Boon vs Xariirad ciyaartoodii su’aalbaa ka taagan?
July 8, 2008 Leave a comment
By: Yaasiin Siciid – Khartuum. Sudan
Tartankii kubbada cagta ee ka dhacay boon, una dhaxeeyaya xulka Boon iyo xulka Xariirad waxuu igu dhaliyay in aan faalo kooban ka qoro, anoo qiimaynaya warbixintaan ka helay websiteka lughaya.com,ee dhacday galabnimadii bisha june ay ahayd 30th,2008.
Boon marka hore waa magaalo qadiim ku ah kubbada cagta haybad iyo taariikh soo jireena ku leh gobolka ay ku taalo.
Boon waxay hormuud ku tahay kalinta dhalinyareed ee hibada u leh ciyaarta kubbada cagta tageerana ka helay dadwaynahooda. Dhalinyardaa oo aad loogu qiimeeyo ciyaar wanaagooda iyo kalinta buuxda ee ay ka qataan ciyaraha degmooyinka gobolka iyo tan gobolka awdalba, tariikhdaa boon waxay ku kasbatay, iydoo noqotay, Braz.awdal team,
Boon waxay nasiib u heshay dhalinyaro hibbo rabaniya u leh fir fircooni, suubanan iyo akhlaaq ay ku kasbadeen horumarka beeshooda, dhinacyada ugu horeeyana waa dhinacaa sportiga oo ay mar walba gobolka awdal kalinta koowaad kaga jiraan,
xasuustayada waxaa ku wareegaysa, sidda dhalinta Boon ugu xoog sheegteen dhalinyarada magalooyinka Boon la jaarka ah sida; Quljeed, Borama, iyo Saylac. oo mid walba ay ardaageeda ay ku tumeen,
Waxaa dhalinta reer Boon lagu amanaa in ay aad u jecelyihiin isku duubnaanta ciyareed iyo hagrasho la,aanta ay isku huraan ciyaarta dhexdeeda iyagoo aan qori iyo bud isku qaadan inta ay ciyarayaan. sida la ogyahayna aan isku dhex laynin garoomada kubbada cagta, iyagoo aad u fahansan waxay tahay kubbada cagtu iyo qiimaha ay u leedahay da,ayrta soo koraysa, saxiibtimada iyo wanaga ay ku dhex abuurayso dhalinta soo koraysa ee kala duwanashaha degaanka ah.waxana u horseeday bulshada oo aad u fahansan kubbadaa,
Tusaale ahaan waxaa iniggag filan siduu Idiris Muxumed Sacad ugu huray malkiisa ciyartoygii awdal ee 2007kiii Hargaysa ciyaarihii gobolada ku cayarayey. waa arin ay reer Boon waligood ku tageeri jireen dhalinta yar ee ciyaraysa, inay u huraan malkooda. waxan ini yara xasuusin intan danbe laga soo bilaabo 1999kii ilaa manta Boon waxay , xajisanaysay kalinta ay kaga jirto ciyaraha kubbada cagta ee heer degmo ilaa gobol,
waxaa la xasuusanayaa in ay la ciyaraan xulka Awdal marka uu u dhamaado tartanka ay kagga qayb galyaan ciyaaro sanadeedka kubbada cagta ee gobolada soomalilnd, kaas oo ay Dhalinyara kubbada cagta ee Boon ay ku garaceen ilaa seddex sanno xulka gobolka awdal garoonka Boorama, guushana ka qaataan iyagoo dadwaynaha reer Boorame daawanayaan, waana jid ay u jideeyeen ciyartoowgii xulka Boon ee markii u horaysay laciyaray xulkii u horeeyay ee gobolka Awdal 1986dii ku dhexmaray garoonka camuud, oo ay gushii ku raacday xulka beesha Boon, ilaa mantana lagama ridan.
sanadkii inna dhaafay waxay reer Boon ciyaar u tageen magalada Burco ee magal madaxda Gobolka togdheer, ciyaartaas oo ku soo dhamaatay 2-2, iyadoo goolasha ay ku horeeyeen reer Boon reer Burcana ay barbareeyeen , goolka u danbeeya ee barbarada Burco waxaa iska dhaliyay xulka boon oo farsamo qaldantay ahaa oo mid difaaca ah iyo goalkeeperka ay is af garan wayeen kubbadiina ay reer boon sidaa iskaga dhaliyeen,
waxaan tariikhdaa u soo qaatay, in ay tahay Boon xaga kubbada cagta magaalo ku tafanuntay oo ka noqtay awdal, braziisha awdal,
siday Xariirad maanta ugaga badiyaan dirqi iyo si la eedo hal goal kaliyana ay ku gor gortamaan? waa arin u bahan in reer Boon ay is waydiiyaan waxa sobobay,
waayo Xariirad la miisaan maahin xaga kubbada cagta Boon, waxay arintaasi dhalinaysaa,
reer boon way daciifeen, waxay kalloy dhalinaysaa Xariirad ka xoog badan Burco iyo Awadal,
haddii aan u soo daadago murtida , ciyaarta dhexmartay xariirad iyo Boon ee ku dhamatay,
1-0 waa ciyaar aad looga gacan sareeyay Boon, goalkaa kaliyana waxaa sababay, degaanka iyo tageerayaasha Boon ee ciyartowygu karti kuma keenin waxana loo ictimadayaa, in ciyartoyga Boon daciifeen, markay xariirad tagaana la soo tumi doono waliba looga soo badin doono 3 goals iyo wax kabadan, waa in reer boonow sportigu aad fahankiisii u soo celisaan ee ahaa,
+in dhalinyaradu kagag badbado balwadaha xun xun
+in dhalinyaradu ku korto jidh ahaan iyo aqli ahaan
+in ay dhalinyaradu kaga badbaado qabiilaysiga
+in ay dhalinyaradu isku fahmaan iskuna dhex galaan.
Faiidada ka soo baxdana waxaa leh Bulshada Boon oo ardaygaa dhalinta yari ku dhaafo waqtiga qaan gaarka ee uu ku dhici lahaa korsiin xumo balwad iyo ashax xumo uu u gaysto bulshada dhexdeeda,,,,,,,,,waana xaaraan in nin kubbada u nasab sheeganaya uu cunno qaad, iyo sigaar, ama uu iibiyaba,wa bilaahi tawfiiq.
By: Yaasiin Siciid Cusmaan