Iska Daayaay Tahriib

Ta’da gabay waan jeclaa, tan iyo hore waagiiye
Tahriibse markaan maqlaan, tuuray weedhaasiye,
Toogashay igu noqityo, tumaatiyo taf wareene,

 
Tiraabkeedaan ka baqayaa,Ta’ daba dhammaane
Tunkiyo xaada is taagoo, kalmadaasi  igu turqane
Miyaa lag tirtiro qaamuskoo, Laga takooro afkeenaba
 
Tahriibku waa tega, Waa tiihiyo dhalandhool
Taxaaba waa naftiina, Tahartiina fogeeya
Tawsiyo waa  bada ciil, Tola’ay iyo taah waalid
 
Isku tuura bad weeyi, haydin tooxo yaxaasku
Tuugta carabtiyo Yurub, haydin tumaan weeyi
Hakugu tiiqsado doofaar, kaa tol fiicnayn weeyi
 
Iga daaya ta’daasoo, iga daayaay tahriib
Taladayda qaatoo, iska daayaay tahriib
Duco tuullan hooyoo, iska daayaay tahriib
HiilDanYare

One thought on “Iska Daayaay Tahriib

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s