiyo wadamada Afrikaanka ah iyadoo sobabtu ahayd baahida aynu u qabnay inaynu diyaar garoowno, anagoo aragtidayadu ahayd inaan helno qalab lagu tobabaro askarta iyo inaan ka xod-xoto deeq waxbarasho Heer Sare (Higher Education) oo loo fidiyo Afrikaanka. Tobabarka labada dhinacba wuxu ahaa lagama maarmaan, xitaa haddii isbadalku ku yimaaddo si nabdoon. Maamulayaasha diyaarka u ah inay maamulaan Qaran an jinsi ahayn, waxay ahaayeen lagama maarmaan, sidaas iyo si le’eg ayay rag tobabar qabina ugu ahaayeen muhiimad inay ku xukumaan Xoogaga Militari ee qarankaasi.
Waxay ahayd wareegtadaas middii an kaga baxay Koonfur Afrika ee an ku tegay Addis Ababa anigoo ah wafti ka socda ANC. Socdaalkaygaas wuxu ahaa guul. Meelkasta oo an tegay waxan kala kulmay naxariis loo hayo himiladayada iyo ballanqaadyo caawimaad. Dhammaan Afrika way ka midoowday ka hortega Caddaanka Koonfur Afrika, xitaa London hogaamiyayaal siyaasadeed oo ay ka mid yihiin Mr Gaitskell iyo Mr. Grimond ayaa igu soo dhaweeyay si naxariis weyn leh. Afrika gudaheeda, waxa ballan taageero ah ii qaaday rag ay ka mid yihiin Julius Nyerere, oo wakhtigan ahaa madaxweynaha Tanganika; Mudane Kawawa oo ahaa Ra’isal Wasaaraha Tanganika; Boqor Xayle Salaase; Xabiib Burrqiiba, Madaxweynaha Tuuniisiya; Ben Bella; oo ahaa Madaxweynaha Aljeeriya; Modibo Keita, Madaxweynaha Maali; Leopold Senghor, madaxweynaha Senigal; Sekou Toure, Madaxweynaha Guinea; Madaxweyne Tubman ee Laybeeriya; iyo Milton Obote, Ra’iisal Wasaaraha Yugandha. Wuxu ahaa Ben Bella ninkii igu macsuubay Oujda oo ahayd Saldhiga Ciidamada Wadaniga Xorriyadda Aljeeriya (Algerian Army of National Liberation), booqashadan waxan ku sharxay xusuus qorkayga, waana mid ka mid ah carwooyinka halkan lagu soo bandhgay (one of the exhibits).
Waxan bilaabay inaan barto farshaxanka dagaalka iyo kacaanka, markii an joogay dalka dibadiisana waxan galay tobabar militari. Haddii dagaal jabhadeed dhici lahaa, waxan rabay inaan istaagi karo oo an dadkayga u dagaalami karo iyagana la qaybsan karo halaaga dagaalka. Casharadii an ku qaatay Aljeeriya waxa lagu soo daray carwada (exhibit 16) oo halkan caddayn loo soo dhigay. Waxa kale oo halkan [maxkamada] lagu soo bandhigay buugtii ku saabsanayd dagaalka iyo xirfadaha Militariga ee an qaatay. Su’aashani waxa an ugu sinqay (approached) sidii waddani kasta oo afrikaan ahi yeeli lahaa. Gabigayguba hadaf baan lahaa. Waxay maxkamadu arki doontaa inaan isku dayay inaan qaadaa-dhigo dhammaan qaybaha awooda ku leh arrintan – marka laga bilaabo Bari (East) iyo marka laga bilaabo Galbeed(West), hadana lagu soo noqdo hawshii lagu yaqaanay ‘Clausewitz’ [Qoraa ku takhakhusay arrimaha militariga], anigoo isla markaana dul maraya xirfado kale sida kuwii ‘Mao Tse Tung’ [China president] iyo Che Guevara [ halgamaa/qoraa/siyaasi Arjentiin] oo dhinac ah (on the one hand) iyo qoraaladii qabiilka Anglo-Boer oo dhinaca kale ah (on the other hand). Dabcan qoraaladani waxay ku jireen duruus qaadashadayda oo waan akhriyay aragtidaydase kama tarjumayaan.
Waxa kale oo an qaban-qaabooyin u sameeyay inay shaqaalahayaguna qaataan tobabaro milatari. Balse tani waxay ahayd mid an dhici Karin la’aanteed wada shaqaynta xafiisyada ANC ee Afrika. Natiijaduna waxay noqotay inaan ogolaansho ka helo ururka ANC ee Koonfur Afrika o an arrintan ku fulinayo. Qaybtii ugu horreysay ee shaqaalaha la tobabarayay ayaa sida qaalibka ah kasoo degey Tanganika markii anigu an dalkaas usii dhaafayay dhinaca K/Afrika oo an ku noqonayay.
Waxan ku laabtay K/Afrika waxanan asxaabtaydii ka wargeliyay natiijadii safarkayga. Markii an soo laabtay waxan ogaaday in isbadal yar lagu sameeyay fagaaraha siyaasadda oo ahayd in sharcigu xaqiiq ka dhigay in la dilo qofkii lagu soo oogo carqalad. Dareenka asxaabtayda ee Umkhonto wuxu la mid ahaa dareenkii an horey ugaga tegay. Waxay si feejignaan leh u dareensanaayeen dawgooda iyagoo dareemay inay qaadan doonto wakhti dheer ka hor inta ay noqon karto wax dhici kara inay ka daalaan carqaladda. Xaqiiqdii, dadka qaarkood ayaa ka dhiibtay aragtidooda ku wajahnayd tobabarida milatari ee shaqaalaha oo u arkay inay ahayd mid lasoo qaddimay. Taasina anigaa diwaanka galiyay imika lasoo dhigay maxkamada Exhibit R.14. Hase yeeshee kadib markii si buuxda looga wada tashaday, waxa go’aan lagu gaadhay in qorshaha tobabarka Militari lagu dhaqaaqo maxaa yeelay waxay qaadanaysaa sanado badan in lagu dhiso unugyo (cutubyo) askar ah oo tobabaran oo bilaaba dagaal olole dagaal jabhadeed, iyo in waxkastoo dhacaba tobabarkani noqonayay mid aayatiin leh.
Mid kale oo ah eedaymahan lanagu soo oogay ayaa ah in ‘Rivonia’ ahaayeen saldhigyada Umkhonto. Tani ma ahayn run wakhtigii anigu an halkaas joogay. Dabcan waa la ii sheegay, waanan ogaa in xarakaadyada qaarkood ee xusbiga Shuuciga (Communist Party) halkaas lagu samayn jiray. Balse tani ma aha sobab (sida an idiinku jilcin doono) anan u isticmaaleen goobtaasi.
Halkan waxan immiday anigoo xambaarsan xaqiiqooyinkan soo socda:
- Sidii an horeyba u muujiyay, bilowgii April 1961 waxan galay dhufays hoose si an u abaabulo Banaanbixii guud ee May. Shaqadaydu waxay ahayd inaan ku wareego dalka, anoo markaas ku noolaa magaalooyinka afrika, dabadeena tuullooyinka hadana magaalooyinka
- Intii lagu jiray qaybta labaad ee sanadka waxan bilaabay inaan booqdo Parktown guriga Athur Goldreich, halkaasi oo an si qarsoodi ah kula kulmi jiray qooyskayga. Inkastoo siyaasad toos ah aanay naga dhaxaynin, si bulshaawinmo ayaan u aqaanay Arthur Goldreich ilaa iyo 1958
- Bishii Oktoobar, Arthur Goldreich wuxu ii sheegay inuu magaalada ka tegayo wuxuna i siiyay meel an ku dhuunto. Dhawr cisho kadib wuxu iisoo diray Micheal Harmel si uu ii geeyo Rivonia. Anigu waxan u arkay dabiiciyan Rivonia meel ku haboon ninka ku noolaa dibad joognimo. Ilaa iyo wakhtigaasi waxan ku qasbanaa inaan qol gudihii isku qariyo inta dhulku iftiinka yahay, anoo kaliya banaanka usoo bixi karay iskuna qarinaya marka dulku madoobaado. Balse beerta Liliesleaf ee ku taala Rivonia, waxan ugu noolaan karayay si ka duwan sidii hore hawshaydayna si ka habsami badan sidii hore ayaan u gudan karayay.
- Sobabo iska cad aawadood, waxan ku qasbanaa inaan qof kale shabaho, waxanan la baxay magaca beenta ah ee David. Bishii Diisambar, waxa iyguna soo degay Arthur Goldreich iyo qooyskiisa. Halkaasi ayaan joogay ilaa iyo 11 kii Janaayo 1962 oo an aaday dibada (abroad). Sidii an mar horaba carrabaabay, waxan soo laabtay July 1962kii, waxayna laygu xidhay Natala bishii August.
- Ilaa iyo markii lay soo xidhay, beerta Liliesleaf ma ahayn saldhiga ANC iyo Umkhonto midkood toona.. Marka aniga layga reebana ma jirin saraakiil kale oo ka tirsan ururadan oo halkan ku noolaa, mana jirin kulano masuuliyinta sare halkaas ku yeesheen ama xarakooyin kale oo halkaas laga abaabulay ama laga agaasimay. Kulano way jireen an la yeeshay gudida fulinta ee labada ururba intii an halkaas joogay, balse kulamadani kama dhicin beertii an joogay, ee meelo kale ayay ka dhaceen.
- Intii an joogay beertaa Liliesleaf, marar ayaan ku booqday booqday Arthur Goldrecih gurigiisa, isaguna sidoo kale wuu igu soo siyaartay qolkayga. Waxaynu marar badan ka wada munaaqishoonay arrimo siyaasadeed oo ka kooban maadooyin badan. Waxaynu is dhaafsanay fikrado iyo su’aalo muhiim ah, Ururka Isbahaysiga, Umkhonto iyo guud ahaan dhaq-dhaqaaqyadooda iyo khibradihiisii askarinimo ee Palmach, xooga milatari ee garabka Haganaha. Haganah waxay ahayd Awoodda siyaasadeed ee Dhaqdhaqaaqa Wadaninyiinta Yuhuudda (Jewish National Movement) ee Falastiin.
- Iyadoo sobabtu ku salaysan tahay wixii an ku bartay Goldreich, ayaa waxan qoondeeyay markaan kusoo laabtay K/Afrika in loo tobabaro oo lagu soo daro Umkhonto. Ma garanayo shaqsiyan inta an ogahay in arrintaasi la fuliyay [Goldrreich lagu soo daray Umkhonto].



.