Boon Awdal Vs Boon Midgaan iyo Inkale (Others)..!
June 9, 2008 8 Comments
Waa laga yaabaa inay jiraan dadka qaarkood oo isku qalda magaca Boon oo ah degmo ku taalla gobolka Awdal/Salal ee Woqooyi Soomaaliya Iyo Magaca Boon oo loo yaqaano qabiil Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Midgaan/Madhibaan Iyo magaca Boon dheere ee Banaadir ama Boon Germany, iyo magac kale oo boon ah ..iwm.
Magaca Boon magaalo ahaan ee Awdal waa magac sida laso wariyay la odhan jiray oday dhulkaas ku noolaa oo isaga magaciisa la odhan jiray Boon-Jilib Yar. Oday hinaasi ah ayaa lagu sheegay inuu ahaa, oo hinaase daraadeed isku gooyay jilibka. ! Si kastaba ha ahaatee magaca degmada Boon ma aha magaca qabiilka Soomaaliyeed, mana aha degmo ay qabiil kaliya ku nool yihiin ee waa degmo kulmiso qabiilooyin badan oo leh Samarroon/Ciise/Isaaq iwm ee dega qobolada Woqooyi Soomaaliya ee la baxay Somaliland.
Balse docda kale, magaca Boon ee qabiil ahaan waa mid ka duwan oo isagu ku kooban magaca beel gaar ah. Hadaba waxa xiiso badan bal inaynu wax ka ogaano taariikhda qabiilka Soomaaliyeed ee lagu naanayso Boonta. Taariikhdaas ayaan halkan idiinku soo gudbinay oo an kasoo guurinay shabakada madhibaan.org. Shabkada Allboon.com, maamulkeeda iyo akhristayaasheedu kama qabaan wax qadh-qadhyo iyo quudhsi ah toona inay ogaadaan taariikhda dadka Soomaaliyeed oo dhan, qabiil kasta iyo qooys kasta, waxanan rajaynaynaa in taariikhda qabiilka Boonta ama Midgaha aynu barani doonno.
Balse intaynaan taariikhda qabiilka Midgaha u gudbin, waxa iyaduna xusid mudan in Magaca Boon aanu ahayn mid ku kooban ummadda Soomaaliyeed, oo haddii ad internetka ku samayso search kalmada Boon, waxa kuu soo baxaya boqolaal meelood oo loo isticmaalo magaca Boon. Tusaalahan hoose oo aynu kasoo xiganay the free encylopedia ayaana u markhaati kacaya, taasina waxay inagu celin doontaa in dib loo baadho BOON iyo halkay ka timid oo aynu mar kale ku samayn doono daraasaad ballaadhan:
Boon
From Wikipedia, the free encyclopedia
Boon is an archaic English word meaning a prayer or a request, most commonly preserved in the phrase to grant a boon. Boon is also a common Chinese name derived from the Chinese Character ‘Wen’, meaning honest and kind. It is a name most commonly found in Hokkien Families, and Chinese from South China.
“Boon” may refer to:
Places:
People:
- Clint Boon, musician and member of indie rock group the Inspiral Carpets
- D. Boon, guitarist and lead singer of the punk rock group The Minutemen
- Dany Boon, French comedian
- David Boon, Tasmanian cricketer
- Ed Boon, co-creator of Mortal Kombat
- Jaak Boon, Belgian television writer
- Louis Paul Boon, Flemish novelist
- Boon Gould, Lead guitarist of Level 42
Boon may also refer to:
- Boon language, a nearly extinct East Cushitic language
- Boon (TV series), a British television series starring Michael Elphick
- Boon (brewery), a Belgian brewery
- Marukibi Boon, an Osamu Tezuka stock character.
- Boon (fashion magazine), a Japanese fashion magazine
- Boon, a character in Black Water, the fifth book in The Pendragon Adventure series by D. J. MacHale
|
THE HISTORY OF MIDGAAN |
|
The history of Midgaan Taariikhda Midgaha “Waxaan ahayn Ummadii Dhulkaan iska lahayd, waxaan ahayn Boqortooyadii ugu Horeysay ee ka dhalatay Meesha maanta loo yaqaano Somalia. Waxaa boqor tooyadeena loo yaqaanay Boqortooyadii “BOONTA” Dulkaan waxaa la oran jirey Dhulkii Boonta “BOONTLAND”oo macneheedu yahay Dhulkii Boontu iska lahayd. Boqorkii ka talin jirey waxaa la oran jirey Baidari, wuxuu ahaa Boqorka ummadda Boonta xukumi jirey. Wuxuu ka talin jirey qayb ka mid ah dhulka Geeska Afrika wuxuu xiriir ganacsi la lahaa Dalka Masaarida, shiinaha, Hindiya, iyo Boqortooyadii Rooma.. Qarnigii 12aad ayaa Ummadd ka soo haajirtey dalal kala duwan oo isugu jirta Carab iyo Afrikaan ayaa Jabisay Boqortooyadii Boonta, waxayna gow-gowreceen ummaddii dhulkaas daganeyd intii badneyd. Intii kaloo soo harteyna way qaybsadeen waxayna u bixiyeen magacyo fara badan, sida Midgaan, Boon, Tumaalo, Yaharo, Yibro, Jaaji, Gabooye iyo magacyo kale oo badan. Macagyadaan ayaa ilaa maantana loo yaqaanaa, sida xaqiiqda ah dadkani waa umamadii dhulka iska lahayd waana boqortooyo jabtay, waxaana daliil u ah in markii hore ay jabisay boqortooyadii Massar qarnigii lixaad, ka dibna waxaa jabiyay ummado isugu jira carab iyo African oo ka soo haajiray dalal kala duwan. Aqri taariikhdan soo socota ee luqada qalaad (English) ku qoran tanina waa baaritaan aan sameeyay waxaan helayna waa kan: After I heard this narrations, I tried to make more research in order to verify or make sure that this story is Authentic and reliable truth. So I am trying to proof three things historically, orally and Linguistically, First of all, I have to answer all these questions; was there any people called Boonta? Is it true that Egyptians had once invaded the land of the Punt? Do Boontite people have Kings and Chiefs? What is the different between Boon, Midgan, and Sab? And also who were the natives of Somalia? Who are the true natives in Horn of Africa Sab groups or Somalis? What part of their history continued to be meaning full for them? What historical knowledge did they call upon to define their ancestors? How do they can explain or understand the circumstances of their ancestors connecting to the present? How their past has impacted or affected their present life? One more interesting record mentioned, the Book of “The Ethiopian A history” “Egyptian inscriptions recorded that during the fourth Dynasty (3100-2965 B.C) the son of Cheops, the builders of Great Pyramids, was in possession of Puntite slaves”. (Richard Pankhurst, 1998, The Ethiopian A history) 14. Before, in the twelfth century, the ancient kingdom of Boontite had controlled all over the area presently known as Somalia, there was no in Horn of Africa people called Somalis before twelfth century, today those who call themselves Somalis were people who merged from different ethnics and united for the aim to defeat the Bootite Kingdom. Latter Somalis succeeded to defeat and divide the citizens of this land and finally the kingdom of Boontite was being invaded, the land of Boontite was automatically transferred from the hands of natives to the hands of raiders. Where are the Boontite people today? Are they invisible slaves or clients? But here consider this question, when Boontite people were defeated and divided why Somalis in 12th and colonists such as Italy and British in 18th centuries chose to enslaved African Bantu rather than Midgans? Another record has remarked, according Pankhurst, said; “ King Peppy II (2738-2644 B.C. of the sixty Dynasty subsequently noted that he had a tenq, or small-boned slaves from the Punt” (Richard Pankhurst, 1998, The Ethiopian A history) 14. So now it became very comprehensible for us that the Egyptians had invaded the land of the Punt and had taken some of the Puntite people into slavery according both written evidence and oral history agreed into clear historically points, also there was so much evidence that supports there was a kingdom in Somalia before arrival of the immigrants. (“Agree in expelling the Midgan from the gentle blood of Somaliland, …many Midgans employ themselves in hunting and agriculture. Instead of spear and shield, they carry bows and a quiver full of diminutive arrows, barbed and poisoned with the wabaio weapon used from Faizoghli to the Cape of Good Hope. …The poison is greatly feared. It causes, say the people, the hair and nails to drop off, and kills a man in half an hour. The only treatment known is instant excision of the part”) (Richard F. Burton, 1856, First footsteps of East Africa). “On the pictured plates at Deir-El-Baheri, the huts of the people of Punt were like the Toquls of modern Sudanese, being built on piles approach by the ladders. The birds were like a species common among Somalis. The fishes were not like those of Egypt. The wife of the King of Punt appears with a form like Bongo women with exaggerated organs of maternity”. (Wonderful Ethiopians of the ancient Cushite Empire, Houston, Drusilla Dunjee, 1926) “The Somalis (Midgan) race, the most interesting, the most proud, the most courageous and intelligent, and the most ‘difficult’ of the races of Africa, has gone into politics, for if they do not others will, in this age of turmoil, and if by some strange chance Hersi should read this (he was always in touch with the west I would be happy to have contact with him again”…….“You can not beat them. They have no inferiority complexes, no wide-eyed worship of the white man’s ways, and no fear of him, of his guns or of his official anger. They are a race to be admired, if hard to love”… “He (Hirad) claimed that they were the original inhabitants of the Somali-lands who had lost the great and final battle near Hargeysa and were then taken into slavery until they became Mohammedans. After that they were Mohammedans slaves instead of mere slaves. They became metalworkers, carpenters, herbalists, hunters, and leathers workers. Every Somali woman, when she was ready to bear her child, liked to have a Midgan woman present. Wedding and dances were not complete without Midgan dressed in their gay colors and bringing luck to the nobles” Gerald Hanley, 1941, Warriors Life and death among the Somalis All this books are available in the library you can challenge academically with me by this history Compiled By Ahmed M. Keynan B.A. “Ali-Azhar“ |
anigoo ah adam aw ali masheye
ayaa ugu faraxsan , inaan tusaale ka bixi dooda tariikhda magaalada boon
waxaa aad ugu nahad naqayaa dhilayarta abaahey aw cali masheye ku xustey , abaahey laba ugu jeclaa
inuu boon ilowbin , reer boona ay isaga iloobin
maalin ayaa idhi aabo boon waxaa u jecashay si aan qiyaas laheyn ee maxaa ku uga doorbidey magaalooyinka kale wuxuu yidhi ,
WAA MEEL DAD FIICAN , HAWO FIICAN ,
so kastab waxaa lahaa fikradooda ,TOBANKA ABAYAAL OO KOR KU QORAN
waxaa hubaa aw cismaan waaberi iyo caateeye faahiye , cilmi camir oo degan duleedka ,iney abaahay aw cali mashaye iyo ibraaahim aare (ibraahim gurey , iska soo raaceen saylac oo markaa aabahey ka yimidey ethiopiya
waxaa la taagey dhismo guryo oo mar qudha ah ,sida boorama ,quljeed iyo boon , taas oo ay guryaagu ka taagneeyee , tusaale boram , suqaaga gadiido, taasi waxay ku cadeynaa , borama iyo hargeysa iney ka da weeyney
boon ,
ta kale waxaa loogu yimdey tuulad oo aqal qudha ku lahaa , odeygaa la odhan jirey boon jilab yar, oo dadka qaarkii ay yidhaahdeen wuxuu ahaa reer maxamoud , jibriil younis , oo aan balaf ku maqley ,aanan hubin
markaa u soo loobto dadka ku qalda
boon iney tahey qabiilka boonta
laba magac waa khalad , magaaladu waa bawn , ee maah boon , eeg map ka aduunka , xitaa waxaa jirey odey la odhan jirey nuur bawne ,
qabiil boonta ama midgan la yidhaah ee aflagaado iyo af xumo somaaliyeen , ee waxaa qabiil reer muuse dhariyo , iyagoo leh naaneys ah , howraar wanaag iyo naasney nin cadheysan bixiyey ooh , boonta ama midgo
markaa markasta oo la qoroyo tariikha yaa been laga sheegi wixii jirey
hadii aan sii tixraa, midgaan ceeb maah , ee waa midig ,ku wii farsamad ku fiicnaa ama ku wii ugaadha gani jirey , halka kuwa kale la yidhaahdo somaal ku wuu xoolaha soo maali jirey
si kasta waan jecely tariikh laakin netdadka waxaa ku been aan raad laheyn
ku DR KEEYNAAN TARIIKH BAADHEY
Waxaa halkan ku kala saarayaa , sheekada isku qasan ee dadka net ku la kulmaan marka googleka la baadhayo saaro ,
oo Bonn ta jarmalka , bawn ta nektka oo magaala boon,
iyo naaneysta af xumada , ee boonta ama midgaha oo khalad ah , waayo dadka soomaliyeed
waa reer howraar wanaag oo naaneys fiican ah , iyo qabiilkood oo ah reer musadhariyo , yibir , iyo tumaalo
waaxaan ku farxey DR KEYNAAN
OO raadinya tariikhda dadka la heyb sooco , ee aan la garaneyn waxa lagu af xumeeyey ,waxaa ku waanin lahaa dre keeynaan inuu dadka somalida oo dhan baadho , oo aan la garaneyn ,
mar aan maqal mr keeynaan weeydieyey cabdi qani caateey , ceel la yidhaah do ceel midgaan , inkastoo suaasha soo weeydiisey , abdi qani caateeye , waxaan isku dayay inaan kaaja jawaabo ,waxaa maqley somali waa hseeko uun eh ,ma aan maqal ceel midgaan , ee
laakin waxaa jira ceel la yidhaahdo CEEL GAAL , ceelkaas oouu qodey laba nin oo kiristan ah midi uu cad yahey
mid kalena uu madow yahey oo ay yihiin ajaanib ,
markaa ka cad waa la takoorey , oo waxaa la yidhi waa gaal , ka modow ee kiristanka ah waa la soo dhaweeye oo waaxaa la yidhi waa islaam
waa shekeko qosol eh
kii cadaa ayaa cadoodey oo yidhi , dadkan halkan dagan waa midab takoor
(racist) isna is kale ayuu u fasishay
kii madoobaa ayaa is yidhi , dadka islaam bey ii hestaan
hada dr KEEYNAANOOW waaa ceelkaa baa u maleyn , waxaana ka sameeysan tahey magaald ki xigta magaalada boon ee wabka loo sameyeey, ee ma jirto magaalo la yidhaa ceel midgaan
ceelkaa nin gaalku qodoy lagama cabi jirin ilaa mudo badan , taas oo aay dadku jahiliin ahaanyeen ,hadase waa lag cabaa .
waaxaan jeclay inaan ,inan kaaga waramo, tuulada 1970 kii
waxaa ugu garaadeystey , o dey la odhan jirey garab yare ,oo ma dhibaan ahaa iyo inan kii Yazin wuxuu ahaa , fanaan iyo abwaanka magaalada , wuxuuna lahaa heestii iigu horeysey ee ugu garaadestey ,
waxaa kaloo ku noolaa reer cabdi saayiq ,
yasin wuxuu kaloo ku fiicanaa farsam microphine ka wuxuu
lahaa laba hesood oo wanaag
uu lahaa laxan ,midaha iyo luuqda
waaxaa la odhan jirey ,
MAXAAD MEEL DHIGTAA AMA GURI DHISTAA IIMABA DHASHEE , II DHII ALHEYOO ADHI KUGU DHEERE ,
waxaa ka hadleyey waqtiga iyo in ilaahey awoodiisu weeyntahey
ta labaad waxay aheyd ,
DAAR FOOQLEH AAN KORO
OO DIBIDAATI(MINISTER)IGA DHIGA
CID YUUNAN II IMA , CIDA UMA DIYAAR IHI
NINKA DAMACSAN TAAS LA DOORANAAYEE
DUUFAAN HA QAADEE WAA INAAYNU DIIDNAA
DABEYLAHA HA RAACEE WAA INEYNU DIIDNAA
wuuxuu yaasin uga jeedey , madaxdii somaliya iney noqdaa kuwo dimoqraadi ah ,oo aany noqonin kuwa daneeysta ah
KEYNAAN mid ayaan kula talin
magacyada si gaar ah ayaa loo turjimaa tariikhda , ee isku day inaad ogaato
waxa laga yabaa adiga ina dadka soo kaca u fasishaan magacaaga keynaan
kenya , oo aad aheyn nin reer kiinya
halka aay ka tahey keeynaanka , orod dheereynta
hoobal yaasin wuxuu ku biirey , hobalda jabuuti ee la dhan jirey , Gacan macaan
asc dhamaan umada soomaliyeed meelkastoo joogan waad salamtahiin walalayaal aniga hal su,aal ayaan wataa hana iga xumaanina qabiilka looyaqaano midgaha maxey dadka kale kaga duwanyihiin oo looyasaa? aniga taa ayaan layabanahay
aniga waxan ahay gabar soomaaliyeed oo kadhalatay qabiilka layiraahdo hawiye
mararbadan ayaan maqlay dad dhahaayo midgaan lama guursan karo maxaa diiday inlaguursado markaan weydiiyayna waxa la,iiga sheekeyay wax aan qaadan waayey oo diinta islaamka xitaa naga xarimtay
waa idin baryaa jawaabtoo sax ah hadad heysaan isoo jawaaba mahadsanidiin
wcs walaal aad baad u mahadsan tahay walaal horta waxaa midgaan ah qofkii illaah subxana watacalaa garan waayo oo cadaabkiisa galo kaas ayaa midgaan ah runtii dadka midgaha waa dad soo jireen ahaa oo somali ka talin jirey oona baqortooyadeda heysan jirey lakiin dad badan ayaa yimid somali qarnigii 12 ka bacdi dadkaas oo dhalka somali daganaa waxaa la oranjirey boontaland dadka markey meesha saas u jogen dadka baa wax yaabo xun xun iyo magacyo aan diinta islaamka ogaleen u bixiyey lakiin hadaan aniga nafsadeeda ka hadlo maanta waan u maleenayaa boqortooyadii boontaland la oran jirey ayaa dadka kumeysan jirtey ayaan u malenayaa sababta keenta maanta dadka qabiilada midgaha ka soo jeedo loo nacey ka bacdine cey ayaa looga dhigey sida loo jeedo wabilaahi towfiiq wixi su,aal ah waad soo deenkartaa qof walbo wcs ……
suaal culimada somaliyeed maxay uga amuseen qabiilka muslimka ah ee somaliyeed midgan ee somalida inteeda kale yasto culimada waxa lagu yaqanay in ay dadka wanaga faraan xumahana kareeban wali marag culimo somaliyeed oo ifto kasoo,saray qabiilka ay somalida in toodakale uyaqaniin nasab dhiman
waxa midgaana ninka janada laga waayo
ibnu ayaanle says walaal horta dadku waa isku wada qolo markay yihiin soomaali hadii aan tusaale kaa siiyo dadka soomaaliland dega waa wada walaalo oo waa dad islaama . intaa ka dib malaha waxaad laabta ku sidataa bagwaan aad caabudo oo lagugu balamiyey oo aad sida caqiidada u aamin santahaye dadku waa wada samaroon oo ninkii xuma u rooni waa gaal .dadku waa wada ciida gale oo nin cirka galaa majiro ee ciiday wada galayaan. dadku waa wada reer axmed oo nebigoodaa axmada s.c.w dadku waa wada habar jeclo oo nin hooyadii necebi majiro. dadku waa wada habar awal oo xaawaa wada dhashay. dadku waa wada carro siciid oo aadambaa alle carro ka abuuray. dadku waa wada tunmaal oo nin tuuga maali majiro.dadku waa wada dhulbahante oo nin waliba dhulbuu leeyahay oo uu hantay. dadku waa wada ogaadeen oo alle iyo nebibay ogaadeen dadku waa wada midgo oo ninkii kitaabkiisa gacanta midig laga siiyo ayaa liibaanay waana asxaaul yamiin. kuwa khasaaryna waa kuwa bidixda laga siiyo kitaabkooda waana asxaabul shimaal oo ah bidxo. hadaba ilaahay baa midgo iyo bidxaba ukala qaybiyey khalqigiisa ee walaalkayoow midgaha mawaxaad u haysataa wax xun iyda oo uu ilaahay salaamay midgaha salaamun calaa asxaabul yamiin. walaal dadku waa walaalo nina walbana ilaahaybaa karaameeyey ee mawaxaad xaqiraysaa kuwuu ilaahay karaameeyey walaqad karamnaa ibnu aadama ha noqonin shaydaankii nebi aadan xaqiray hana raacin raadkiisii ogow in muminiintu tahay walaalo sida rabbi inoo sheegay. by, ibnu ayaanle hargeysa somaliland.
waar waxa layaable in cid waliba afka ku hayso magaca midgaan . balse layaab malaha dadku waxayse u baahan yihiin in la faham siiyo . dadka loo yaqaan midgo waa dadka ilaahay ugu balan qaaday janada waayo qolada janada gasha sida ilaahay subxaana watacaalaa uu ku sheegay kitaabkiisa quraanka ah waxa uu yiri asxaabul yamiin iyo asxaabul shimaal. markaad hadaba labadaa soo kala barataan ayaad garan kartaan magaca midgo macnaha uu xambaarsan yahay waana imtaxaanka soomaalida ilaahay uu usoo diray, dadka naarta galana waxaa ilaahay ku sheegay asxaabul shimaal oo macnaheedu yahay bidxo hadaba soomaalidu waxay la coloobeen magaca midgo oo ah ka janada lagu galo waxayna qaateen bidxo oo ah marka afsoomaali lagu macneeyo gacanta bidix waxay qofka ibna aadamka ah ee islaamka ah uqabataa shaqo taas oo ah in ay maydho dabada iyo hoosta ,waxayna ku dhexjirtaa biyo soomaalidu utaqaan ajo oo ah biyo aan daahir ahayn. gacanta midigna waxay qabataa shaqo ugaara oo ah in wax lagu cuno in laysku salaamo in wax lagu bixiyo sida sadaqada iyo wixii aad labaxayso ilaahay dartii. aakhirana waxa uu rabigeenu inoo sheegay in qofkii kitaabkiisa laga siiyo gacanta midig uu liibaanay markay bataana qoladaasi waxa loo yaqaan asxaabul yamiin oo ah midgo kii kitaabkiisa gacanta bidix looga dhiibaana waa asxaabul shimaal oo macnaheedu yahay bidxo. intaa waxaan kaga baxayaa magaca midgo ama midgaan .
hadii aan idiin sheego tuuladan aad dhinac dhigteen magaca islaamka iyo ehlu janahana
aniga waxaaba ilgala weyn magaca midgaan oo qaali igu ah. ee tuulo samaroon wax qiimo ah oo ay ila leedahay majirto. markaa allihiina ka cabsooda waxaana idiinku ducaynayaa in ilaahay inaga wada dhigo midgo oo kitaabkeena gacanta midig inaga siiyo.