AllBoon.com

I Daayaay Boon I Deeqdaye.!!

Taariikhda Boon

Posted by hiildan on July 25, 2008

Waxaynu isku dayaynaa inaynu ka jawaabno  dhawr su’aalood oo ku saabsan taariikhda Boon, oo  innaga soo gaadhay walaalkeena Soomaaliyeed ee Dr Axmad Kaynaan:

Jawaabaha Su’aalahaas intooda badan waxa laga dhex heli karaa qormada xiisaha badan ee hoos ku xusan oo ahayd mid dhawr sanadood ka hor ku baahday shabakadaha Awdal oo wariye Caafi inoo soo diyaariyay. Sidaa daraadeed ayaan mar labaad qormadaasi halkan ugu soo guurinnay. Blase qormadaasi kama wada jawaabayso Su’aalaha Dr Keynaan oo dhan;  inta aanay ka jawaabina waxa ka mid ah Qabiilooyinka Boon dega:

Boon waxa laga helaa qabiil kasta oo Soomaaliyeed, Dir ilaa  Daarood iyo cid kastaba.  Qabiilka ugu badani waa Gadabuursi ama Samarroon. Dr Keyanaan wuxu inna soo weydiiyay in dad ka tirsan qabiilka Midguhu degan yihiin Boon. Jawaabtuna waa HAA, oo way jiraan dad qabiilka Midgaan/tumaal/iwm ka tirsan oo ilaa iyo imika deggan Boon, sida an maqlayna Abwaan Cabdi Saayiq wuxu kasoo jeeday isla qabiilkaas Soomaaliyeed ee sharafta badan.

Labada oday ee ugu caansanaa aasaaska Boon, waxay kala ahaayeen Aw-Cusmaan Waaberi  (AUN) oo isaga la odhan karo waaba loogu yimid Boon, iyo Suldaan Caateeye Faahiye (AUN), oo isaguna ahaa rukunka labaad ee dhidibada u taagey Boon. Runtii taariikhda waxa ku xusan inay labadaas oday ka doodeen meesha laga dhisi lahaa Boon, loona gartay halka imika ay Boon ku taallo. Tafiirta  dhammaanba odayadii aasaasay Boon waa noolyihiin oo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba way joogaan, anigaana ka mid ah, oo suldaan Caateeye Faahiye yahay awoowgey: Tafiirta Aw-Cusmaan Waaberi iyo Aw-Cali Maansheeye iyo Rooble Xoosh iyaguna ciidaas ayay ka badan yihiin

Odayga la odhan jiray Boon jilib-yar ee ku aasan duleedka Boon ilaa iyo haatan ma sheegi karo qabiilka odaygaasi ahaa iyo xitaa inuu Soomaali ahaaba, waxase xaqiiq ah in isaga loogu magac daray Boon. Waxan rajaynayaa in qofkii haya taariikhda odayga la odhan jiray Boon Jilb-yar  uu sida ugu dhakhso badan innoogu soo sheegi doono. 

Tirada dadka ku nool Boon iyo nawaaxigeeda waxa lagu qiyaasaa  todobaatan ilaa iyo sideetan kun oo qof  (70, 000  – 80,000), hadaysan kaba  badnayn.  Imika Boon waa degmo buuxda oo si rasmi ah loo aqoonsaday waxayna ka mid tahay gobolka Saylac ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland magacaabay.

Jawaabaha intooda kale waxay ku xusan yihiin qormadan hoose

Cabdiqani Yuusuf Caateeye  (HiilDanYare)

(All Boon -AB)

hiildan@yahoo.com

 

 

………………………………………………………………………………………………………………………………………………

October 18, 2006

Magaalada Boon Waxay Caan Ku Tahay Hilibka Solayga Iyo “Iskaashiga Iskaa Wax U Qabsada”.

By Abubakar Xasan Afi

Magaalada Boon waxay dadwaynaheedu ku nool yihiin miyi iyo magaalo, waxay ku taalaa badhtamaha buura dhaadheer oo ku xeeran magaalada, mid ka mid ahna loo yaqaan (Libaax lay). Waxa dhawaanahan dembe ku badanayey degaanka Boon geedka loo yaqaan tiinka oo aad ku arkaysid wadada hareeraheeda, taas oo looga cabsi qabo inuu goobahaasi ka abuurmo lama dagaan, hadana waxaa dagan xoolo dhaqato aad u tiro badan. Magaalada Boon, waxay caan ku ahaan jirtay hilibka Soloyga, iyada oo manta la odhan karo wuu ka suulay. Marka la maqlo magaca magaalada Boon, wuxuu qof kasta xusuustaa magaalo madaxda Jarmalka oo iyadana la yidhaahdo “Boon”. 

Waxay ku taallaa Boon wadada dheer ee isku xidha jabouti iyo Borama, waana hal bowlaha ganacsiga ka jira deeganadaas, waxaana ka jira shirkado badan oo ka shaqaysta malabka. Kuwaas oo xeryo ku haysta shinida samaysta malabka oo loo iibgeeyo wadanka Jabouti, Dubai iyo gobolada kale ee S/land.

Boon waxay magaalada Borama ka xigta xaga Waqooyiga 60 Km, halka degmada saylacna u jirto 180km, waxayna u dhaxaysaa Qul-ujeed iyo Xariirad. Magaalada Boon waxay ka mid tahay meelaha qadiimiga ah ee la smaeeyey 1933kii, waxaana in ay  magaalo noqoto fikirkeeda lahaa Alaha u naxariistee, Sheekh Cusmaan Wabari Boon. Waa meeshii ugu horeysay ee wakhtiyadii gumaysiga laga bilaabay “iskaa wax u qabso”, dabadeedna dalka intiisa kale ayay ku baahday. Fikrada iskaa wax u qabsada waxay ka timid odayaal wax garad ah, oo hogaamin jiray deegaanka Boon oo magacyadoodu kala yihiin :-

  1. Aw- Cusmaan Waabari
  2. Suldaan Caateeye suldaan Faahiye Nuur
  3. Aw Cali Maasheeye Iidle
  4. Rooble Xoosh Waabari
  5. Ibraahim Aare Waabari
  6. Nuur Cusmaan Colow
  7. Muxumed Maygaag Xergeeye
  8. X .Cige waxays Waabari
  9. Cabdi Muuse Gadiid
  10. Cilmi Camir Barkhadle

Hadaba waxaa mashruucaa iskaa wax u qabsada ee reer Boon Isticmaali jireen lagu fuliyay waxyaabo la taaban karo oo uu ka mid yahay biyo xidheeno lagaga hortagayay nabaadguurka oo laga sameeyey dhul gaadhay 50 km, dhismayaal kale oo ay ka mid yihiin Dugsiyo, malcaamado, Masaajid iyo Saylad.  Waxaa kale  oo iskaa wax u qabso lagu sameeyey Wadooyinka, mashruuca lagu dhisay barkado, balayo iyo Ceelal. Soo galinta  biyaha waxaa maaalada Boon ka caawiyay Hay’ada UNDP 20/09/2004, hay’ada UNICEF waxay ka caawisaa magaalada Boon, biyo gaadhsiinta xaafadaha iyo kiyoosyo ka caawiyay hayada UNICEF sanadkii 2003.Iskaa wax u wax u qabsadu kuma ekayn oo kaliya wakhtiyadii hore, balse ilaa maanta way ka socotaa howlaha iscaawintu.

Magaalada Boon waxaa ka jira Urur dhalinyaro oo magaciisu yahay Daryeel, waxayna ku howlan yihiin naadaafada magaalada iyo ururinta qashinka. Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Ismail Aadan iyo badhasaabkii G/Awdal Maxamuud Sh. A/laahi Cige, ayaa ugu balan qaaday 2004 in Magaalada Boon la gaadhsiiyo heer degmo. Ilaa haddana lama oga sababta loo fulin waayey dhawaaqii ahaa in Boon degmo laga dhigo Gudoomiyaha deegaanka Boon, Raage Cusmaan Waabari, ayaa ii cadeeyay in Boon wasaarada Gudaha ka diiwaan gashan tahay, uguna jirto inay degmo tahay. Isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi  “in qoraal uu u gudbiyay Wasiirka arimaha gudaha S/land iyo Madaxtooyadaba, balse wali wax jawaab ah kama hayno madaxtooyada, waanan ka sugaynaa inuu dhawaan ku dhawaaqo” Waxuuna intaa ku daray “dhaqaale ahaan in degmada Boon is bixinayso”.

Wariye: Afi  warka_awdal@yahoo.com 

8 Responses to “Taariikhda Boon”

  1. Ka: Dr. Ahmed Keynan
    Ku:Cabdiqani Yuusuf Caateeye

    waxaan u mahadnaqayaa Cabdiqani Yuusuf Caateeye. sida wanaagsan ee uga soo jawaabay
    su’aashaydii.
    waxaan ayadana aan raadinayaa in uu jiro “Bali layiraahdo “Bali Midgaan”
    fadlan xagee ku yaala? Maxaase loogu bixiyay bali-Midgaan?
    waxaan ahay Cilmibaare raadinaya taariikhda Midgaha/Boonta/Gabooye? baidari/ yibraha/Tumaalada.
    waxaan mudo tobansano ah ku mashquusanaa “Ethno-hisory of Somali origin” Cilmibaarida kusaabsan
    “Isir Takoorka” “Haybsooca” ama “xiriirka sad-bursiga Qabyaaladda”
    Ma jiraa Xeer guur oo ka dhexeeya Midgaha iyo Samaroon (Gudubiirsiga)
    Ma jiraa xeer mag qaadasho oo ka dhexeeya Midgaha iyo Gudabiirsiga?
    Hadii nin Midgaan ah la dilo Magtiisa waa meeqa xeerka waqooyi?
    Midgaha daga Gobolka saylac ma ku jiraan maamulka saylac?
    Maxaad ka rumeysantahay taariikhda Midgaha?
    fadlan ha qaadan xumaan su’aalahaan waxaan raadinayaa xaqiiq taariikhda bulsho
    ee ummadd aan aqoon meel loogu abtiriyo.
    Dr. Ahmed Keynan

  2. hiildan said

    Aad iyo Aadbaan kuu salaamayaa Dr Keynaan; Su’aalaha ad isoo weydiisay dhammaantood aad ayay u xiiso badan yihiin muhuummad weyna u xambaarsan yihiin. Balse qaarkood jawaabtooda waalla iiga khibrad badan yahay la iigana da’a weynyahay, oo waxan rajaynayaa inay dadka ku haboon kasoo jawaabi doonaan.

    (1).Horta garan maayo meel la yidhaahdo Balli midgaan oo waa markii ugu horreysay ee an maqlo.
    (2). Xeerasha Soomaali u wada dhexeeya ayuun baan filayaa inay dadka ka wada dhexeeyaan. Xeer guur oo si gaar ah ugu dhexeeya Gadabuursi iyo Midgo ma maqal, waxase laga yaabaa inay jiraan qaar kala guursaday, waanse soo baadhi doonnaa.
    (3). Taariikhda midgaha adigaaban kaa baranayaa oo cilmi baadhe u ah, balse waxan rumaysanahay inay yihiin qabiil fac weyn oo sharaf leh oo soomaaliyeed, laguna sheegi karo Soomaali dhab ah oo waddaniyiin ah. Ma laga yaabaa in kalmada MIDGO ahayd MILGO, oo qof carab jalaqo lihi badalay?.!!
    (4). Arrinta magta la xidhiidha, iyada waxan u dhaafayaa odayada iga waaweyn in la ogaadana way tahay, oo la baadho. Waxanse ogahay in Midguhu meel kasta oo woqooyi ay ka degaanba kolba la dhiig baxaan qabiilada ugu faca waaweyn, ee dhulkaasi.
    (5). Gobolka Awdal iyo Saylac waxan rajaynayaa inay maamulkiisa meelo kaga jiraan, sida caafimaadka, waxbarashada iwm.

    Waxan akhristayaasha sharafta badan ku macsuumi lahaa inay cilmi baadhistaada inaga caawiyaan oo kasoo jawaabaan su’aalahaagaas muhiimka ah. Adna waxan kuu rajaynayaa inaad ku guulaysan doonto hawsha ballaadhan ee ad xilka iska saartay ee xaq iyo xaqiiq raadiska ah.

    Mahadsanid Dr Keynan.

    Abdiqani Ateyeh.

  3. Adam Awli Masheye said

    sheeko boon ah 1970th
    Markaad ka baxdo dooxada insiino waxaa arkeysaa boon oo aa u eegi kor isdii qof dayxa tagaya , waxaa is weeydiini Boon sidee buu gaadhi u kori ,waxay ku taalaa meel sare oo aad moodi in diyaarad loogu talagaley ,markaa soo gasha waxa ku salaayama makhaayda muuse barkhadleh oo ah makhaayda cunto macaan ,waxaa dhinaca bari ku yaal sakado tukaano ah , oo ay ka mid yihiin ,tukaanka cige wacays tikgi,oo ahaa mid aad u baaxas weyn . waxaa ku yaaley tulaanaka xaawa geele ,oo ah mid aad baaxad uweyn isna ,waxaa kaloo ku yaaley guryaha aw cismaam waaberi ,
    xaga galbeed waxaa ku yaaley tukaanada reer aw adan jaamac iyo cisman axmed ,aw xasaan andaad ,
    waxaa aad u jeclaa dukaan aw xasanan andaad ,waxa ka heli jirey nacnac baabuur iyo nacnac qalin ,
    waxaa moodaa iney boon tahey wada tokaano hotel iyo bakhaaro ,hadana waxaa soo gali makhaayda muxumed meygaag ,oo aheyd maqaayada ugu sheekada iyo bashaalka badan
    waxaa ku taaley mulcamad weey uu hogaanka u aheyd aw cisman adan cadaawe,xaga galbed waxa ku yaaley dukaanka yaga ,reer aw cali masheye
    dad weeynaha reer boon waxay caan ku yihiin , sheekada falasadada iyo kaftanka ,
    dhalin yarti waxay aad u jecel yihiin kubada cagta oo aay tegaan magaalooyinka deriska la ah sida quljeed iyo xariirad ,cabdul qadir
    dhinacyada kale waxa ku wareegsan ,harooyin biya ah .
    boon waxay leedahey hawa macaan ,oola ibsan salahaa hadi la qaadi karo
    dadka waxay ku xasuustaan boon solayga ,qofkaad weeydiiso wuxuu odhan , boontu waa tee?ma tii jarmalka ?, maya markaad tidhaahdo waxay odhanyaan haa ma tii solega macaaneed
    waxaa boon ku xasuustaa sulaiman aw adam jaamac oo ruwaayado noogu deeqi jirey marey ardeydu camuud ka soo laabtaan , waxaan ku farxi jirey markuu sulaiman yidhaahdo caruurta waa loo ogol yahey oo cod ayay ka dhiibanyaa ,saleeban aw adam wuxuu aha berigaa nin aan ogaleyn in caruur laga reebo ,madadaaloyinka ,
    waxaa ku soo gaba ganeeyna ,boon meel fiican ba aheyn markaad rooble xoosh ad aragto ,
    ha iga rali ahaadaan shekandan dadka reeb boonkuma soowad qori karo
    by the way east and west Bon is the best

  4. mustafe yusuf said

    magacyada liisa ku qoran ee aan akhriyaay waxaa ka maqan malqabeen kii boon muuse barkhadle xergeeye maxaa looga reebay. ma waxaa jira nin aan shaah ama qado ka cuning ma khaayada muuse barkhadle

  5. Waxaa dhibato ah in waxaan jirin in la’isku mashquliyo, haddii an si kale u dhaho waxaan ogahay oo run ah in soomaalida an laga heleyn qof leh aniga ayaa Midgan ah oo ku Ab-tirsaneya.Soomaalidu waxay ledahay Qaba’il mid walba wuxu leyahay Ab-tirsi soo jireen ah sikastab ha ku timade. Mid kale dhanka dhiig bixinta way jirta in lakal badan yahay, oo reerba reer kale la dhig baxo, taas oo mar hore xeer laga dhigtey, oo haddii cid dhiig soo galo oo wada bixin kari waydo la is kashato marka cida marka isla degaan yihiin, haddii ay bixin karto way iska bixin.
    wali ma maqlin am ma arkin reer lagu yidhi waxaad tihiin Midgo oo mag am dhiig idin siin mayno, am waxaad leedihin nus[qayb]. Gurka ayaa laga yaba in uu jiro beelo an laga gursan am ayna qudhoodu ka gursan beelaha qarkood, taas oo an ahayn mid reer ahaan ee ah mid xili hore ku timid reero arrimo dhax mareen,colad, kala badnaansho dad, kala badnaansho xoolo,dhul iwl. Dadka ayaa inta baden sabab u ah in ay wax weyn ka dhigan ee haddii sida dhabta ah wax loo sheego wax jira maha.Waxaa kalo jirta dhanka xirfeda, shaqada in an saarno oo qofka birta Tuma, Timaha jera, kabaha sameeya in la dhaho waa Midgan: dhulka soomaalid meelo badan ayaa shaqooyinkan laga qabta marka ma waxaa la odhan kara way wada dhasheen inti shaqada qabata waa maya haddii si runta loo hadlo, taasina waa aqoon la’aan waayo shaqooyinka kale maxa ka duway, sida xoolo qalida, dhar dhaqida,dhuxul shidida,Guri dhisida, inta oo dhan oo xirfed ah waxaa inagla weyn xoolo dhaqida, taas oo ah mida kali ah ee an lahayn iyo xifedaha oo marki an magalo yeelany ingu soo birey, oo marka dadka magalku barteen si ay wax uga helaan,waxaa dhici karta oo la heli kara reero an shaqooyinka an hayn oo magac lagu dhaho,midgan. Dhanka siyaseeda manta siyaaseeda ka jirta waddanka ayaa iska ah mid si kale ah marka waa qofku sida uu oga qab gali karo waa in uu la yiado. Haddii an soo koobo mid fana iyo mid laga fanaba soomaalida waxaa sida ka dhigey dad an aqoon uu lahayn qaba’ilda oo ku sifeyey dadka in heer sare ah iyo in hoos lakiin qof walba kitaab qumene ah ayaa qorta ugu jira. Waxase jirta in kutubta qarkood laga helayo in soomaalida laga dhigey oo dad soomaali ah ay ka dhigeen
    1.In an Abo lahayn
    2.In an la aqoon
    3.In cawaan ahayd
    4.In an waxba ahayn
    isku gayn Soomaalida waxay soomali ka dhigtey dad an asal lahayn.
    Marka waxaan odhen laha dadka isku hawleya in ay radiyan dad gaar ah waxaa ka fican sida ay ila tahay in ay radiyaan Taariikhda Soomaalida, gaar ahaan xilligi Axmed Gurey Somaalidu ma jirtey oo af soomaali ma hadli jireen?, haddii ta la helo waa arrin weyn oo wax ka bedeli sida soomalidu tahay.
    Wad mahadsen tihiin.

  6. hiildan said

    Aad iyo aadbaan kuu salaamayaa Mr Libaan Buux..!
    Waanad ku mahadsantahay falanqyntaada iyo fikrada wanaagsan ee ad nagu soo darsatay.

    Saaxiib siday aniga ila tahay, lama heli karo taariikhda Soomaalida oo dhan ilaa iyo la helo midda qabiil kastaba iskii u leeyahay marka horaba. Taariikhahaas qabiilooyinka oo laysku soo ururiyay ayaa lagu ururin karaa oo laga dhex heli karaa taariikhda Soomaaliyeedna.

    Haloo fasaxo hana lagu taageero qof waliba inuu taariikhda qabiilkiisa iyo qooyskiisa soo ururiyo si loo helo taariikhda guud ee ummadda ka dhaxaysa.

    Ateyeh

  7. waxaan aad ugu bogey webkana ,gaar ahaan dr keynaan oo raadina tariikhda ,dadka madhibaanka (midgo)
    iyo jawaabta aya siiyeen , abdi qani caateeye,same iyo libaan buux
    hadaan ku soo laabto inaan fikrad ka dhiibto ,taariikhaah qabiilada somaliyeen iyo tariikhda magaalada boon .
    sideedaba anigu waxaan jecalahey runta , markaa la raadiniyo , taarikhaha ,waxaanan ka soo horjeedaa been iyo faanka aan jirin sidaan ku akhristey buug iyo sheekoyin aan netka ku arko ,
    somalidu waa dad reer guraa ah , nin reer guura ah la odhan karo ,tariikho dheer bu ku lahaa magaalo da,weyn
    hadii runta la baqeyn
    heesta la yidhaahdo ,GORAYADU ILMA HEEDA AROORI BEEY DHIGTAA OO ABOODGU U LAYAA , waxaa lagu magacaaba inuu lahaa abaawka weeyn ee xasan sheek muumin, maaha waxa dhab ah ee waxay ahayd heloo dhaqameed aay la haayeen samaroonku ama gadabuursigu , sida isaaqu aay u leeyihiin ALAM DHEH ALAM KARIIM DHEH GOODIROOO RUG DHEH BALOW DHEH BAAR BAXAY DHEH ,
    waxaa uu muqataa in labadu aay yihiin helo reereed.ee aan aheyn hees abwaan qudha sameeyey .
    lama odhan karo hatraawi baa tiriyey
    abbak weeyn ee hassan sheek muumin wuxuu lahaa ina kale uu ku magacaaban yahey ,
    dr keeynaan , waxaa uu netka u soo galey inuu helo tariikhda boonta , markaa dr keynaanow magaalada boon , maaha tariikh daweyn ee waxay dhisan tahey ilaa abaayaasho , sida magaalooyinka somaliyeen
    markaa meel xitaa awoowayaasho deganeyn,waay adag tahey inaan ka hesho tariikh qabiil
    take ee u weeycisey dadka la heeyb sooco ,iney ka yimadeen farciinyiin , waa kaa diidey , waayo dadka la heybsooco maah qabiil qudha oo isku abtirsiin , sideeda somali tariikh dheer kuma laha dhulka , waayo nin sahamiyaha ,ee la yidhaahdo ibnu batuuta waxaa ku qoran buug qoryaaal somali ah aay qoreen , inuu somalida ku amaaney , waa been ,mark aan akhriyey buugtiisa waxaa ku qornaa ,waxaa daga saylac dad negro ah oo madow , kama hadal jinsiyad la yidhaahdo somalia
    xitaa xamar wuu soo marey oo wuxuu sheegey in sheek ku nool yihiin ,
    ta aad rumeeysan tahey maah mid kaligaa ah ee waxaa jira in qabiilooyin somalidu aay sheegtey iney carab yihiin, taasina ay tahey sheeko xariir aan xitaa carbatu nafteedu rumeeyneyn ,
    reer hebel waa suriyaan , reer hebel waa yemen , reer hebel waa ciraaqi
    hada aan la heyn daliil cad
    tusaale ahaan , waxa jira wadanka pakistan , laba qqabiil oo ku nool
    oo la yidhaahdo ,sayidiin iyo qureeyshi , markaad aragto waxay u ge yihiin carab , waxaa intaas dheer
    waxaad arkeysaa maqaamkii ay ka soo degeen oo ay ku quran tahey fartoodii
    markaa somalida oo dhan waa hal qabiil , oo meel ka soo wada jeeda
    maxaa u diidey iney yidhaahdaan ,
    afrikaan maa nahey iyagaayn badi inoo dhexeen oo aan isku fa iyo kalar nahey
    dr keeynaan , waxaa ku gancin inaan qabiilkiinu faraciin ku sal laheyn
    waxaa khubar baadhey , dadka faracinyiintu dadka aay u egyihiin
    waa qabiilo nubia la yidaahdo oo ku nool sudaan ,marka la isbardhigey sawiradii asnaamta ee faraaciinta iyo dadka nuubiyada ee hada
    waxaa ku diidey qabiilada kale aayaa carab ah ,hadaad xitaa eegto abtiriintooda waxaa arkey
    magac somali aad carab shaqo ku laheyn
    sida ,sure, dir , darood , dalan dool
    madar kicis , markey abtiistu sii sheeraatab waxaa sii dheeraanaya maga somali aan shaqo ku leyn carab iyo faraaciiniyiin

  8. abdi wahab said

    waxaan doonayaa in aan wax ka ogaado qabiilka midgaan ama boon in ay hanti yeelan karaan ama aqoon cilmi iyo maad iyo inkale

Leave a Reply

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>