Reer Boorama Maantaan U Duceeyay
Posted by hiildan on July 12, 2008
BY: Yaasiin Siciid Cusmaan
Ilaahay ayay amuuri u nagidahaye, aad bay iiga farxisay dibad baxaas ay reer borame ku muujinayaan dareen kooda ku aadan falceliska kasoo baxay reer hargaysa marka la hadal qaado Awdal ama boorama. Reer boraman beenta looga buuxiyay inay wadankani soomaliland la dhaho ay iyaguba ugu sareeyaan.
Inta aan soo noolaa maan arag dadkaa reer boorama oo dareenkooda si wada jira u muujinaya, waa wax ilahay loogu mahadiyo marka umadi garato sidda ay u haboon ee ay ulla dhaqanto dhacdooyinka aduunyadan ee is babadalaya/ Maanta aad baan u faraxsanahay waxaan ku faraxsanahy wax aan horray u dareensanaa qofkastoo i yaqanana igu dhaliili jiray ayaa maanta la illa dareemay. In dhalinyarada reer awdal intooda badani dareemaan harag waraabaha lagu maqaar_sarayo ee la leeyahay soomaliland inigaa leh inigaana soo aasasay . Dabadeedna siddii sheeko caruureedkii logu sheekaysan jiray dacawaa badhidii dhantay kii yaranaa afkay subag ka marmarisay iyaduna uuskay afka iska marisay.kkkkkkkkkk
Reer hargaysa waa dad aan wada dhalanay waa dad aan jaar nahay waa dadka inoo xiga inoo ood xigga halkayse sartu ka qudhunsan tahay ?. Waa in la dareemaa waa arin u baahan rag ill-dheer, shacab la isku diray, la isku dilay, la kala dhex dhigay colaad, oo siddii dad ayna waxba ka dhex dhicin la yidhaahdo si dhib yar waxan wada leenahay dawlad, oo aan la eegin waxii dhex yaalay iyo ciddii isku dirrtay toona. Oon la eegin ka ku agoomoobay iyo ka ku hanti waayay oo ann la eegin ka ku curyaamay iyo ka ku waashay iyo ka imikaba calool xumadu hayso ee la dilay walalkii iyo abbihii.
Iyadoon arimahaas aas aaska u ahaa nabada beelaha walalaalaha ah ee wadda dhashay aan siddii xeerka iyo wanaaga soomaliyeed ahaan jiray aan la marin, oon lasamayn heshiis nabadeed oo shicibku ogyahy oo laga soo saaray baaqyo nabdeed iyo heshiisyo lagu iloobayo waxii dhacay lagana balamin in ciddii wax ka xumaysaa heshiiskaa ay leedahay sharafxumada. Maanta tanoo kale waxaa maanta dhacayaa wax imika dhacaya maahin waa wax u bahan in umadani la nabadeeyo kii cagaha la,aana wax uu ku samro oo heshiis ah uu maqlo, tii gablantayna wax ay ku qanacdo ay maqasho, kii agoomoobayna wax loo wada dhanyahay oo laga heshiiyay meel loo dhigo. Dabadeedna dawlad iyo wax wadaag la samaysto, ayaa loo baahnaa ee maanta waxii dhacaba waa wax waxii hore uun la socda .
Maalinta aad is argataan nin beelahaa hargaysa ah waxuu ku odhanyaa waxaan qabsanay Boorama waxad ahydeen faqash anagaa iniga roonaanay maantana waa taas madaxwayne aan ini siinay,,, Markaa ninka Hargaysa maanta ku nool ee reer borama ah wuu ogyahay qaladka yaala Hargaysa ama umadanba dhexyaala ee dimuqraadiyad iyo heelo beeray la isku jiibinayo markaad aragto rag ku jirra ururka xuunshada ee udub la baxay.
Waxaan manta leehay aan heshiino beelahaa walalheen ah aan dhigano gogol wayn hanna la doono dhaxeeye, kadibna ha laheshiiyo si aan u wada noolaano, si ay wax inooga dhexeeyaan , xeerarna la ilaaliyo.
Wa bilaahi tawfiiq, ilahyoow reer awdal iyo reer hargaysa wax garansii, aamiin aamiin
muuse gaadh gaadh said
asalaama calaykum dr yaasiin aadbaan kuu salamay waxatahay walaalkay aan aad u jecelahay salan walaltinimo ayan ku salaamay intaa kadib waxan kuu sheegayaa oon rabaa inaan ku xasuusiyo talo walaal waxan kaa sugaynaa wax badan waxatahay nin aad muhiim noogu ah oo noosoo baranaya wax aan u baahanahay waxaad noo soo baranaysaa dakhtarnimo waana cilmi aan baahi wayn u qabno waxaaan arkaa adiga wabsaydyada wax ku qora oo wakhti badan ku bixiyey markaa walal waxan ku leeyahay wakhtigaaga nooga faaidee oo ha ku lumin wax ayna dani inga soo galay walaal wax noo so baro oo iska daa qoraalada aan micnaha badan samaynayn waliba ogow waxaad tahay nin ehludiina kuumana haboona waxyaabaha qaarkood ilaahay xaqa ha ina waafajiyo
Muuse Axmed said
waad ku mahad san tihiin hadalkaa qiimaha leh ee aad u soo qoreysaan waanan ku faraxsanahey hadaanu nahay dadweynaha reer Borama ee ku sugan magaalada Hargeisa waanan dareemeynaa hadaldeelqaafka ah ee mar kasta ay ku hadlaan reer Hargeysa waa wax aanu ognahay haddii aanu nahay dadyowga ka soo jeeda G/Awdal gaar ahaan magaalada Borama.
walaal aad ayaad u mahadsan tahay sida wanaagsan ee turxaan la’aanta aad uga hadashey arrimaha kor ku xusan.
abdi rashid yousuf said
yaasiin wuxuu soo jeediyey figrad aad u bad qabta oo wanaagsan waxaan ka mid ahay dadka reer burco waxaan yaasiin ku taageersanahay hadii ay tabasho jirto inaan heshiis jirin marka la heshiiyo ee xeerar la dhigto ee kii wax tabanayaba lala hadlo ee arimaha uu tabanayo meel lagu tiiriyo ayaa dawlad ama urur ama wax la samayn karaa waa in gogol laa sameeyo dadka wax kala tabanaya oo arimaha la dhamays tiro,waxa kala oo khalad ah in ninka isaaq is yidhaahdo reer boorame madaxwaynaa siiseen oo reer boorame ama samaroon ugu tar sheegto maaha waayo reer boorame meel lagama soo dhoofin ee waa dadkii dalka lahaa isku midna waa u tihiin madax waynaha aad sheegayso oo dee adigaa doortay ee laguma khasbin reerna heshiis kulamaad gelin madax waynaan ku siinayaa markaan kaa hor imaado ogow waan ku siiyee taa madax waynaha in isaaq ka hadlaa waa khalad waa inuu u ixtiraamo madax wayne qaran hadii dawlad la doonayo weeye. reer booramana waxaan leeyahay walaalayaal idinkuba waa leedihiin nin iska hadla ee ha dhagaysanina dhangaagaalaha isaaq iskaraba oo iska celiya reer ma matalee.waana aragtaan walaalaheenii koonfureed waxa ku dhacayee aynu iyagana u ducayno in ilaahay colaada ka dul qaado inaguna aynu nabada iyo deganaashaha ku mahad naqno oo ilaashano walaalayaal,waxaan tageersanahay prefessor abdi samater oo jooga maraykanka ahna reer boorame ragbaa yidhaahda somaliland buu wax u dhimay waxba cidna uma dhimin wuxuu aamin san yahay soomaali wayn hadii la helayo markaa qofka in fikradiisa lagu naco maaha waanu uga lexa jeclo badan yahay qaar badan oo somaliland sheegta waa aqoon yahan soomaaliyeed ee ha la ilaashado professorka.wabilaahi towfiiq wixii jawaabo ah emailka iigu soo dira