reer awdaloow guux
calaa geela laayiyo
la ima galin fariintii
waa guruurucaagee
hadaad gooh ujeedeen
go,a lacagtu maantaba
garoonkii ayuu yaal
gacmeheenu kuu furan
ginigaaga soodhiib
sharaftaada geed saar
reer awdaloo gala
gala gala dadaal gala
wuu go,ay guruuruco
marmarsiiyo waa gumar
haduu xume ku guud dego
waa laga gurguurtaa
garoob looma heesoo
gabay looma tiriyee
kuwii geeriyoodee
ugalbaday dhan aakhiro
guulaa janayniye
gabanada xabsiga galay
nolol geeri dhaantiyo
xaalad laga gariireey
gabigood ku suganyiin
marka guula laga tago
cid ufidisa gacaniyo
haayada gargaariyo
wax ugaara lama oga
inta dhaawac gooriyo
goobuhu qudhmaayaan
waa gabanadeenii
bari gobolku sugayee
hago,aan miyaa talo
miyaad gawsya waynaan
gabaygayga fiirini
dabadeed ka gogol rogan
reer awdaloow garo
halkay guul kadhaw dahay
go,ayeey waan gudi lahaa
hadaan galad eeba helo
hadaan maal gacan kudhigo
runtii galab may dhexeen
gadhkii fikirbaa ijaray
gudoonsaday fara madhnaan
hayeeshee hadal magabin
fariintanibaan gudbini
gurmada reer awdaloow
bakhayl gacantii marabo
isgaabiye waan nacaa
ku goohe wax uuna qaban