Saadaashu Waa Guul.
Posted by hiildan on June 5, 2008

Suugaanta gabey hadal suyucan Soomaalaan u daayey.
Waxaanse la sarakacee farxad aan la salalaa.
Obama soo baxoo saadaashu waa guul.
Sahankii Nkrumah oo sifo rumoobaan arkaa.
Soojireenkii Mandela Sesar iyo hailey.
Sayidkii Malcolmx, dr King iyo Somore.
Saketuure iyo Xarbi, sunta lagu hurshe Lamumbe.
Senghor iyo Nyrere, Bikihii Saweto.
Labadii sarkaalee Fonan iyo Sankara.
Intaas oo wada socdoo safka hore wadaan arkaa.
Siday noqon Rabaa oge saadaashu waa guul.
Afrikoo siman oo dhammaan sacab ishaysataan arkaa.
Sado gole lagu ururiyo soor wadaagaan arkaa.
Dunidii saddexaadoo subraar qudha leh baan arkaa.
Waxaan dabada qabsaday raga yidhi (OTRO MUNDO ES POSIBLE)”Autre monde possible” ‘Another World is possible’. Isbadal waa suurta gal. Waxaan degnaa inta u dhaxaysa Kuala lumpur ilaa karaa’iibka. Intaas degmo,daaq, dal iyo dadba waan ku leenahay.Dubaan wadaagnaa, diinbaan wadaagna iyo diiranaanta cadceeda.Isku dhaqan, dheri iyo dhawaq baan nahay.Dhigbaan wada dhisanaa, dhaawac baa ina gaadhoo ragbaa inagu dheeldheeli. Waar waa arin culus ee inaga daa teenii baaban ka bixi laanahee ayuu iigu jawaabay.
Caateeyow ha cabsoon guyaal horaan caraabshay, Colka hore anaa wadoo cidhif galey Barasiil, Cagta hore usoo dedejiyoo caaradaa dambe soo qabso. Ayaan ugu war celiyey. Haye balaan iska hubsho ayuu hadal lasoo booday.
Haddaba adigu imikaad Boon kasoo ambaqaadaysaa Saylac baanad kusoo socotaa, dhulkaa aad maraysi makala dheera haddana lama socdee waa la gurguurtaa ee solaygii macaanaa sahay usoo badso.Anigu degmadaan tagey dal dhaweeyaa jiroo hadba daaskaan rabo durbadiiba waan gaadhi. Intaad kartoon xadhadhley biyo ah aad cunaha ku qaboojin, maalinkaas annagu Buenos Aires ayaa dibi bilaawe la noo marin.Hadhimada iyo xeraadkaba halkaas baan ku leenahay. Gabal dhaca ayaan halkaas kugu sugi. Haddiise aad Saylac soo dhaafi kari waydo, aniga safarkaygu Santiego de Chili buu ku eeg yahay. Goor barqo ah markaan gelo waxaan hadalka ku bilaabi, barinaye ma barideen walaahaan kala baadnayow.Markaasay iigu jawaabayaan !Bienvenido nuestro hermano! nos alegramos de verte,estas en tu casa. Soo dhawoow walaalkayow, aragaaga waan ku faraxsan nahay,reerku waa reerkaagii. Anigoo rayraynaya intaan baadba afka saarin ayaan:
Toogo ilaa Tukuministaan, Taywaan iyo Jakaarta.
Tansaaniya ilaa Turkiga, Tuunis iyo Lisooto.
Taylaan ilaa Meksiko, Karaa’iibka la tamashleeyo.
Dhulkaan taako usoo maray intaan, taar girimleeyo.
Anoo telefoonka haystaan, tirtirfan oon wilwile goyne.
Rashid Barkhad Cadar -France
Barkhsoom@hotmail.fr
omar ibrahim adar said
Waxaan dhamaan salamayaa bahada ama daadihiyayaasha webka ALLBOON.COM.. waxaan inii soo rajaynayaa khayr iyo horumar iyo horumarin aad ku samaysaan webkan, haduu eebe raali ka noqdo.
waxa kale oo aan salaan qaaliya u gudbinayaa dhamaan dadwaynaha ama taageeryaasha ALLBOON.COM.kuwaas oo hiil iyo hooba la garab taagan shabakadan.waxa aan salaan gaaar ah u dirayaa caqligii ama maskaxdii ka dambaysay samaynta shabakadan qiimaha badan.
waa wiilka suldaanka uu dhalay , cabdiqani yusuf .
waad salaamantihiin dhamaantiiin.
omar ibrahim adar.
amstardam.
holand.