Raaskii Caddaa, Rijaalbaa Ka Talin Madoow..

16barak533.jpg

Senator Barak Obama wuxu kala badh u jiraa inuu gaadho Guriga Cad (Half-way to the white House) ee looga taliyo Ameerika iyo Adduunkaba. Waa shaqsigii igu horreeyay ee Madoow ee ku soo baxa is reeb-reebka loogu jiro jagada Madaxnimo ee dalka Maraykanka. Waa guul usoo hoyatay guud ahaan dadka ku nool Maraykanka oo muujiyay wajigoodii Diimuqraaddiyadnimo. Inkastoo lagu xisaabtamayo inuu wajigoodii Cunsuriyadnnimmo wali qarsoonyahay oo malaha (perhaps) ay la sugayaan marka doorashada ugu weyni timaado ee loo tartamayo qofkii ka talin lahaa Guriga Cad (the White House) ee Maraykanka. Hadana ilaa iyo haatan Mr Obama iyo intii taageertay waxa usoo hoyatay guul la taaban karo.

Gaar ahaanna waa guul usoo hoyatay maraykanka madoow, oo muujiyay inay iska xoreeyeen heeryadii addoonsiga, marka loo bar-bar dhigo madowga ku dhanqan dalka UK. Beryihii hore waxa la odhan jiray marka uu dalkan Ingiriisku yeesho Boqor Madoow ayaa laga yaabaa inuu Maraykankuna yeesho wasiir madoow. Taasi oo looga dan lahaa inuu Ingiriisku ka cunsuriyad yaryahay Maraykanka kana Diimuqraaddiyad fiican yahay. Balse taasi waji kale ayay yeelatay oo waa dhinaca kale (the other way round), oo waa marka Markaynkanku madaxweyne Madoow yeesho inuu Ingiriiskuna yeelan doono Wasiir ku xigeen Madoow.!

Sikastaba ha ahaatee arrintaas iyada ah ee ku lug leh guusha Senator Barrack Obama ayaa waxay farxad ku dhalisay dad badan oo madaw oo ku nool daafyaha dunidani. Dadkaasna waxa ka mid ah C/Rashiid Barkhad Cadar, oo isagu mar walba ahaan jiray walina ah dadka aad u xiiseeya siyaasadda guud ee Adduunweynaha iyo midda gaar ahaaneed ee dadka madow. Sidaa daraadeed anigoo tixraacaya qoraalkii iyo murtidii qiimaha badnayd ee Rashiid noosoo gudbiyay dhawaan ee ahaa “Saadaashu Waa Guul”, lana qaybsanaya faraxadda ayaa waxan jawaab murti kooban ugu celiayay sidatan:

Run iyo adaa Rashiidoow, Rajeeyay guule
Raggii la addoonsan jiray, nasrigu u roorye,
Rubbad gooyadii Dr King, kama raagin nafsiguye
Riyadiisii rumoowdoo, Obaamaa u reeyaye
Raaskii Caddaana dhawaan, Rijaal baa ka talin madoowe

Ra’iiskii Biritooriyana, waa horuu Rogmadaye…………………..[K/Afrika]
Siday S.Beko u raariciyeenba, kumay raamsan qosole
Raarta kuway ku qariyeenbaa, reemayoo kacaye
Rabbigeena Mandeeluu, raasamaal u siiyaye
Raganimo u daa dheh Nelson,loo wada riyaaqye

Somalidanse is rifaysaa, ridday taariikhdeediiye
Runta kama sheegaan Sayidkii, roonaan jiraye
Raqdiisii maxamuud Xarbi, raadco uma galaane
………………….[maydkiisii]
Reerihii Axmad Gurayna, tohayasho uun ku raagye
Geesiyo kaloo u rucleeyana, wali lama rabaynine
……………….[wali ma dhalanin]

Balse inaan ka diga rogani, noqon mayso raynrayne
Intay teenu rafacan tahay, wuu tiicayaa ruuguye
Roomiyo talllabadu, gaadhi mayso Raashiya’e
Ruwaandiyo inaga daa, hadalkeeda Roomaaniyoo
Rashiidoow Boon igu ogoow, Raashin Solaybaa lehe………….!!!!

HiilDanYare

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.