Abwaanada Boon: Cabdi Saayiq

Cabdi Saayiq wuxu ka mid ahaa Abwaanada Boon ee gabya, murti kooban oo ka mid ahayd gabay  abwaankaasi an ka haynana waxan kasoo xiganay C/Raxmaan Aw-Faarax Sigad.

Sannadku wuxu ahaa 1970kii, wafti uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenkii Soomaaliya, Xuseen Kulmiye Afrax ayaa soo maray Boon. Halkaasi ayuuna gabay ka jeediyay Cabdi Saayiq, kadibna waalla Xidhay Mr Saayiq, oo ujeedada gabaygaas ayaa lagu xidhay. Ujeedada Cabdi waxay ahayd inuu ku mabsuuday waxqabadka Siyaad Barre, balse aanu waligii indho saarin ee Raadiyoowga uun uuka maqlo.  Erayada gabaygaas waxa ka mid ahaa:

Mudanoow Maxamadoow

Mursalkii Alla Doortay

Magaca Kii la wadaagee

Raadkiisana Marayoow

Kolba Meeshii ad maraysiyo

Mashruucii Ad furaysaba

Raadiyoowgaan ka maqlaa

Balse waaban ku mabsuudaye

Maxaad ka xusuusantihiin Cabdi Saayiq, halkuu ku danbeeyay, miyuu noolyahay mise wuu dhintay? Geeri iyo nololba waxan u baryaynaa Nabad galyo iyo Naxariis. Qofkii wax ka xusuusta murtidii C/Saayiq fadlan hanala soo xidhiidho.

Nabad Iyo Caano

 

Allboon (AB).

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.