Hees: Toloow Sahra Miyaa La Guursaday?
Posted by hiildan on July 24, 2008
Waa hees leh luuq aad u macaan oo wali an ku baadi goobayo gacalisaday SAHRA:
Baydka Koowaad
Wallee Timo haldhaalay
Tufaaxii Jannada iyo
Tiriig la mooddii
Tii an jeclaayeen
Tusmaystay maalmahan
Waan tabayaaye meeday?
Taar iyo waraaqiyo
Ta iyo Wawba
Tiraab kamaan helin
Siday tahayna ma ogiye
Miyay tahriibtooy
Talyaani aadday?
Mise toloow, toloow, toloow
Toloow Sahra miyaa la guursaday?
Baydka Labaad
Wahanka ma tego caashaqu
Tumaati joogtiyo
Taf wareen ma daayoo
Tun iyo muruq
Turuqna jiidhkoo
Waan taahaye meeday?
Tuulladdii an waa hore
Ku tababarray jacaylkiyo
Boon inaan tegaabaan
Ku tashaday haatane
Miyay tahriibtooy
Talyaani aadday?
Mise toloow, toloow, toloow
Toloow Sahra miyaa la guursaday?
HiilDanYare

Ahmed Keynan said
Fadlan waxaan jeclaan lahaa in aad Taariikhda Magaalada “Boon” aad iga soo warantid.
Xagee bay ku taala marka la eego Geographiga dalka Somalia?
Goormaa la aasaasay?
Yaa aasaasay?
ninkii aasaasay dadkiisii Iminka ma noolyihiin?
Meeqa sanay jirta magaalada Boon?
Meeqa ruux baa iminka ku nool?
Dhaqaaleheedu muxuu yahay?
Qabiilkee u badan?
Gobolkee bay ka midtahay?
Wax Midgo ah ma ku noolyihiin?
Waxaan rajeynayaa in aad iga soo Jawaabtid su’aalaha kor ku xusan.
waad mahadsantahay
Dr.Ahmed Keynan “Ali-Azhar”
pro/ tamatuc said
aad baan kuu salamay kaynan,
waxaan filayaa boon hadda inay noqtay degmo sidaan warka ku hayo,
waxaa iigu danbaysay iyadoo tuulo ah 1982dii,anoo ku nolaa muddo borama kadibna u dhafay jabuuti,
ilaa mudadaa waxan aqaanay dhalin yaro badan oo reer boon ah
tariikhda ay ii sheegeen dhalintaasi .
waxaan ka xasuustaa, in boon la asaasay 1930kii iskaa wax u qabsana lagu dhawaaqay 1938dii,
odaygaa boon la baxayna uu ahaa samaroon jibriil yoonis ka sii ah.
markaa tariikhda boon waa tuulo ku caan ah degaanka xolaha oo la odhan jiray dhagax joog, oo la baxay in ay tuuladasi u ahato magaalo ay wax ku kala iibsadaan ama ganacsi ku sameeyan.boon ragii deganaa ha soo hadlaan, waxan la kulmay nin pro,ah oo majisterkiisii ku qatay tariikhda zaylac, oo aad wax uga qoray, boona waxuu ka qoray in ay ku caantahay wax isla qabsiga iyo is cawinta ay ku dhisnayeen dadkii xoolo dhaatadii,
oo ay reer boona u yaqanan dhagx joog, wa bilahi tawfiiq,