Tahriib Iyo Talo
June 19, 2008 1 Comment

Waxa tiiraanyo lagu tusaalo qaato inoogu filan dhacdada taariikhiga ah ee foosha xun ee dhawaan ina soo martay, oo ah in tahriibayaal reer Awdal ahi ku haftaan kuna naf waayeen hirarka iyo mawjadaha badweyn shisheeye. Mar labaad tacsi tiiraanyo badan ayaan gaadhsiinaynaa ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxeen tahriibayaashaas reer Awdal ee heddoodii dhammaatay, naxariis janno iyo samir iyo iimaan.
Dhacdadani waxa lagu tilmaami karaa mid ka daran masiibadii dabiiciga ahayd ee dhawaan ku habsatay xeebaha iyo buuralayda Awdal , oo xitaa hadday dad ku qudh waayeena ay ku haleeshay dhulkoodii, lana aastay maydkoodii. Taasi oo sidaas iyo si la mid ahna, xitaa kaba daran masiibadii innooga timid cadawga shisheeye ee carruur badani ku qudh waayeen sanadkii 1984 markii diyaaradaha xabashidu garaaceen Boorama. Iyo cadowgii sokeeye ee SNM oo dad badan ku gabraartay Awdal intii u dhaxaysay 1988-91. Dhammaan dadkaasi waxay ku dhinteen dhulkoodii Hooyo, waana la aastay maydkoodii. Dabcan way jiraan dad la laayahay raqdoodii oo gacanta SNM ku maqan, balse dagaal la wada galay ayuunbay ahayd, dhulka hooyana ma dhaafin maydkoodu.
Tani maanta dhacday, wax la mid ahi horey inooguma dhicin, Ilaahayna dib danbe innooguma soo celiyo, waa taariikh gal, kaga jirta taariikhda Awdal baalasha ugu murugada iyo mugdiga badan. Dabcan Soomaali oo dhami way tahriibtay oo siyaabo kala duwan ayay u tahriibtay. Dad an lahayn doorasho ayaa jira, oo kolayba dhimasho u taagan hadday joogaan dhulkooda iyo hadday ka maqnaadaanba, sida walaalaheena Koonfur Soomaaliya. Dad soomaaliyeed ayaa jira oo horey u qaxay oo ku nool qurbe nacas aanay maalin kaliya nabad ku seexan, sida walaalaheena Soomaaliyeed ee lagu gabraarto K/Afrika. Dadyoowga noocaas ahi inay tahriibaan oo haajiraan waa wax wakhgitu ku keenay looguna garaabi karo.
Balse su’aasha aynu qormadeenan isku weydiinayno kagana jawaabayno ayaa waxay tahay; maxuu yahay waxa ku keeni kara ummad soomaaliyeed oo hadhsata neecaw xorriyadeed, dawladnimo iyo nabad galyo la yab-yabay sida middan Somaliland, inay iyagu tahriibaan?. Labo Ammuurood midkood ama labadoodaba oo laysku daray ayaa loo aanayn karaa, kuwaas oo kala ah:
(1). Kas Xumo Iyo Kibir
Waa wax dhici kara in kaska wiil yar ama gabadh yar oo hadda soo koraya, jeebadahana lacag loogu shubay ku fikiro inuu dalka ka dhoofo, oo dhinac ka raaco walaalahdooda kale ee dalka ka maqan. Waana wax dhici kara in da’ yarahaasi oo haysta lacag uu dalkiisa ku joogi lahaa kagana shaqaysan kari lahaayi uu ka doorto dhoof oo kibir iyo kas xumo u geeyaan. Balse tani ma wada noqon karto sobabta ugu weyn maxaa yeelay, kas waa laysku celiyaa oo qofka kas yaraani hayso waxbaa loo sheegi karaa. Inkastuuna kibirku isagu dawo lahayn dan kuu run sheegta mooyiye, hadana isaga laftarkiisuna wuxu ku koobnaadaa dad faro ku tiris ah, ee bulsho dhan oo qaarkood wax ayku kibraanba haysan oo mood iyo noolba lihi lama wada odhan karo way kibreen. 90% dadka reer Awdal ee da’ yarta ah ayaa ku fikiriya inay dhulkoodii Hooyo iskaga dhoofaan, hadday wax ku waayeen, dadkaasi oo dhamina ma wada aha dad wax haysta oo waxayba u badan yihiin inta DanYarta ah.
(2). Quus iyo Rajo La’aan
Waa wax dhici kara inta badan, oo waliba ah mida ugu dhaw waxa dhibay dhallaankeena Awdal/Somaliland, inay tahay quus ay ka qaadeen dalkooda, iyo rajo ay ka waayeen dawladooda. Inta quusta iyo raja la’aantu taabatay waa inta danyarta ah ee an haysan lacag ay xirfado dheeraad ah ku bartaan ama kagaba shaqaystaan dhulkoodaa. Xitaa hadday helaana an rajo ka qabin inay noqon doonto dhaxal waara (sustainable) oo daba-ka war-war ka qaba ama in la dhaxal wareejin doono amaba an dhagba loo dhigi doonin. Kuwaa oo ka walaacsan inay dhadhaab iyo dhagax dixeed ay u mari doonaan inay dhulkooda kaga faa’iidaystaan dhudhunkooda, oo caqabado iyo carqalado joogta ah lagu hayo.
Si kale haddaynu u dhigno, waa dad lagu khuukhiyo dawladnimo iyo nabadgalyo hadana dillaal iyo mullaal u yihiin dooroonayaal. Waana xasilooni iyo nabad galyo lagu xidh-xidhay xadhko siyaasadaysan, oo ninka an xadhkahaas cuskanin yahay nin lumay oo loofaray. Tusaale; qofka xusbiga talada haya an dabada qabsan ayaa wuxu yahay mid ku jira xabsi daa’im gurigiisa dhexdiisa ah, oo loola dhaqmo sidii nin kitaab ceel ku riday oo kale. Xitaa kuwa dabada qabsada xadhiga xusbiga talada haya ayaa hadana sii kala leh guntimooyin ay kala cuskadaan. Qofka noqda “Halkaad noo dirtaba Haye Aabo Haye” , una badheedha inuu daldalo xoolaha -danyarta reer Awdal, kaasi ayaa ugu dhaw inuu badbaado (to survive). Inta kale ee dammiirka iyo dareenka Binu-aadanimo, Soomaalinimmo iyo Awdalnimo ku jiro, waxay halis ugu jiraan inay dhulkooda Hooyo ku noqdaan cirka soo dhac oo kale (Alliens), oo lagaba tirtiro ama dhagax lagu dilo,ama laga cararaba, haday iyagu carari waayaan. Waa Duni Damiir Beeshay iyo Diimuqraaddiyadda Daahiraysan ee Awdal lagula Daalaa-dhacay. Waana mida lanaga doonayo inaan qabiil ugu hiilino, ama lanoogu dudayo inaan qabiil ugu hiilin waynay..iwm. Waana ayaan darro inteeda le’eg – macal-asif.
Hadaba Maxaa Talo ah; Waxay talo noola gudboontahay inaynu u kala qaybino dadkeena, Shicib iyo Dawlad, mid walbana siino wixii an is leenahay waa talada ugu habboon:
(A). Shicibka Reer Awdal
Reer Awdaloow dhulka idinkaa leh, Ilaahayna wuu idinku eeganayaa, dhasha idinkaa leh, Ilaahayna wuu idinku eeganayaa, dhudhunka idinkaa leh, Ilaahayna wuu idinku eeganayaa. Waxan talo idiinku soo jeedinaynaa:
- Isku duubnaada oo danta Awdal dhan ugu soo wada jeesta, hadday dacar ka qadhaadhahayna runta ku dooda, xaqana ku dhinta.
- Wacyi galiya dhalaankiina kana dhaadhiciya inay yihiin madaxdii mustaqbalka oo loo baahanyahay maskaxdooda iyo muruqooda.
- Ku waaniya in mahuraan yahay dhulka Hooyo, haybadna lagu leeyahay dhulka Hooyo.
- U fura dhallaanka xirfado iyo shaqooyin dheeraad ah idinkoo qurbe joog iyo guri joogba is wada kaashanaynaya adeegsanayna hayadaha samafalka iyo gargaarka.
- Lacagayoowga qurba joogu dirayaan ama guri jooga Awdalba siinayaan dhallaanka, ha laga yareeyo ama halaga muxarimo inay ku dhoofi karaan.
- Samaysta guddiyo iskugu jira waxgarad, wadaado, waayeelo, reer Awdal ah oo ka hor tega tahriibka, si toos ahna ula socda dhaq-dhaqaaaqa dhallinyaradeena.
- Ka waantooba inaad ku kala qaybsanaataan ‘heellada yackooya ee lagu hayo Hargeysa’, iyo siyaasadda halkaas taalla ee Aabaheed goblamay. Danta Awdal ku murma, danta Awdalna ka wada munaaqishooda, iska laaba Kitaabka Hargeysa, kaasi ninkii keensadaa kaydsadee, iska illaawa.
(B). Dawladda Awdal/Somaliland
Xil wuxu idinka saaranyahay xaqsoorka, xasiloonida iyo xukunka gobolka iyo dalka, Ilaaheena Xaakimka ahina wuu idinku daawanayaa, wuuna idinkala xisaabtami doonaa. Ubadkiina ha badina heehaab iyo meehanoow, dadkiinana ha badina dactaro iyo daaduun. Haddaad sheeganaysiin diimuqraaddiyad iyo dawladnimo, waliba diinna ad leedihiin, waxa laydinka rabaa:
- Inaydaan ugu kala eexanin dadkiina kanaa xusbi hebel ah iyo keerbaa xusbi kale ah iwm, ee ad qof waliba maskaxdiisa iyo muruqiisa wuxu ku qabsan karo ad u fasaxdaan.
- Inaad baraarujisiin dhalinyarada oo ad si heer qaran ah uga hadashiin tahriibka iyo dhibaatooyinka uu leeyahay.
- Inaad kala tashatiin Caalamweynaha sidii shaqooyin iyo xirfado loogu furi lahaa dhalinyarada Somaliland, gaar ahaan kuwa Awdal oo ugu rajo liita.
- Inaad ka joojisiin boobka iyo dhaca ad ku haysiin masaakiinta iyo Danyarta Awdal ee ad dhiigooda ku dul nooshihiin sidii dullinka (parasites). Isla mar ahaantaana ad hor dhigaysiin qalcadaha iyo qarqoorka.
- Inaad ogsoonaatiin in xilku yahay meerto oo maalin maalmaha ka mid ah laydinka xayuubin doono laydinkalana xisaabtami doono. Sidaa daraadeed ad dadka ula dhaqantiin sidii ad jeclaan lahaydeen in laydiinla dhaqmo maalinta xilkaasi idinka meero ee ad noqotiin shicib caadi ah.
- Inaydaan idinku u hor seedin dhalinyaradu inay dhulka ka dhoofaan, oo ubadkiina ad u daysaan dhulkooda, idinkuna ad joogtiin dhulkiina, xitaa marka maamulka laydinka xayuubiyo.
Nabad Iyo Caano
Editor’s View
HiilDanYare @AllBoon.Com
Salaamu calaykum , bacda salaan sxb ama walaal runtii waxa tahay qof aad u dad jecel, marwalbana wanadiisa iyo arintiisa laga arko bogaga internetka ,aniguna mudo badan waan arkay maqlada aad soo qorto, runtii aad baan ula dhacay waxa aan ku rajaynayaa in aad halkaa ka sii wado, oo adan noqon fadhi ku dirir kkk, walaal waxa kale kugu la talin lahaa rajadaadu iyo hamigaagu yuuna noqon mid kaliya nolashada soo dhaafin, ha noqdo mid reer awdal iyo reer salal horta gaadha, markaa indr khayr baan ku rajaynayaa iyo guul