AllBoon.com

I Daayaay Boon I Deeqdaye.!!

Xusuus: Fannaan Xasan Diiriye Faarax (Raxmatullaah Calayhi)

Posted by hiildan on July 29, 2008

Waxa dhawaan geeriyooday fannaankii iyo halgamaagii cuslaa ee ka dhex muuqday fanka Soomaaliyeed muddo aad u dheer. Waa Fannaan Xasan Diiriye Faarax oo aad loo wada xusuusto heesihiisii waddaniga iyo jacaylkaba ahaa ee ku fiday maqal iyo muuqaalba meelkasta oo ummadda Soomaaliyeed joogtaba.
 

Fannaan Xasan Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo,  qooyskiisa, ehelkiisa iyo qaraabadiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee Fanka iyo suugaanta jecelna haka siiyo samir iyo iimaan.
 
Waxan ku xusuustaa Fannaan Xasan, heeso badan oo aad u macaanaa wuxuna lahaa luuq u gooniya oo aad iyo aad u macaan. Dhinaca heesaha waddaniga ah waxan aad ugu xusuustaa midhaha heestan oo an waxyar ka hayo:
 
Heddaydiyo nasiibkaa
is hareera yaalloo,
Anigiyo habeenkay
Hoodada ku kulanee……
Hilibkiisiibuu cunay,
nin hakraday dalkiisee
heegaanaan ahaado horseedo,
waalay hanweynyaheen hogaansho”.
 
Dhinaca heesaha jacaylkana waxan aad u xafiday una wada xusuustaa heestiisii quruxda iyo qiimahaba isku darsaday ee FiidMeer. Gaar ahaan wakhtigii an bilaabay barashada qoraalka iyo akhriska af soomaaliga ee heer dugsi hoose, heesta Fiid meer waxay ahayd kuwii ugu horreeyay ee an xafido, qortana. Heestaas ayaan ku xusuusanayaa Fanaanka inaga tegay hooygii loo badnaa ee aakhiro.
 
Heestii Fiidmeer oo qoraal ah
 
Baydka Koowaad:
 
Faantii Libaaxiyo
Feeraarta cawshiyo
Farowgaan u dirayee
Dadku Faanin jiraybaa
Meel kale u foollee
 
Adigaa Fariidoo
Faallada ku dheeroo
Inta Foorya laylkii
Waligaa Fariisanne
 
Fiidmeerta duushaay
Farriintayda qaadoo
Ha fur-furin adoon arag
Farxaddii jacaylkeen
Ku calool fayoobaa
 
Baydka Labaad
 
Foorida ku ooydiyo
Foodlaha gobyahankiyo
Waa fule tukuhuyoo
Kuma fiicna dirashee
 
Adigaa ka fududoo
Ficilkina adkeeyoo
Ka fogaanin shirarkoo
Fagaaraha dhextagayee
 
Fiidmeerta duushaay
Farriintayda qaadoo
Ha furfurin adoon arag
Farxadii jacaylkeen
Ku calool fayoobaa
 
Baydka Saddexaad
 
Felekiga adduunkiyo
Fiqi laga ducaystiyo
Faaliya wax sheegiyo
Fooxlaha ka bayroo
 
Adigaa ku filanoo
Feejiga ku roonoo
Labadii faqaysaba
Sidii Foore jiiree
 
Fiidmeerta duushaay
Farriintayda qaadoo
Ha furfurin adoon arag
Farxadii jacaylkeen
Ku calool fayoobaa
 
 Waa xusuustii Fannaan Xasan Diiriye Faarax oo dhawaan geeriyooday – Allaha u naxariisto.
 
Abdiqani Ateyeh.

Leave a Reply

XHTML: You can use these tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <pre> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>