Khudbaddii Mandela: Qaybta 5aad

Eedaymaha kale ee dawladu keentay waxay ahaayeen in ujeedooyinka iyo hadafka ururka ANC iyo uruka Shuucigu ay isku mid ahaayeen. Waxan rabaa inaan arrintani kula la tacaalo shaqsiyan mawqifkayga siyaasadeed, maxaa yeelay waxan tuhunsanahay in dawladu isku daydo inay murame ka keento carwooyinka qaarkood (certain exhibits) oo ah inaan mabda’a ‘maarkasiisamka’ (Marxism) kusoo daray ANC.  Eedaymahaas khuseeya ANC waa been. Tani waxay ahayd eedayn gaboowday oo lagu waayay dacwadaydii ku saabsanayd khiyaamada (treason trial) taasi oo hadana mar labaad madaxeedii mijo laga yeelay (reared its head). Balse, marba hadiiba eedayntaasi mar labaad lagu soo celiyay, waa inaan la tacaalo iyada iyo sidaa iyo si le’egba xidhiidhka u dhexeeya ANC iyo Ururka Shuuciga iyo Umkhonto iyo urukaa kale.

Continue reading