Maanta Waa Maalin Hooyo Weyday Wiilkeedii
Posted by hiildan on June 19, 2008
By Cabdiraxmaan Cali Rooble
Salaamu calaykum, maanta waa maalin aad iyo aad u murugo badan, maanta waa maalin hooyo ay wayday wiilkeedii, maanta waa maalin walaal uu wayey walaalkiis, maanta waa maalin saxiib uu waayey saxiibkii qaaliga ahaa, runtii dhacdadani dhacday waxay noqotay dhacdo aad u xanuun badan oo samayn ku yeelatay dhamaan bulshada reer awdal ahba.
Waar waxan odhan lahaa ilahay ha laga baqo oo naftani raqdeeda la soo fogaynayo ha la iska dhaafo, waar ninkii ilahay wax siinayo waxba uma waayin ilahay waa kan ina quudiya, waxa aan odhan lahaa dhalinyarta kale ee rabta in ay soo baxdo in ay iska joogaan kana tanasulaan tahriibta niyadooda buuxisay.
Hadal badani haan ma buuxsho, hadlka intiisa yar bayna ku jirtaa murtidu, aniga ahaan maanta doontaasi dhacday waxa ku jiray saxiibaday kamana xumi saxiibaday oo kaliya, ee waxa aan ku xumahay nasiib darada ku dhacday dhalinyartii reer awdal, waxana ogataani raga dawlad isku sheegayaa in ayna jirin cid ka hadlaysaa arintani ama ay dhibayso, waar maanta waxa ayaan daro noqotay dhalinyartii cilmiga lahayd oo wadankoogi wax shaqo iyo garab ah ka helin. taasi oo ku sababtay in naftooda ku haligaan badahaasi, qof walba qofkiisa ayuu u damqadaa” ninkii garan waaya waxa joogana waxa soosocda ma garto”, aniga sida ay ila tahay xukuumada riyaale iyo wixii la caano maalaba in ay lug ku leedahay dhalinyarta maanta ka barakacday dhulkoogii oo nabad ah, taasi oo ku kaliftay in ay radshaan mustaqbal wacan.

Waar Ugu dabayn waxa aan leeyahay intiina damacsan in ay soo baxdo waxa an leeyahay ha soo bixina hadii aad wax maqlaysaan , dhulkiina iska fadhiyaa naftan ilahay baa quudin , qof walba oo reer awdal ah oo soo tahriiba ma dhibayso naxdintiisu reerkiisa oo kaliya ee waxa kale oo ay dhibaysaa qof walba oo reer awdal ah sida tani maanta noo dhibtay, markaa ugu dabayn waxa leeyahay waar ilahay ha loo noqdo, oo ilahay ka baqa oo waxa aad aamintaani in uu ilahay shalay aduunkan ini keenay, maantana aduunkan idinku quudin, markaa naftiina ka daaya halaga iyo dhibka.
Waxa kale oo halkan aan tacsi uga dirayaa dhamaan eheladii iyo qarabadii ay ka baxeen waxana ilahay uga baryaa in uu samir iyo imaan naga wada siiyo dhamaan, iyagana ka waraabiyo naxariis janno….aaamin

wabilaahi tawfiiq
Abdirahman ali rooble
geuwenbrug, holand
by: abdirhaman ali rooble….
Abdirahman ali rooble
geuwenbrug, holand
by: abdirhaman ali rooble….
abdirahmaan hasan caqli said
waxaan aad iyo aad aan uga xumahay dhaliyarada ku dhimatay bada oo aan in badan oo ku jirtana aan sxbo ahayn waxanaan ilahay uga baryaya inay naxariistii jano ka waraabiyo
waxaan leehay inta kale ee hamiga ku haysana inaa ay soo tahriibaan ina ay naftooda soo haligin oo ay iska daayaan tahriibka waxaan inileehay sxbayaal iyo walaalayaal iska daaya
waxaanaan halkana aan tacsi ugu dirayaa qaraabadii iyo eheladii aya ka baxeen dhaliyaradii reer awdal waxaan leeyahay samir iyo iman ilahay ha iniga siiyo iyagana janada fardawsa ilahay ha galiyo aamin …… aamin
by abdirahmaan hasan caqli